Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Kooxda ololaha Biden ayaa Donald Trump ku cambaareeyay inuu baraha bulshada kusoo wadaagay muuqaal muujinaya gaari xamuul ah oo sida sawirka madaxweynaha Mareykanka oo lugihiisa iyo gacmihiisu isku xiran yihiin. Kooxda ololaha Biden ayaa ku eedeeyay Mr Trump inuu “si joogto ah u kiciyo xasarad siyaasadeed” kahor doorashooyinka November. Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa dhankooda sheegay in Dimuqraaddiyiintu ay ku baaqayeen “rabshad baahsan” oo ka dhan ah Mr Trump. Mr Trump ayaa Jimcihii muuqaalka soo dhigay bartiisa Truth Social. Marka la eego cinwaanka muuqaalka, waxaa lagu duubay Jasiiradda Long, New York, Khamiistii markii madaxweynihii hore uu ka qeybgalayay…
Xisbiga madaxwaynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan ayaa rajeynaya in uu mar kale hanto gacan ku haynta magaalooyinka, sida caasimadda dalkaas ee Ankara iyo magaalada wayn ee Istanbul. Mucaaradka ayaa ku guuleystay shan sano ka hor maamulka magaalooyinkaan, kadib markii xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda ee Erdogan uu hugaamiyo ay kula tartameen, iyaga oo gacanta ku hayay muddo rubuc qarni ah. Duqa haatan ee magaalada Istanbul kana socda dhanka mucaaradka – Ekrem Imamoglu- ayaa u arka dib u doorashadiisu in ay tahay talaabo uu u qaado dhinaca madaxweynenimada, isaga oo doonaya in uu badalo Erdogan marka ay dhacdo doorashada sanadka 2028…
Taliska Ciidanka Booliska ee Jamhuuridda iskeed madaxbannaanida ugu dhwaaqaday ee Somaliland ayaa sheegay “in ay ku guulaysteen qabashada eedaysane Maxamed Farxaan Jamaac oo Magaalada Berbera ku jiidhay Wiil yar oo 9 jir ah Habeen hore”. Ninkan oo markii hore ay boolisku sheegeen n uu baxsaday ayey gacanta ku soo dhigeen boolisku isaga iyo gaadhigiisiiba. “Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa eedaysanaha lagu soo qabtay , waxaana degdeg loo horgayn doonaa sharciga marka baadhistu dhammaato” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo boolisku soo dhigay bartooda baraha bulshada. Wiilka yar ee gaadhigu jiidhay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariin,…
Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Man City. Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad Staduim. “Runtii kulan tartan ah sida aad qiyaasi karto, waxaan sameynay tallaabo kale oo weyn maanta”. “Waxay leeyihiin awood ay ku beddelaan qaab-dhismeedka ciyaarta waa koox ciyaarta awood waxan u malaynayaa in aan si fiican ula dhaqanay”. “Waxan u malaynayaa in aan ku jirno xaalada ugu fiican, waxa aan ahayn kuwo awood badan waxana aan kubada u qaadnay meelo fiican”. “Waxa aan marnay tijaabo adag, waxa aan doonaynay in aan badino…
Halyeeyga kooxda Man United ee Roye Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii ay galeen Man City iyo Arsenal. Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku kala baxay bar-baro 0/0 ah iyaga oo aan wax gool ah kala dhalin kulan ka dhacay Etihad. Liverpool ayaa ka hor kulankaas ka badisay kooxda Brighton iyaga oo hogaanka u qabtay laba dhibcood oo cadaan ah. Kadib dhamaadkii ciyaarta Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii Arsenal iyo Man City. “Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay tahay kooxda guulaystay maanta kadib bar-barihii…
Guddoomiyaha gobolka ayaa warbixin ku aadan xaaladda amni gobolka sida la dagaalanka Argagaxisada IWM ka dhageestay saraakiisha ATMIS iyo kuwa dowladda. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo adeegsanaya qibraddiisa ciidan madama sargaal ciidanyahay ayaa shaxda howlgalka iyo sugidda amniga siiyay saraakiisha dowladda iyo kuwa ATMIS waxuuna faray in is badal amni la yimaadaan Waxaa xusid mudan in kulanka ku sugnaa Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin iyo masuuliyiin kale oo UN-ka ka tirsan, guddoomiyaha gobolka ayaa madaxda UN-ka ee Hirshabelle kala hadlay dhameestir-ka mashaariicda horumarinta ee gobolka Hiiraan loogu tala galay. Ugu dambeyn Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS. Afarta cutub ee Xasan Sheekh uu caawa saxiixay ayay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan. Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugnaa xubnaha…
Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo hadheeyeen, gargaar bini’aadanimo oo la geeyey marinka Qaza. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar bini’aadanimo ayaa soo gaadhay gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan. Goobtan waxaa hadheeyey buuq iyo sawaxan, hase ahaatee waxaa arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen. Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida…
Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan Dib u eegista Dastuurka. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhammaystiran: Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya* waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah. Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyaseed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, isagoo xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa. Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka…
