Author: radiohalgan.com

Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda federalka Soomaaliya ee lagu xirayo qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland. Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho. Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka, isla markaana amaradeeda aysan ka dhaqan geli doonin gudaha Puntland ilaa inta laga helayo dowlad u dhaxeysa dadka. Wasiir ayaa si gaar ah u eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka waxaa kagu ilaaliyaa Muqdisho wax kasta oo adeeg dowladeed ah ayey ku guul-dareysatay, argagixisadii…

Read More

Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo maanta xilkaas loo magacaabay. Warsaxaafadeed uu soo saaray Agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad ayaa Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee Hay’adda, “waxaan hambalyo u dirayaa Taliyaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay in uu maamulo Hay’adda NISA.” Mahad ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu ugu adeegay awood tan ugu sarreysa, isaga oo ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray, “waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegnay awood…

Read More

Qaraar ay maanta soo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu amray in xiro muddo todobaad ah dhammaan Qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyika Garoowe iyo Hargeysa, ka dib faragalinta ay Itoobiya ku hayso Qarannimada. Go’aanka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ayaa u dhignaa sida tan:- Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara. “Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya. Abriil 2, 2024 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda. Madaxweyne Xasan Sheekh…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com)-Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Hirshabelle Zakariye khalid abdi-Jimcaale iyo Duqa Magaalada Beledweyne Abdulaahi Salaad isaaq iyo Mas’uuliyiin kale aya Magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka reer Hiiraan. Kulanka aya lagu gorfeeyay sidii looga shaqeeyn lahaa hormarka Deegaanada Gobalka Hiiraan looguna soo dabaali lahaa xasilooni Wasiirka ganacsiga dowladda Hirshabelle ayaa wado dadaalo lagu xaqiijinayo hormarinta nabad iyo sare u qaadista ganacsigga dowladda Hirshabelle.

Read More

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi. Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta. “Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan…

Read More

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay hordhaca muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL. Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen. Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen. Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka…

Read More

Waxaa soo baxaya faahfaahin la xiriirta dilka allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Cali Muude oo xalay lagu diley deegaanka Casarmaal ee gobolka Sh/dhexe. Dilka nabadoonka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo tiradooda lagu sheegay inay gaarayeen illaa saddex nin. Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah raga dilka geystey ay dileen dadka deegaanka halka mid kalana la qabtay. Lama oga sababta ka dambeysay dilka nabadoonka hase yeeshee balse haatan uu baaritaan socdo. Waa markii ugu horeysay oo dil noocan oo kale ah uu ka dhaco deegaanada ka xiga Koofur bari degmada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jidda. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan. Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.    – Advertise

Read More

Qubaro badan oo xaalada Soomaaliya u kuur galay waxay sheegeen in horumar weyn lagasugeyn dalka inta Qofka meel masuul ka ah uu ka fikiryo oo kaliya naftiisa iyo qoyskiisa waana mida dalka cuuryaamisay. Masuulka dhabta ah waa in uu ka fikiro dadka maauulka uu u yahay ka hor naftiisa. Si kasta oo xoolaha dadweynaha u dhacdo ama u dhacdo casabadaada adiga iyo casabadaada ma dhisan kartaan magaalo idiin gooniya oo laga helo adeega bulshada sida Isbitaal, Iskuul, Amni iyo wax kasta. Inta aad noolaan doonto waa yar tahay, waxa cunayso adiga iyo qofka faqriga ah ee tuugsada isku cunimo ayaa…

Read More