Pakistan ayaa beenisay warbixin ay soo saartay warbaahinta CBS oo ku saabsan in Pakistan ay saldhigyadeeda ku heysay diyaaradaha militariga Iiraan, gaar ahaan saldhigga cirka ee Nur Khan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa warbixinta ku tilmaantay mid “been abuur ah oo dadka jahwareerineysa.
Bayaanka wasaaradda ayaa lagu yiri: “Warbixinnada noocaas ah, oo ku salaysan mala-awaal, ayaa sida muuqata la soo bandhigayaa iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqiyo dadaallada socda ee lagu doonayo xasilloonida iyo nabadda gobolka.
CBS News, oo ah warbaahinta Mareykanka ee bahwadaaga la ah BBC-da, ayaa ku warantay in Pakistan ay “si qarsoodi ah u kaydinaysay” qaar ka mid ah diyaaradaha militariga Iiraan.
Sida laga soo xigtay warbixinta, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, Pakistan ayaa u ogolaatay Iiraan inay saldhig ka samaysato qaar ka mid ah diyaaradaheeda militariga saldhigyadeeda cirka, iyadoo dadaallada lagu yareynayo xiisadda Iiraan iyo Mareykanka ay sii socdaan.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadani ay muujin karto in Iiraan ay dooneyso inay diyaaradaheeda ka ilaaliso weerarrada cirka ee Mareykanka.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale u sheegay CBS News, in Iiraan ay diyaarado rayid ah u dirtay Afgaanistaan, inkastoo aan weli la xaqiijin in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay ahaayeen kuwo militari ah.

