Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waxaa caasimadda Muqdisho lagu soo gabogabeeyay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir”, taasi oo socotay saddex cisho, ayna soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS. Madashan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Agaasimeyaasha guud ee Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, gobolka Banaadir, khubarro ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS. Arrimaha kasoo baxay waxaa ka mid ah; in la isku afgartay ni la sameeyo Sanduuga…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shirguddoomiyay kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS. Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka. Cutubkan oo ka kooban afar qeyb ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay qeybta koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo Xildhibaannada Labada Aqal ay soo jeediyeen aragtidooda ku aaddan…
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar kale isku qabtay dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Gaza ka socda. Wareysi uu Sabtidii siiyay MSNBC, ayuu Biden ku sheegay in Netanyahu uu waxyeello u geysanayo Israa’iil in ka badan sidii uu Israa’iil u caawin lahaa ” dagaalka uu ku hayo Gaza, isaga oo intaa ku daray inuu doonayo “inuu arko xabbad joojin” marka loo eego heshiis sidoo kale dib u soo celinaya la haystayaashii Israa’iil ee halkaas lagu haystay. Xamaas. Biden ayaa muddo bilo ah ka digayay in Israa’iil ay halis ugu jirto in ay lumiso…
Hoggaamiyihii Al-Qacida ee Yemen ayaa geeriyooday, waxaa sidaas Axaddii ku dhowaaqay kooxda, ayada oo aan bixin wax faah-faahin ah. Khalid al-Batarfi ayaa waxaa madaxiisa dul saarnaa abaal-marin ah $5 milyan, oo uu ballan-qaaday Mareykanka, sababo la xiriira hoggaamintiisa Al-Qacidada Jasiirad u yaalka Carbeed. Inkasta oo la rumeysan yahay in sanadihii dhowaa ay daciiftay sababo la xiriira dagaal dhexdeeda ah iyo duqeymo diyaaradeed oo Mareykanka uu ku dilay dhowr ka mid ah hoggaankeeda, haddana kooxdan oo loo yaqaan AQAP ayaa loo arkaa laanta ugu halista badan ee Al-Qacida. Al-Qacida ayaa sii daysay muuqaal muujinaya al-Batarfi oo ay ku duuban tahay karfan…
Inta badan dalalka Muslimiinta ee caalamka ayaa Isniinta maanta ah billaabey soonka bisha Ramadan oo xalay bilatay, iyadoo Soomaaliyana ay ku jirto dalalka maanta inta badan laga soomay, maalintii koowaad ee Ramadaanka. Mas’uuliyiinta dalka ay ku yallaan goobaha barakaysan ee Sacuudiga ayaa xalay ku dhawaaqay curashada bisha Ramadan. Wax yar kadibna, dalal badan oo Khaliijka Carabta ah, iyo sidoo kale Soomaaliya, Masar, Sudan, Syria iyo Yemen ayaa iyagana ku dhawaaqay inay maanta soomayaan. Hadda muhiimadda bishan u leedahay islaamka iyo waxyaabaha ay xambaarsan tahay ayaa wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab uu ka waraystay Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo…
Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ka hadlay kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Arsenal. Kooxda Man City ayaa kulanka xiga ee premier League la ciyaari doonto Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League xilli ciyaareedka. Guardiola ayaa durba cabsi ka muujiyay qaab ciyaareedka kooxda Arsenal ee kulamadii ugu dambeeyay horyaalka premier League. Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arsenal waxa uu noqon doonaa kulan adag, shaki kuma jiro arintaas”. “Arsenal waxa ay leedahay Tayo, Anagu (Man City) waxa aan u baahanahay marar qaar 89 daqiiqo si aan u bar-barayno kulamada”. “Laakiin Arsenal kaliya 25 daqiiqo ayay u…
Is badal kale ayaa ka dhacay halka ugu saraysa horyaalka premier League iyadoo Arsenal ay hogaanka u qabatay horyaalka, iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay dhibco lumiyeen barbaro 1-1 ah oo ka dhacay garoonka Anfield. Waxa ay la macno tahay in uu jiro hal dhibic kala sareeyaan saddexda kooxood ee ugu sareysa iyada oo ay koox walba u hadhay 10 kulan. Sidoo kale waa markii shanaad ee taariikhda Premier League in saddex kooxood ay ku kala baxaan hogaanka hal dhibic kaliya ka dib 28 kulan oo la ciyaaray. Halkan waxaan ku eegeynaa koox walba kulamada u harsan. Arsenal ayaa hogaanka…
Weeraryahanka Arsenal Gabriel Martinelli ayaan ka qayb qaadan tababarka ka hor kulanka ay Arsenal la ciyaarayso kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League. Laacibka reer Brazil ayaa dhaawac ka soo gaaray cagtiisa kulankii Sheffield United isniintii hore, in kasta oo Mikel Arteta uu sheegay in uu wanaagsan yahay. Martinelli ayaa seegay kulankii Brentford ee Premier League waxana la filayay in uu diyaar u noqdo kulanka champions League. Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxdiisu qaadatay ka hor kulanka champions League.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Alexis Mac Allister ayaa sheegay in ay ahayd in rikoodhe loo dhigo kooxdiisa kulankii Liverpool ay 1-1 la gashay Manchester City Axadii. Laacibka reer Argentina ayaa mar horeba barbareeyay rigoore loo dhigay ciyaarta, waxaana uu dareemay inuu u qalmo rigoore kale daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii xiddiga Doku khalad ku galay isaga oo ku sugan dilinta ganaaxa. Garsoorihii garoonka dhexdiisa ayaan wax rikoodhe ah tilmaamin laakiin VAR ayaa soo dhex gashay waxana ay go’aamisay in aanay rikoodhe ahayn dhacadadu. Isagoo la hadlayay BBC Sport ciyaarta ka dib, Mac Allister wuxuu ka yiri go’aanka: “Waxaan…
Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadda siiyay golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, kuwaas oo maanta hortagay baarlamaanka, si ay u helaan codka kalsoonida. 54 xildhibaan oo ku sugnaa fadhigga baarlaamaanka, ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wasiirrada, sidoo kale baarlamaanka ayaa ansixiyay qorshe siyaasadeed uu madaxweyne Deni usoo gudbiyay. Madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale dib loogu doortay xilka madaxweynaha, waxaa labadii sano ee ugu dambeysay maamulkiisu uu noqday mid fadhiid ah oo ka bixi waayay khilaaf siyaasadeed oo ka jiray gudaha Pubtland iyo dhinaca dowladda federaalka. Ciidamada amniga iyo shaqaalaha rayidka ah ayaanan helin wax mushaar…
