Hooyo Soomaali ah oo dishay Caruurteeda
Sida la xaqijinayo 2 carruur ah oo da’doodu kala tahay 3 iyo 5 sano jir ayaa ku geeriyooday toogasho ka dhacday guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Savage ee gobolka Minnesota, kadib markii hooyadood ay booliska u sheegtay inay toogtay labadeeda carruur ah.
Booliska ayaa sheegay in hooyada Awo abdiiharin duale oo 33 jir ah ay wacday lambarka gurmadka degdegga ah ee 911 subaxnimadii Arbacada, iyadoo sheegtay inay toogtay carruurteeda.
Booliska iyo dab-damiska ayaa goobta gaaray wax yar ka hor 6:30 subaxnimo. Markii ay guriga galeen, waxay isku dayeen inay caawiyaan labada carruur ah. Mid ka mid ah carruurta ayaa isla goobta lagu xaqiijiyay geeridiisa, halka kan kalena loola cararay Isbitaalka Hennepin County Medical Center, balse markii dambe halkaas ayuu ku geeriyooday.
Hooyada dhashay carruurta ayaa boolisku gacanta ku dhigeen, waxaana markii dambe loo taxaabay xabsiga Scott County. Waxaa lagu soo oogay laba dacwadood oo la xiriira dilka darajada labaad.
Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax danbiyo horaa oo ay hooyada gashay markii la baarayna.
Aagga uu falku ka dhacay ayaa weli xiran, iyadoo boolisku bulshada ka codsadeen inay ka fogaadaan goobta inta baaritaanku socdo.
Ilaa hadda, boolisku ma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ka dambeysay toogashada. Sidoo kale lama shaacin magacyada iyo jinsiga labada carruur ah.

