Baydhabo, 22 Juun 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta iyo xaqiijinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan xarunta ku-meel-gaarka ah ee maamulkaasi oo ah magaalada Baydhabo.
Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha kala duwan ee laamaha ammaanka, Guddoomiyaha Gobolka Baay, iyo Guddoomiyaha Degmada Baydhabo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, sare u qaadidda feejignaanta ciidamada, iyo xoojinta qorshayaasha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa faray hay’adaha amniga inay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, ka hortagga falalka lidiga ku ah nabadgelyada, iyo ilaalinta shacabka.
Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyey laamaha amniga iyo maamulka inay si dhow isaga kaashadaan sugidda amniga, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
— DHAMMAAD —
Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyey shir looga hadlay adkaynta amniga deegaannada Koonfur Galbeed
By radiohalgan.com1 Min Read
Related Posts
Add A Comment

