Author: radiohalgan.com

Baydhabo, 22 Juun 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta iyo xaqiijinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulkaasi oo ah magaalada Baydhabo. Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha kala duwan ee laamaha ammaanka, Guddoomiyaha Gobolka Baay, iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, sare u qaadidda feejignaanta ciidamada, iyo xoojinta qorshayaasha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur…

Read More

Korneel Barre Elmi Aragti Siyaasadeed Korneel ayaa Yiri Shirka Xawaadle lama hor istaagi karo: Qoono oo si adag uga hadlay karaamada Ugaaska, midnimada beesha, iyo muhiimadda doorashada Hirshabeelle Waxaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Xawaadle iyo guud ahaan Soomaalida hadalladii culusaa ee uu jeediyay Mas’uul sare Maxamed Xasan Ibraahim (Qoono), kuwaas oo si toos ah u taabanayay karaamada Ugaaska, xorriyadda ay madaxda iyo waxgaradka beeshu u leeyihiin shirarkooda, iyo waajibaadka saaran bulshada Xawaadle ee ku aaddan ka qeybgalka doorashooyinka ka socda Hirshabeelle. Qoono wuxuu si cad u sheegay in “Ugaas aan la aflagaadeyn karin”, isagoo carrabka ku adkeeyay…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib eedeymo la xiriira hadal uu ka sheegay shir lagu daahfurayay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle. Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu shirka ku tilmaamay mid ay wadaan koox mucaarad ah, arrintaas oo dhalisay caro iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhex dhalatay siyaasiyiinta beesha Xawaadle. Waxii warar ah oo ku soo kordha kala soco mar walba Isha Wararka Radio Halgan TV.

Read More

Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u doortay Aadan Maxamed Nuur Madoobe inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee maamulkaasi. Codeyn ayaa waxaa hareeyay muran, kala qeybsanaan, iyo wax is daba marin kadib markii mid ka mid ah musharixiinta hormuudka u ah uu diiday inuu ka qeyb galo sababo la xiriira cod bixin lagu kala baxay. 88 ka mid ah 95-ta ayaa u codeeyay Aadan Madoobe oo isna ah guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday in uu ku biiro hoolka doorashada kadib markii guddiga doorashada uu jabiyay xeer hoosaadka. Tani waxay ka dhigan tahay 92% Xildhibaanada Dowlad…

Read More

Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku baaqay in qarxinta iyo quusinta markab xumuul oo xeebaha Cumaan uu yahay mid ‘’aan la aqbali karin’’ Wasiirka ayaa ku qeexay weerar markabka ku gooshayay calanka Hindiya ee xeebaha Cumaan uu yahay mid aan ‘’la aqbali karin’.’ Korjoogtooyinka baddaha ayaa ku warbixiyay in markabka xamuul la beegsaday lana quusiyay maalinkii shalay. Delhi ma bixin faahfaahin intaasi ka dheer oo la xiriira weerarka, laakiin waxa ay sheegteen in xubnihii shaqaalaha ee saarnaa markabka ay bad qabaan, waxaana uu u mahad celiyay masuuliyiinta Cumaan inay badbaadiyeen nolosha…

Read More

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Imaaraadku ay garab taagan yihiin dalka Masar iyo qoysaska shaqaalaha la afduubtay, iyagoo muujiyay taageeradooda buuxda ee dadaallada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo badbaadada iyo siideynta shaqaalahaas. Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo budhcad-badeedda iyo dambiyada abaabulan ee ka dhaca marinnada muhiimka ah ee badda. Imaaraadku wuxuu ku celiyay baaqiisa ku aaddan in la kordhiyo iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah si loo ilaaliyo maraakiibta ganacsiga, loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha saaran maraakiibta, loona ilaaliyo amniga iyo xasilloonida marinnada navigation-ka. Masar ayaa xaqiijisay in markab…

Read More

Pakistan ayaa beenisay warbixin ay soo saartay warbaahinta CBS oo ku saabsan in Pakistan ay saldhigyadeeda ku heysay diyaaradaha militariga Iiraan, gaar ahaan saldhigga cirka ee Nur Khan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa warbixinta ku tilmaantay mid “been abuur ah oo dadka jahwareerineysa. Bayaanka wasaaradda ayaa lagu yiri: “Warbixinnada noocaas ah, oo ku salaysan mala-awaal, ayaa sida muuqata la soo bandhigayaa iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqiyo dadaallada socda ee lagu doonayo xasilloonida iyo nabadda gobolka. CBS News, oo ah warbaahinta Mareykanka ee bahwadaaga la ah BBC-da, ayaa ku warantay in Pakistan ay “si qarsoodi ah u kaydinaysay” qaar…

Read More

Maxamed Asasa oo markaa guriga ku soo noqday kadib markii uu soo aasay aabbihii Xuseen oo 80 jir ahaa, wax yar kadib carruur yar yar ayaa guriga yimid iyagoo ku qaylinaya in qabrigii ay qodayaan dadka deegaameynta ka samaystay halkaa: Waxey ku dhahayeen “Dadka degaanka waxay qodayaan qabriga!” Tuulada Asasa oo ku dhow magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, Xuseen wuxuu ka ahaa nin si weyn looga qadariyo ka hor intuusan geeriyoon Jimcihii hore sababo la xiriir xanuun. Sida dhaqanka Islaamka uu yahay odeyga oo hore uga shaqeyn jiray ganacsiga xoolaha isla markaana lahaa 10 carruur ah, waxaa lagu aasay qabri…

Read More

Isbahaysiga loo yaqaan Golaha Mustaqbalka ayaa weli ka doodaya jawaabta ay ka bixinayaan martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay muuqato kala aragti duwanaansho xooggan oo dhex yaalla xubnaha mucaaradka. Qaar ka mid ah xubnaha Golaha ayaa si adag u diidan in la fariisto gogol wada-hadal, ilaa marka hore la joojiyo barakicinta dadka rayidka ah ee laga saarayo deegaanadooda. Waxay arrintan ku tilmaameen mid dhaawaceysa kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada. Dhanka kale, xubno kale ayaa soo jeediyay in shuruud adag laga dhigo in Madaxweynaha uu hakiyo doorashooyinka ka socda magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku tilmaameen…

Read More

Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo Boqorka Baxrayn Hamad bin Isa Al Khalifa ayaa mar kale adkeeyay mowqifka dowladdiisa ee ku saabsan amniga qaranka, isagoo sheegay in qof kasta oo lagu helo khiyaano qaran laga qaadi doono jinsiyadda dalka. Boqorku wuxuu sheegay in muwaadinimadu aysan ahayn kaliya dokumenti sharci ah, balse ay tahay heshiis iyo ballan-qaad u dhexeeya muwaadinka iyo dalka. Wuxuu yiri: “Muwaadinkii khiyaama dalkeenna uma qalmo inuu naga tirsanaado. Muwaadinnimadu maaha warqad oo keli ah; waa axdi iyo ballan-qaad. Qofkii jebiya wuxuu luminayaa jinsiyadda dalkeenna.” Wararka ayaa sidoo kale sheegaya…

Read More