Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
XIldhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar. Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo…
Baraha bulshada ee Soomaalida waxaa si weyn loogu arkayey waayadii ugu danbeeyey dad u cimro iyo acmaal tagaya bogcadaha barakaysan ee Makkah iyo Madina, kuwaas oo hadda soo bandhiga muuqaalo iyo sawiro inta ay ku sugan yihin dhulkaas barakaysan. Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed oo BBCda la hadlay ayaa ka digay in arrintaasi ay wax u dhimi karayso acmaasha qofku uu tagay masaajidada barakaysan. “Qofka waxaa laga rabaa in hadafka uu mesha uga inuu xaqiijoyo, waxyaabaha dheerigaana iska dhaafo, arrintan waa mid cibaado ah oo ruuxa iyo rabbigiis ka dhaxaysa ,marka waxaa loo baahan in…
3 Saacadood ka hor Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhowr bilood ka hor kala saxiixday heshiis is-afgarad Itoobiya u saamaxaya in ay saldhig ciidan iyo deked ka dhisato xeebaha Somaliland, taa beddelkeedana Somaliland ay aqoonsato. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso rabitaankeedii ahaa helitaanka dhul badeed. Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo. Tallaabadaasi waxaa si weyn uga hor…
Madaxweynaha dalka Sierra Leone ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo heer qaran ah oo la xiriirta isticmaalka daroogada dalkaasi oo aad u batay. Kush, oo ah waxyaabo la’isku farsameeyay isla markaana ah sidoo kale waxyaabo la qabatimo, ayaa dalka ku baahday sanado badan. Madaxweyne Julius Maada Bio ayaa dawadan ku tilmaamay “dabin dhimasho” wuxuuna sheegay inay keentay “dhibaato jirta”. Mid ka mid ah maaddooyinka faraha badan ee ay ka kooban tahay dawadan ayaa ah lafaha bini’aadamka, taasina waxa ay sababtay in aad loo adkeeyo ammaanka xabaalaha si looga hortago dadka balwadda leh ee qodaya qabuuraha isla markaana qaadanaya qalfoofka…
Khabiir sare oo arrimaha bani’aadannimada ah kana tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Haiti ayaa ka digay in dalkan uu cagta saaray inuu la mid noqdo “sida Soomaaliya kuna jiro marxaladihiisii ugu xumaa” kadib markii sare u kaca rabshadaha burcaddu ay ku qasbeen tobnaan kun oo qof inay qaxaan isla markaana ay caasimaddiisu ka go’do dunida inteeda kale. Keliya muddo bil ah kadib markii kacdoonka burcaddu uu billowday, William O’Neill – oo ah qareen arrimaha bani’aadannimada una dhashay Mareykanka oo u safrayay Haiti wax ka badan 30 sano – ayaa walaac ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee caasimadda…
Wasiir Daqare oo Baaq udiray Hay’adda Maareynta Musiibooyinka. Hoos ka Dhageyso Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Baaraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa Baaq u diray https://youtu.be/2cj-X8wfYiE?si=u5bsxY6iIgK4OmQr
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliiska ayaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen afar ruux oo qaarkood ah askar kuna eedaysan in ay gaysteen Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho. Qoraalka Booliiska ayaa lagu sheegay in Raggaan gacanta ku dhigay lagu wado baaris isla markaana marka uu soo dhammaado kaddib ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka Dalka si loogu qaado ciqaabta kiiska ay ku eedaysan yihiin. Afarta eedaysane ayaa kala ah: 1-Eedeysane Dable Xoogga Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley. 2-Eedeysane Alifle Xoogga Cabdiraxmaan…
McDonald’s oo dib ula soo wareegeysa maqaayadihii ay ku lahayd Israaiil ka dib markii ay musallifeen
Shirkadda ku caanbaxday cuntada fudud ee McDonald’s ayaa soo xireysa dhammaan maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii macaamiishii ay qaaddaceen macmiishii wax ka cuni jirey. Shirkadda Mconald’s ayaa heshiis la gaartey shirkad la yiraahdo Alonyal oo magaceeda uga shaqeysata Isra’il balse ku qasaartay, ka dib markii lagu cambaareeyey in ay cunto lacag la’aan ah u qaybisay ciidanka Isra’il ee dagaalka ka wada marinka Qasa. Alonyal oo maamuleysey225 maqaayadood oo ku kala yaallay Isra’il, islamarkaana shaqaaleysiin jirtey 5,000 oo qof ayaa waxaa saameyn dhaqaale ku yeeshay cunaqabateyn ay ku soo rogeen macaamiisheedi oo ku eedeeyey in ay…
Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) waxaa ka curtay roobka guga oo maalmihii lasoo dhaafay digniin xooggan laga dirayay si aanay Bulshadu saamayn taban ugu reebin xareedda ka dhalata. Guryo badan ayaa dumay halka laga soosaaray Dadkii ku jiray si loo yareeyo waxyeellada soo gaari karta, goobaha biyaha rooblka ka hooraan ayaa dib loo furay si biyahaas ka dhashay roobka ay uga baxaan. Saadaal aanay wanaagsanayn ayay khubarada qaarkood ku tilmaameen in meelaha qaar uu ku yeelan karo Roobka Guga balse waxa ay soo jeediyeen in feejignaan dheeraad ah laga muujiyo si halista badan ee muuqata loo yareeyo. Meelo…
Ciidamada Israaiil qaybahooda kala duwan oo ka qaybgalaya dagaalka tooska ah ay ku qaadeen Xaafadha kala duwan ee Magaalada Gaza ayaa 6 bil kaddib taagan quus iyo niyad-jab wayn maadaama ay ku guuldaraysteen soo furashada Maxaabiista laga qabsaday 7dii Oktoobar 2023. Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa horay waqti ahaan u qaatay Bilihii Deseembar, Janaayo iyo Febaraayo si uu guullo muhiim u ah uga gaaro dagaallada ay dhinac socdaan qorshaha soo furashada Maxaabiista la haysto balse guul kama keenin. Maraykanka ayaa marka laga eego dhinaca kale waxa uu ka macaashay ama uu faaiido ka helay duullaankaan mar haddii…
