DEGDEG: Israsaaseyn dhimasho sababtay oo xalay ka dhacday magaalada Beledweyne
Israsaaseyn dhexmartay Ciidanka Macawiisleyda Gobolka Hiiraan iyo ciidamo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacday magaalada Beledweyne.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo dhacdadan ayaa sheegaya in israsaaseynta ay sababtay geerida hal haweeney oo shacab ah, iyadoo aan ilaa hadda la xaqiijin khasaaraha kale ee ka dhashay iska horimaadka.
Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa haatan la sheegay inay deggan tahay, waxaana weli la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha dhaliyay israsaaseynta.
Halkaan Kala soco wararkii Ugu Danbeeyay iyo Xoghayaha ka Qarsoon.

