Author: radiohalgan.com

Arsenal ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo ah 25 jir u ciyaara Sporting Lisbon oo ay xagaaga u dhaqaaqi doonaan. Dhaliyahan oo hore ugu soo ciyaaray kooxda Coventry City, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karayaa £85 milyan oo Gini. (Football Transfers) Liverpool ayaa u sheegtay Barcelona, in garabka weerarka xulka Colombia ee Luis Diaz uu qayb ka yahay qorshaha mustaqbalka fog ee kooxdooda oo aanu iib ahayn xagaagan. (Mirror) Arsenal iyo Liverpool ayaa ku tartamaya difaaca dhexe ee xulka Ecuador iyo kooxda Eintracht Frankfurt ee Willian Pacho oo 22 jir ah. (90 min) Garabka…

Read More

Khabiir ku sugan magaalada Madrid ayaa shaaciyey qiimaha uu ku kacayo guriga uu xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ka degay magaalada Madrid, halkaas oo isaga iyo qoyskiisuba ay u guuri doonaan kaddib marka la dhamaystiro heshiiska uu la gelayo Real Madrid. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa soo-dhoweynta Kylian Mbappe oo la filayo inuu xagaaga kasoo dego Santiago Bernabeu, laakiin laacibkan ayaa isaguna dhinaciisa ku mashquulsan sidii uu u heli lahaa gurigii uu degi lahaa. Mbappe oo sidoo kale doonaya inuu ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo ciyaaraha olombikada ee lagu qaban doono magaalada Paris…

Read More

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Arsenal Bukayo Saka ma uusan dooneynin inuu sheego wax hadal ah oo degdeg ah markii Rio Ferdinand uu wax ka weydiiyay kooxda uu doorbidayo in ay Arsenal ku aado wareega 8 dhamaadka champion league. Arsenal ayaa markii ugu horaysay muddo 14 sano ah u soo baxday siddeed dhamaadka tartanka Yurub kadib markii ay rigooreyaal aad u xiiso badan ay uga badisay Porto. Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay rigooreyaal, David Raya ayaa badbaadiyay labo rikoodhe waxana ay Gunners wareega 8 dhamaadka champion league u raacday kooxaha Real Madrid, Manchester City, Bayern Munich, Barcelona iyo PSG. Mar Rio…

Read More

Tartanka loogu magac daray gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League 2023/24 ayaa mar kale noqon doona mid xiiso leh, iyadoo weeraryahannada ugu fiican Yurub ay ku Tartamayaan. Erling Haaland ayaa isha ku haya in Manchester City ay ku guulaysato koobka Yurub oo xidhiidh ah intii uu hogaaminayay Pep Guardiola ka dib markii kooxda difaacanaysa Premier League ay ku guulaysatay koobkii ugu horeeyay xilli ciyaareedkii hore. Waxa uu rajeynayaa inuu ku biiro xiddigaha ku guulaystay gooldhalinta ee Ruud van Nistelrooy, Eusebio, Ferenc Puskas iyo Jean-Pierre Papin si uu u noqdo seddex jeer ku guuleysta kabaha dahabka ee UCL. Kylian Mbappe, sida Haaland,…

Read More

Tobankii sano ee u dambeeyay dunidu way isbedeshay, gaar ahaan dhinaca farsamada, waxaana wakhtigan horumarkani keenay in inta badan dadka dunida ku nool ay helaan moobil casri ah oo lagu adeegsado internet-ka. Waxay tani horseeday, dunida maanta uu isticmaalka baraha bulshada noqdo qayb ka mid ah nolol maalmeedka. Baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa noqday waxyaalaha aynu ku samayno hawlo badan oo nolosha ah iyo nooca adeegsigu nolosheena saameeya. Saamaynta ay goobahaasi ku leeyihiin nolosheenna awgeed, waxa loo baahan yahay in la go’aamiyo sida looga faa’iidaysan karo soonka Ramadaanta si looga fogaado caasinnimada Ilaahay iyo dembiyada waxyeeleyn kara soonkeenna. Sheekh…

Read More

Mid kamid ah shaqaalahii hore ee shirkadda diyaaradaha ee Boeng laguna yaqaanay sheegidda tayo-xumada diyaaradaha ay shirkadu sameeyaan iyo waxyaabaha ka khaldan ayaa meydkiisa laga helay Maraykanka. John Barnett ayaa u shaqaynaayay shirkadda Boeing muddo 32 sanno ah, illaa iyo howlgalbkiisii 2017 kii. Ka hor dhimashadiisii maalmo ka hor, waxuu cadeymo siinaayay kiis dacwad ah oo qarsoon laguna oogaayay shirkadda. Boeing ayaa sheegtay in ay ka xuntahay dhimashada John Barnett, maamulka deegaanka Charcleston ayaana xaqiijiyay dhimashadiisa isniinta. Waxaa la sheegay in 62-jirkaan dhintay dhaawac uu isugu isu geystay 9 kii bisha March, booliiska ayaana xuuraamaya waxa sababay dhimashadiisa. Barnett ayaa…

Read More

Waxaa jirtay waqti ay NATO sameyn jirtay in gebi ahaanba ay isaga fogaato magacaabista amaba in ay soo hadal qaaddo Ruushka marka ay ka faalloneyso arrimaha la xiriira ciidamada Ruushka. Sababta ayaa ahayd in laga fogaado in la abuuro daandaansi. Laakiin duullaankii buuxay ee Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa gebi ahaanba taas beddelay. Hadda, howlgal waliba waxa uu dhacaa iyada oo maanka lagu hayo Moscow. Mid ka mid ah ujeedooyinka muhiimka ah ee howlgalka ee la sheegay waa in la joojiyo Ruushka. Waa dhoolatuskii ugu weynaa ee NATO ay sameyso tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, waxaana ka qeyb qaadanaya 90,000…

Read More

Farshaxanka Turkiga ee nasiibka laga helo laguna farsameeyo goobaha qaxwaha ayaa ahaa wax la arki jiray ilaa 500 oo sano kahor, waana mid ay dhawaanahan aad u xiiseeyaan jiilka cusub. Maalin kasta, malaayiin dad ah ayaa qaxweeya ama caba kofeega si ay xilli hore u toosaan subaxdii, una kordhiyaan dhiirranaanta iyo shaqadooda maalinlaha ah, ama kor ugu qaadaan tamartooda. Inkasta oo si weyn loo rumaysan yahay in miraha qaxwaha markii ugu horreysay lagu beeray dhulka sare ee Itoobiya, waxaa xusid mudan Boqortooyada Cusmaaniyiinta in habka ugu horreeya ee qaxwaha loo isticmaalo. Waxa Yaman ka keenay Barasaab Qarnigii 16-aad ahaa oo…

Read More

12 Maarso 2024 Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo amaanka badda lagana leeyahay dalka Britain laguna magacaabo Ambrey ayaa sheegtay in markab maraayay xeebaha Soomaaliya ay koox hubaysani la wareegeeen. Sidoo kale Hay’adda La socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee Ingiriiska ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan magaalada Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM. Ambrey waxay sheegtay in tirada dadka markabka la wareegay ay dhanaayeen 20 qof, markabkuna uu watay calanka dalka Bangladesh. Isagoo kusii jeeday magaalada Hamriya ee dalka…

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku guulaystay in uu noqdo Musharraxa Xisbigiisa Dimuqraadiga ee Doorashada Dalkaas si uu markale u wajaho Madaxweynihii ka horreeyay ee uu horay uga guulaystay doorashadii ka dhacday Dalkaas. Joe Biden ayaa in muddo ah raadinayay sidii uu u heli lahaa codka Xisbigiisa si uu isugu diyaariyo Doorashada soo socota maadaama Donald Trump uu dib boorka uga jafay in maamullada qaar uu codad badan kasii xaraysto. Biden ayaa tartankaan musharraxnimada ah waxa uu uga adkaaday xubno kale oo xildoon ah si ay u wajahayaan Doorashada adag ee Dalka Maraykanka ka dhacaysa bisha Nofeembar ee sanadkaan 2024…

Read More