Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku baaqay in qarxinta iyo quusinta markab xumuul oo xeebaha Cumaan uu yahay mid ‘’aan la aqbali karin’’
Wasiirka ayaa ku qeexay weerar markabka ku gooshayay calanka Hindiya ee xeebaha Cumaan uu yahay mid aan ‘’la aqbali karin’.’ Korjoogtooyinka baddaha ayaa ku warbixiyay in markabka xamuul la beegsaday lana quusiyay maalinkii shalay.
Delhi ma bixin faahfaahin intaasi ka dheer oo la xiriira weerarka, laakiin waxa ay sheegteen in xubnihii shaqaalaha ee saarnaa markabka ay bad qabaan, waxaana uu u mahad celiyay masuuliyiinta Cumaan inay badbaadiyeen nolosha shaqaalaha.
‘’Weerarka loogu gaystay xeebaha Cumaan markabka ku gooshayay calanka Hindiya ee shalay uu yahay mid aan la aqbali karin, waxaynu si aad ah uga xunahay in maraakiibta ganacsiga iyo bad-maaxyada rayidka ah ay sii socoto beegsigooda ,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Khamiistii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaan kusoo hadal qaadin weerarka khudbadiisii Delhi, waxaase uu adkeeyay in marinka Hormuz ‘’uu u furan yahay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee la shaqeeya ciidamada badda Iiraan.

