Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Somaliland oo si jees-jees ah uga jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

    Somaliland oo si jees-jees ah uga jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

    By radiohalgan.comApril 5, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowladda federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

    Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

    Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda shalay kasoo baxay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo taasi uu caalamka u aqoonsaneyn.

    Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa sidoo kale sheegtay waxay sheegtay in qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa uusan markii hore ku iman go’aan ka yimid dowladda federaalka, haddana aan lagu xiri doonin go’aan kasoo baxa.

    “Go’aankaasi (qaraarka Golaha Wasiirrada Soomaaliya) go’aan na khuseeya anaga maaha, hadaanu nahay dowladda Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saameyn nagu leh marnaba maaha, laba dal oo kala madax-bannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo,” ayay tiri Marwo Rooda oo la hadashay VOA.

    Waxay intaasi kusii dartay “Markii la furayay xafiiska Itoobiya ee Hargeysa lagama talo-gelin dowladda Soomaaliya, imikana go’aankaasi ma soo dhaafi doono qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirrada.”

    Sidoo kale waxay sheegtay in go’aannada kale ee xataa kasoo bixi doona Golaha Wasiiradda ee la xiriira is-afgaradka ay Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa aysan saameyn ku yeelan doonin gudaha Somaliland.

    Go’aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha wasiirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeel,” ayey hadalkeeda sii raacisay Marwo Rooda.

    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xad-gudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargeysa iyo Garoowe.

    Go’aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha wasiirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeel,” ayey hadalkeeda sii raacisay Marwo Rooda.

    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay qaaday tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xad-gudubka Itoobiya ay ku hayso madax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dalka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro laba qunsuliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargeysa iyo Garoowe

    Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

    Sidoo kale waxaa lagu yiri “Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.