Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha iyo ciidamo katirsan kumaandooska sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo dhowaan ka qaybgalay dhoolatus Militari oo Kenya ka dhacay. Ciidankaan metalayay Soomaaliya waxa ay kamid ahaayeen ciidamo & saraakiil ka kala socota 23 Dal oo wadajir usoo bandhigay tababarkooda heerka uu gaarsiisan yahay iyo in ay kaalintooda ka qaadan karaan dhoolatuskaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada DANAB iyo saraakiisha ku dhiirrageliyay in ay soo bandhigeen aqoontooda, kartidooda & xirfaddooda sare. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinacyadiisa ay taagnaayeen Wasiirka Gaashaandhigga…

Read More

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa gargaar bani aadamnimo u dirtay Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loogu qaybiyo qoysaska dantayar ee kaalmadaas u baahan. Gargaarkaan ayaa lagu qaaday Doomo si looga dejiyo Magaalada Marka xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana kaddib looga sii qaadi doonnaa Gawaari uu diyaariyay Maamulka Gobolkaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan. Doomahaan ayaa gargaarka looga raray Xeebta Deegaanka Jaziira waxaana lagu wareejiyay Guddoomiyaha Deegaanka Janaale oo qaatay mas’uuliyadda gargaarkaan lagu gaarsiinayo Dadka loo qorsheeyay gargaarkaas. 1,500 oo qoys ayaa kaalmadaan loogu talagalay sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta UNHCR oo uu horkacayo Mr. Charles Leonard Mballa oo ah Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka marwo Safiyo Xasan Maxamed iyo Cabdiqani Maxamed Weheliye oo ah Agaasimaha Agaasinka Guud ee Adeegyada Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda wax u qabadka qaxootiga, kuwa soo guryanoqda, Barakacayaasha, sharciyada la xiriira iyo sidii loogu heli lahaa xalwaara. Madaxa xafiiska UNHCR ee Soomaaliya Mr. Charles…

Read More

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa rumaysan in saxeexii Mason Mount ee kooxdoodu aanu ahayn mid la xidhiidha inuu laacibka reer England u dheelo naadiga, laakiin ay ka lahayd ujeeddooyin kale oo aanay iyagu garanayn Mason Mount ayay Manchester United kala soo wareegtay Chelsea xagaagii tegay iyaga oo kasoo bixiyey £60 milyan oo Gini, hase yeeshee waxa uu waqtigiisa Old Trafford ku qaatay dhaawac uu illaa hadda ku maqan yahay. 25 jirkan ayaa 12 ciyaarood oo kaliya oo dhamaan tartamada ah u saftay kooxdiisa Manchester United, illaa haddana wax gool ah uma aanu dhalinin Red Devils. Sida uu qoray…

Read More

Xiddiga kooxda kubadda cagta Arsenal ee Bukayo Saka ayaa kala doortay horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League midka uu jeclaan lahaa inay kooxdiisu ku guuleysato xilli-ciyaareedkan. Arsenal ayaa xalay usoo gudubtay wareegga siddeedda Champions League iyaga oo sidoo kalena hoggaanka u haya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay toban ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadkiisa. Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa rikoodheyaal 4-2 ah kaga takhalustay FC Porto oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, waxaana guushan ku suntanaa goolhaye David Raya oo badbaadiyey laba rikoodhe. Halyeygii Arsenal ee Thierry Henry ayaa markii ay ciyaartii xalay dhamaatay waxa uu waraystay…

Read More

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay maxkamadeynta illaa 9 askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan kasoo baxsaday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga Camaara iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay haatan dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab. Askartan oo dhammaantood kasoo muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale loo haystaa inay xilliga ay baxsanayeen ay dileen Laba Xidigle Mustaf Nuur Suudi oo ku magac dheeraa Dhoobshaac, isla markaana ahaa taliyaha guutada Abuu-Dujaana ee Ciidamada Xoogga dalka. Xeer ilaalinta ayaa 9 askari kusoo eedeysay baxsasho goobta dagaalka iyo inay lasoo tageen…

Read More

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin muddo la raadinayay oo ku eedaysan dil ka dhacay sanadkii hore degaan ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug Ninkan oo lagu magacaabo Cabdi Deeq Khaliif ayaa muddo lagu raadjoogay, ayada oo ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhigay, waxaana loo haystaa inuu geystay dilka Xasan Nuur Cabdi kaasi oo bishii Juun 2023 ka dhacay degaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob. Intii uu baxsadka ka ahaa cadaaladda, ayaa waxa uu ninkan ku dhuumaaleysanayay deegaanada xaduudaha ee u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland iyo DDS, sida uu shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug ee…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidankaan ayaa maalmo ka hor dalka Kenya uga qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen, waxayna halkaas Danab ka dhigtay wacdare ka yaabiyey ciidamadii wadamada kale ee ka qeyb galay dhoolatuska. Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare oo ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda Soomaaliya oo u baahnaa in laga gudbiyo maqal wanaagsan, maadaama waayo badan uu dalkani ku jiray burbur. Xasan Sheekh soo…

Read More

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda dagaalka 10-kii bishan ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose. AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in weerarka ay qaaday kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya, ayna ku beegsatay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ugunji oo 71 kiilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalka. Taliska soo soo saaray qiimo hordhac ah oo ku aadab weerarka ayaa sheegay inay ku dileen illaa saddex sarkaal oo ku sugnaa goobta la…

Read More