Author: radiohalgan.com

Maamulka xabsiga uu ku xiran yahay Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan ayaa Talaadadii si lama filaan ah muddo laba toddobaad ah u mamnuucay dhammaan shirarka iyo booqashooyinka Imran Khan oo xabsiga la dhigay sababo la xiriira “digniinta amniga”, taasoo keentay canaan xooggan oo uga timid xisbigiisa iyo lataliyayaashiisa sharciga. Hogaamiyihii hore ee Pakistan oo 71 sano jir ah ayaa xabsi dheer ku qaadanaya Rawalpindi, oo ah magaalo aad loo ilaaliyo oo deris la ah caasimada Islamabad. Khan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku kacay fal dambiyeed faafin sir qaran iyo guur qarsoodi ah, intii uu xafiiska joogay maalmo uun…

Read More

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku qabatay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho 7 konteenar oo siday raashin dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka. Warbixin kasoo baxday hay’adda oo lala wadaagay warbaahinta ayaa waxaa lagu sheegay in maraakiibta la qabtay ay sideen bur dhacay oo lasoo gelin rabay Muqdisho. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo. Sidoo kale waxa ay intaasi burka la qabtay ay  bishaan March ku xusan tahay waqtiga uu dhici lahaa, ayna ka hortageen in la geeyo suuqda…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) oo maanta dib Beledweyne ugu soo laabtay kaddib howlo shaqo oo Jowhar iyo Muqdisho u joogay dhowr cisho ayaa gilinkii dambe ee maanta u kuurgalay xaaladda amni ee Beledweyne. Isku-duwaha Maaliyadda Gobolka Hiiraan Ciiloow Joobane saraakiil wasiirro hore oo Hirshabelle ka tirsan iyo madax kale ayaa qeyb ka aheyd kormeerka guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha gobolka ayaa saraakiisha amniga iyo qeybaha bulshada ka xog-wareestay amniga waxuuna saraakiisha amniga faray in aay adkeeyaan amniga si bisha Ramadaan dadka nabad ugu afuraan. Dhinaca kale waxa aay tani fariin u direeysaa kooxo amni darro ka wada…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne. Ciidamada Jabuuti ayaa ka gaaray dhammaan xarumihii ay ku lahaayeen bartaha magalaadaas oo xarun ah gobolka Hiiraan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah. Cutubyo ciidanka Jabuuti ee ka baxay magaaladan wayn ayaa ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne, waxayna halkaasi ka howlgalayeen muddo aad u dheer oo ka badan 10 sanadoood. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay ciidankan uga baxeen halkaasi, waxayse arrintan…

Read More

Daawo:- Muqaal Xasaasi ah Madaxweyne Coloow ayaa faah- faahin ka baxshay weerar fashilmay oo Aroortii hore ee saakay lagu qaatay Madaxweynaha Sharciga ah ee Dowladda Hiiraan state Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow oo uu wehliyo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Dowladda Hiiraan State Mudane Cabdirashiid Cabdicasiis Cilmi (Ilkacase) Ayaa warbaahinta shir Jaraa’iid ugu qabtay Aqalka Madaxtooyada Beledweyne ayaa faah- faahin ka baxshay weerar fashilmay oo Aroortii hore ee saakay lagu qaatay xaruunta Madaxtooyada Dowladda Hiiraan State https://youtu.be/izvalHHVf38?si=qWeVTY3G9-ZznFp5

Read More

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao iyaga oo kawada hadlay kaalinta Beijing & howlaha ay Hay’addu haysto. Dr Axmed Cabdi Aadan oo ah ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SODMA ayaa mahadcelin uu ka waday Guddoomiyaha Hay’addaas la wadaagay Danjire Fei Shengchao isaga oo sheegay in Dowladdiisa Shiinaha ay garab istaag u muujisay Soomaaliya waqti kaalmo loo baahnaa. Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah waddamo Soomaaliya ku gacansiiyay gargaar bani aadamnimo iyo kaalmooyin kala duwan waqtigii ay taagnayd saamayntii ka dhalatay…

Read More

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn adag dhul dhigtay 16 Shirkadood iyo Shakhsiyaad ku kala sugan Geeska Afrika, Isutagga Imaaraatka Carabta & Jasiiradda Qubrus kuwaas oo lacagaha ay uruuriyaan u gacan-geliya ‘AS’. Wasaaradda Lacagta ee Dalka Maraykanka gaar ahaan xafiiskeeda Maamulka Hantida Dibadda ayaa go’aankaan waxa ay u qaadday in ay kahortagto taakulada dhaqaalaha ah ee ‘AS’ ka heleyso dhinacyada kala duwan sida hadalka loo dhigay. Xukuumadda Washington ayaa ku goodisay in ay qaadayso tallaab muhiim u ah dhaqangelina cunaqabatayntaan maadaama lasoo gudbiyay xogaha shakhsiyaadkaas iyo shirkadaha si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan. War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Lacagta Maraykanka ayaa lagu sheegay…

Read More

Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas Axaddii ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah. Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed. Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida. Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan…

Read More

Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta shir-guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Dowladda Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo. Shirkan waxaa goobjoog ahaa Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellada Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo. “Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi…

Read More

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa maanta isaga baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Beledweyne. Ciidamada Jabuuti ayaa ka gaaray dhammaan xarumihii ay ku lahaayeen bartaha magalaadaas oo xarun ah gobolka Hiiraan, sida ay innoo sheegeen dad deegaanka ah. Cutubyo ciidanka Jabuuti ee ka baxay magaaladan wayn ayaa ka ilaalin jireen amniga maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Baledweyne, waxayna halkaasi ka howlgalayeen muddo aad u dheer oo ka badan 10 sanadoood. Ma cadda sababta rasmiga ah ee ay ciidankan uga baxeen halkaasi, waxayse arrintan…

Read More