Author: radiohalgan.com

Hay’adda MF ayaa soo saartay Warbixin ku saabsan natiijada horumarka Maaliyadda Soomaaliya kadib shir qaatay muddo labada toddobaad ah oo ay yeesheen Wasaaradda Maaliyadda iyo IMF. Warbixinta IMF kasoo baxday ayaa lagu yiri,” Soomaaliya waxay sii waday horumarinta hannaanka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxqabadka fulinta ajanduhuna waxa uu ahaa mid xooggan, dadaalkaas ay Dowladdu sameysay waxa uu sababay in dhaqaaluhu sare u koco iyada oo la filayo in uu gaari doono GDP-ga dalka koror dhan 3.7 Boqolkiiba marka la barbar dhigo  2023 %2.8 boqolkiiba.” IMF waxay tilmaamtay in maalgelinta tooska ah ee ajnebiga la filayo in ay kor u kacdo, ka dib…

Read More

Wararka ka imaanaya Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iney isaga baxeen magaalada Bacaadweyn. Ciidamada is kaashanaya ayaa wararku sheegayaan in galinkii hore ee maanta ay soo faarujiyeen fariisamihii ay ku lahayeen magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug. Qaar ka mid ah dadka ku nool Bacaadweyn ayaa warbaahinta u sheegay in mar qura ay arkeen ciidanka oo agabkooda magaalada kasii qaadanaya. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada isaga baxay magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta gobolka Mudug iney isugu tageen deegaanka Laas gacameey oo aan sidaas uga fogeyn Bacaadweyn. Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidanka…

Read More

Mareykanka ayaa ballan qaaday in $100M uu ku bixinayo saldhigyo cusub oo militari, oo looga gol leeyahay in ciidanka Soomaaliya ay kala wareegaan ammaanka ciidanka ATMIS dhamaadka sanadka. Taageeradan ayaa laga sheegay, kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur iyo Sii-hayaha safiirka Mareykanka. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo kor u qaadista amniga qaranka. Dhawaan ayay ahayd markii Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah oo ah  dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo shaqeynaya, kuwaas oo awood u leh in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.…

Read More

Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya. Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaalaan geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo jasiirada Qubrus. Shabakadan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka Al-shabaab. Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab oo xirir la leh Alqaacida kana…

Read More

Toddobaadkan Apple waxay samaysay tallaabadii taariikhiga ahayd ee muddada dheer la sugayay si ay ugu oggolaato shirkadaha kale inay bilaabaan samaynta suuqa Apps-ka ee shirkadda taleefannada Iphone-ka. Tallaabadaan ay qasabtay shirkaddan weyn ee tiknooloojiyadda ayaa waxaa ka muujiyay sharcidejiyeyaal u Midowga Yurub ah walaacaas oo ku saabsan in ay shirkaddu ku haysato suuqa hab kelinimo ah. Go’aankan aya si weyn loola socday guud ahaanba caalamka iyadoo bilowgii aad loosoo dhaweeyay iyadoo loo arkaayay guul taariikhi u ah ganacsatada iyo macaamiisha reer Yurub. Laakiin sharciyada adag ee cusub ee Apple iyo khidmadaha ayaa si weyn loo dhaleeceynayaa, iyadoo Spotify ay ugu…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nayroobi. Dedaalka dhexdhexaadinta oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo. Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu…

Read More

Deegaanada Puntland ayaan maanta intooda badan laga oofin af-xirka bisha Barakaysan ee Ramadan iyadoo dadka deeganadaasi inta badan u hogaan sameen amarkii ka soo baxay Wasiirka Cadalaada oo xalay ku dhawaaqay inaysan sugin aragtida bisha sidaas darteedna aysan Soon ahayn. Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo ay garab joogeen qaar ka mida culimada Puntland ayaa sheegay in go’aanka lagu saleeyey ka dib hubin ay sameeyeen. “Baadi goob badan oo aan u galnay inaan helno dhalashada bisha Ramadaan mana hayno meel ka mida Puntland oo laga arkay bishii….marka waxaa dhamaystiraynaa shacbaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab. Laakiin…

Read More

Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hambalyo ku saabsan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Shacabka ayaa Dadka hantida haysta ugu baaqay in ay garab istaagaan walaalahood danyarta ah ee aanay awoodin afurka & waxyaabaha kale ay u baahan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare waa Aadan Madoobe & Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale Dadka usoo jeediyay in ay is cafiyaan kana faaiidaystaan fursadaha ku dhex tuugan Bisha Ramadaan. Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh…

Read More

Waa maxay Soonku? Soonku waa mid kamid ah shanta tiir ee lagu dhisay Diinta Islaamka, waana waajib aan gudushadiisu u baahnanay in qofku leeyhay awood dhaqaale, waa tiirka 4aad ee Islaamku ku dhisan yahay, waxa uu kamid yahay cibaadada gaarka ah ee u dhexeysa rabbi iyo qofka Sooman Qeexidda Soonka: Marka la raaco sida uu u qeexay Immaamu Shaafici soonku waa:- Af-heysi gaar ah, oo laga Af-haysanayo walxo gaar ah lana afheysanayo xilli gaar ah, una gooni ah shaqsi gaar ah. Dhinaca sharciga marka loo kaco Soonku waa Ka Af-heysiga Cunto, Cabitaan iyo galmo xilli xaddidan oo u gaar ah…

Read More

Israaiil ayaa qarsan waysay xanaaqa ay ka qaadday go’aanka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ku sheegay in Yuhuuddu si arxan-darro ah ay ula dhaqantay Falastiin kaddib markii dagaal toos ah iyo go’doomin ay isugu dareen Shacabkaas. Ergayga Israaiil u fadhiga Qaramada Midoobay Ninka lagu magacaabo Gilad Erdan oo la hadlay Idaacadda Militariga Yuhuudda ayaa sheegay in Xoghaye Antonio Guterres uu had iyo jeer diiradda saarayo arrinta Falastiin. Gilad ayaa ku calaacalay in uusan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay marnaba la kulmin ama la xiriirin qoysaska Israaiiliyiinta ah ee Xubnaha ehelkooda ah Xamaas kusoo qafaalatay weerarkii 7dii Oktoobar…

Read More