Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xaanshi uu u diray Madaxda Dalalka Carbeed ee Qatar iyo Masar waxa uu uga dalbaday in ay dadejiyaan wadahadalka lagu doonayo in lagu dhaliyo xabbad-joojin ka dhaqangasha Magaalada Gaza. Sarkaal katirsan Aqalka Cad oo Warbaahinta qaar ay soo xigatay ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu aad uga caraysan yahay in aanay ilaa haatan la gaarin xabbad-joojin taasi oo qorshuhu ahaa in bisha Ramadaan lagu soo beego. Haatan waxa uu Joe Biden doonayaa in wixii ka dambeeya Axadda Berri ah in la gaaro Xabbad-joojin degdeg ah si ay u ciidaan Dadka Magaalada Gaza una helaan…
Faah-faahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa xaalad halis ah oo ka taagan degmada Dilla ee gobolka Awday, halkaas oo laga baadi goobayo maydka mid kamid ah dadka deegaanka oo ku dhacay dhaamka biyaha ee degmadaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagy magcaabyaa Cabdiraxmaan Mukhtaar Cali, waxaana liqay warta biyaha, ayada oo illaa hadda la la’yahay maydkiisa. Ciidamada Somalilad, gaar ahaan kuwa xeebaha dab-damiska oo ku sugan goobta ayaa maaintii labaad ku sugan halkaasi, ayada oo dadaallo wadaan bad-maaxiyeen la geeyay goobta. “Dilla:- Hawl-gal balaadhan oo lagu baadi goobaayo maydka marxuum Cabdiramaan Mukhtaar Cali oo uu liqay dhaamka Degmada Dilla ee gobolka Awdal…
Soomaalida dalka Sweden ayaa aad u hadal hayey dhacdo la xiriirta wiil Soomaaliyeed oo xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay magaalada Örebro oo 100 mayl galbeed ka xigta caasimadda Stockholm. Wiil Soomaali ah oo la yiraahdo Maxamed-Amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah ayey booliska ku eedeeyeen inuu dilay xaaskiisa oo lahayd uur todoba bilood ah. Dhacdadan ayaa la soo weriyey inay dhacday sannadkii hore, bishii April, waxaase iminka soo cusboonaysiiyey ka dib markii kiiskiisa ay boolisku maxkamad u gudbiyeen. Boolisku waxay kiiskan ka soo saareen warbixin 1,000 bog ka kooban oo masawirro ay la socdaan. Xaaska oo ah 20…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale war xasaas ah kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee haatan kala dhexeeya Puntland, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac oo gebi ahaanba meesha ka baxday. Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xasan Xaange oo la hadlay warieyayaasha ayaa faahfaahin ka bixiyay saameynta ka dhalatay khilaafkan, wuxuuna sheegay inuu hor istaagay mashariic muhiim u ahaa shacabka Puntland. Cabdiqafaar Xaange ayaa soo bandhigay mashaariicda xayirmay kadib khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, wuxuuna sheegay inay mid yihiin mashruuca mushaarka macalimiinta, mashruuca Damal Caafimaad, mashruuca Barwaaqo (ex Biyoole), mashruuca kabka miisaaniyadda maamulka iyo mashruuca Tamarta iyo Korontada. Sidoo kale…
Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac. Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab. Guddoomiyaha degmada Qaasim Furdug oo ka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa maanta Cimrada Bayta Alle ku gutay Masaajidka Xaramka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar. Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinteenna suubban ee Islaamka. Madaxweynaha oo safar shaqo ku tegay dalka Sacuudiga ayaa horay u booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara. Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta,…
Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa. Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa. Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo taasi uu caalamka u aqoonsaneyn. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sidoo…
Mudane Cabdullahi Maxamed Cali Sanbalolshe oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa markii saddexaad loo magacaabay Agasimaha Hey’adda Sirdonka ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA. Sida ku cad dastuurka qabyada ah ayaa qodobka 59aad faqradda 1aad xarafka (c) hadduu xildhibaanka aqbalo inuu qabto xil dowladeed oo aan ka aheyn wasiir wuxuu weynayaa xubinnadiisa baarlamaanka. Haddaba su’aasha imaaneysa wexey tahay qaab sidee ah ayaa loo marayaa buuxinta kursiga HOP 058? Isla qodobka 59aad fakhraddiisa 2aad ee dastuurka federaalka wuxuu caddeynaya inuu kursiga banaan buuxinayo shakhsigii doorashadii hore ku xigay oo ah qofkii galay booska 2aad. Sida ku cad…
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA oo loo magacaabay Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo hadda ka tirsanaa Golaha Shacabka. Magacaabista Sanbloolshe ayaa timid kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya, taasi oo ay maanta meel-mariyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad. Isbeddelkan maanta lagu sameeyay hay’adda NISA ayaa waxaa ka…
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane muuse salaad waheliye ayaa Magacaabay Gudi Dagaalkii Beledweyne ka dhacay kal hore Mouse Sallaad ayaa magacaabay Gudi soo baraaya Dagaalkii Beledweyne ka dhacay. Shaqsiyaad-ka ay ku soo cadaato Maxkamad ayaa la soo taaggi doonnaa,
