Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhowaaqay kudlad cusub. Kudladaan cusub oo lagu magacaabo “Kudlada Midnimo Qaran” ayaa Xildhibaannada ku midoobay waxay sheegeen in ujeedkooda uu yahay in ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada Soomaaliyeed. “Koox dhalinyaro ah iyo rag rug cadaa ah oo odayaal ah ayaa iskugu jira. Kudlada waxay ka shaqeyn doonta midnimada umadda Soomaaliyeed maadaama aan baarlamaanka ku metelno,” ayuu yiri Xildhibaan Jeeg oo kamid ah Xildhibaannada ku dhowaaqay kudladaan. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ka shaqeyn doona dalkaan badbaadintiisa iyo daryeelkiisa haddii ay tahay la-dagaalanka Khawaarijta iyo wax walba oo dhibaato ku ah…
Taliyaha hey’adda nabad-sugidda ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa xalay kormeer ku maray qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, isagoo la afuray ciidamada ammaanka. Kormeerkan oo Taliye Mahad Salaad ay ku wehlinayeen Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Muxudiin Warbac iyo Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan golaha shacabka, isla markaana ah sarkaal sare oo militeri, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan. Taliyaha NISA ayaa ciidamada ku kormeeray baraha koontoroolada ee degmooyinka waqooyiga Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka ay ku baarayeen, ayada oo Mahad Salaad uu caadi u dhex galay bulshada, isagoo shacabka si gacan qaad ah ugu salaamay…
Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa tegay xerada Xalane, oo ay degan yihiin wakiiladda caalamka u fadhiya Soomaaliya. Farmaajo ayaa booqday xarunta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla gudaha Xalane, halkaasi oo kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mr. Farmaajo ayaa Mareykanka kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda dastuurka iyo doodda mucaaradka uu ka qabo qorshaha ay dowladda Xasan Sheekh rabto in ay ku meel-mariso wax ka beddelka ay dooneyso. Xogaha kasoo baxaya kulanka madaxweynihii hore iyo sii-hayaha safiirka Mareykanka ayaa…
Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas ayaa dalab culus u dirtay dalalka reer galbeedka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira Badda Cas iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ugu baaqay dowladaha reer galbeedka in xal u helida xiisadda ka taagan Badda Cas ay kala tashadaan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda taagan aan lagu xallin karin gantaallo iyo duqeymo, balse…
Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed lagu hoobtay oo maanta ka dhacay bariga gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Afbarwaaqo ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo xoolo dhaqato ahaa ku dileen halkaasi. Dilka labada qof ayaa salka ku hayay aano qabiil oo ka taagan deegaanada dhaca bariga gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug. Intaas kadib waxaa dagaal toos ah uu ka qarxay goobta, kaas oo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana uu qaatay saddex saacadood oo xiriir…
Kulan u dhexeeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wakiilada beesha caalamka ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Xubnaha beesha caalamka oo la shiray Axmed Madoobe ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayada oo labada dhinac ay isla soo hadal qaadeen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka. Inta uu socday shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah oo haatan uu ku howlan yahay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay diidan yihiin xubnaha mucaaradka oo saluug ka…
Xildhibaan Cabdifataax Muuse oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle oo lagu Sodhaweyay Magaalada london ee Dalka UK Waxa halkaa ku soodhaweyay Gudoomiyaha Qurba-joogta guud Beesha Mudane Faarax Cali Rooble, Cali Kuukaay, Maxamad Canshuur Ciifoow , iyo Maxamuud Diiriye ee Jaliyada UK Farkhalaal. Hoos ka daawo Muuqaalka Sawirrada Xildhibaanka
Daawo:- Beelaha Xawaadle oo Shaacisay waqtiga rasmiga ah ee Caleemasaarka Ugaaska Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan Ugaas Khaliif. Xigasho Somali Cable TV 📺 Wariye Nimco Cardoofe ayaa kawarameysa. https://youtu.be/napS5e236v0?si=tBjlhg3qGAa-ClO4
Xiddiga kooxda chelsea ee Wataru Endo ayaa sii wada qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee xilli ciyaareedkan. Wataru Endo ayaa ilaa haatan sameeyay rikoodh cajiib ah xilli ciyaareedkan kaas oo muujinaysa sida uu muhiim ugu yahay kooxda Liverpool. Xiddiga reer Japan ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay hesho natiijooyin fiican tan ilaa markii uu yimid kooxda. Kooxda Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin marka uu xiddiga Wataru Endo ku bilowdo shaxda kooxda Liverpool. Wataru Endo ayaa ilaa haatan kooxdiisa u ciyaaray kulamo badan waxa guuldaro ahna lama kulmin. Xiddiga Wataru Endo ayaa kooxdiisa u ciyaaray 12 Kulan tartamada oo dhan…
heekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa caawa ku dhawaaqay inay berri soomayaan oo maalinta koowaad ee Ramadaan ay u tahay, xilli maanta laga soomanaa inta badan Soomaaliya. Qeybo ka mid ah dalka, sida Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb, Guriceel, Gaalkacyo iyo inta badan degmooyinka gobolka Gedo ayaan maanta laga soomin, waxayna dadkaasi ku doodeen inay aragti ku soomayaan, kuna afurayaan. Sheekh Shaakir ayaa u hambalyeeyey dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujiyey inay Alle uga mahad-naqaan abaalmarintiisa bishaan qiimaha badan ee uu soo gaarsiiyey, kana faa’iideystaan fadliga bishaan Ramadaan. “Waxaan hambalyada bisha ramaddaan u diraayaa ummadda muslimiinta ah gaar ahaan shacbiga…
