DEG-DEG-Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gen. Cabdalla Cabdalla, ayaa iska casilay xilkii uu hayey, isaga oo sabab uga dhigay eedo culus oo uu u jeediyey dowladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin caddaalad-darro, musuqmaasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.
Sidoo kale, Jeneraal Cabdalla ayaa dowladda ku eedeeyey in ciidanka Booliska loo adeegsanayo dano siyaasadeed, burburin iyo barakicin, halkii ay ka gudan lahaayeen waajibaadkooda shaqo ee ku aaddan ilaalinta amniga iyo badbaadinta shacabka.

