Author: radiohalgan.com

Doodda wax ka beddelka dastuurka ayaa meel xasaasi ah mareysa, ayada oo maanta labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yeesheen kukankii 25-aad. Ajendaha kulanka maanta oo ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa waxaa shir-guddoomiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee baarlamaanka 11-aad JFS. Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad mataladda shacabka iyo labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka ayaa la gudo galay maalintoodii labaad. Qaar kamid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada ayaa si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxay doodo adag iyo su’aalo geliyeen…

Read More

Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay qalinka ku duugeen bishii Febraayo ee sanadkii hore 2023-ka ayaa waxaa kasoo baxaya xogo xasaasi ah oo la xiriira qodobada heshiiska. Sida ay baahisay Middle East Eye oo heshay nuqullada heshiiskan, ayaa waxa uu ogolaansho u siinayaan Imaaraadka in uu isticmaalo dekedaha dhulka, badda iyo garoomada diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyada “oo uu xaq u leeyahay” inuu ka sameysto saldhigyo ciidan iyo tababaro si uu hawlihiisa u sii wato. Sidoo kale waxaa u dhigayaa heshiiskan aan lala wadaagin Soomaalida, in gebi ahaanba xasaanad la siiyay ciidamada Imaaraadka ee ku sugan gudaha Soomaaliya. “Dhamaan…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga horyimid heshiis dhawaan lala galay shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Liberty Petroleum. Heshiiskan uu diiday ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa shirkaddan Mareykanka ah la saxiixday Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed. “Waa in aad deg deg u hubiso dhamaan heshiisyada (PSA) dhawaan lala galay Shirkadda Liberty Petroleum aad dib ugu soo celiso hanaanka sharci, adigoo u hudbinaaya guddiga isku-dhafka wasaaradeed ee bixinta qandaraasyada (IMCC), si ay uga gutaan waajibaadkooda sharci ee ku qeexan qeybta lixaad ee sharciga iibka iyo qandaraasyada qaranka 2016,” ayaa lagu yiri waraaq…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad muuqaal ah oo la sii duubay oo warbaahinta lala wadaagay maanta kaga hadlay dastuurka Soomaaliya, oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamaanka Soomaaliya. Farmaajo ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qodobada wax laga bedelayo ee dastuurka, isagoo sheegay in hanaanka ay dowladda Xasan Sheekh wax u rabto aysan wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in hadii sidaan wax lagu sii wado ay taladu ka bixi doonto gacanta Soomaalida oo caalamku uu soo farogeli doono arrimaha dastuurka. “Hadii ay dowladdu ka joogi weyso sida…

Read More

Muwaadin Soomaaliyeed oo Darawalnimada uga shaqeynsan jiray dalka Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo hubeysan ku qaadeen gobolka Jonglei ee  Koonfurta  Sudan. Elizabeth Nyadak John, oo ah wasiirka  warfaafinta ee gobolka, ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay uu kamid ahaa kolonyo gaadiid ah oo raashin gargaar ah u waday degmada Uror oo ku taal Gobolka Jonglei. “Kolonyo 10 baabuur ah ayaa ka baxay caasimadda gobolka Bor si ay raashin gargaar ah u gaarsiiyaan waqooyiga gobolka. Nasiib darro, 10-kii baabuur ee ugu dambeeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Duk Panyang Payam oo ay weerareen kooxihii weerarka…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil loogu geystay wiil Soomaali ah magaalada Sheffield ee dalkaasi Ingiriiska. Wiilka Soomaaliga ah oo lagu magacaabi jiray Sacad Cali ayaa la sheegay iney geysteen dilkiisa kooxo ku hubeysnaa Tooreey, kuwaas oo marxuumka dhowr meel kaga dhuftay Tooreeyda. War kooban oo kasoo baxay Booliiska gobolka Yorkshire ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliiska ay ka wadaan magaalada Sheffield baaritaano ku aadan kiiskan dilka ah. Qoyska Sacad Cali ayaa ka dalbaday Booliiska magaalada Sheffield iney gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay wiilkoodii oo ahaa 24 sano jir. Magaalooyin ka tirsan…

Read More

Waddamada Somaliland ka taageera geedi socodka dimuquraadiyada ayaa guul wayn ku tilmaamay meel marinta xeerarka doorashooyinka Somaliland. Qoraal wadajir ah oo kasoo baxay waddamada Ingiriiska, Norwey, Denmark, Finland iyo Sweden, ayay waddamadu kusoo dhaweeyeen dhamaystirka xeerarka doorashooyinka Somaliland iyaga oo sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca dimuquraadiyada. “Meelmarinta xeerarka waxaanu u aragnaa in ay dib u xaqiininayso ka go’anaanshaha Somaliland ee qabashada doorashooyinka, waxa aanu kala shaqayn doonaa dhamaan daneeyayaasha sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda 13, November, 2024” ayaa lagu yidhi qoraalka. Waxa kale  oo qoraalka lagu sheegay in…

Read More

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in ay dacwad dambiyo dagaal ah uu ka gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo saraakiil kale. Firdhiye ayaa sheegay in ay ka shaqeeyeen in Maxkamad lasoo taago Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, Taliye Mahad Cambaashe iyo 6 sarkaal oo kale. “Waxaanu ka hawlgalnay in dadkii danbiyada gaystay ay cadaalada arkaan, kuwii loo gaystayna ay arkaan danbiilayaashii oo cadaalada loo sii kaxaynayo, hawshan fulinteeda waxa ka hawlgalay garyaqaano reer SSC ah” Ayuu yidhi Firdhiye. Waxa uu sheegay inay…

Read More

Waxa la soo saaray xiddigaha ugu qiimaha ugu badan premier League iyada tartanka horyaalka meel xiiso leh marayo. Xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa ah xidiga ugu qiimaha badan premier League kadib markii uu sii waday wacdaraha uu dhigayay premier League. Haaland yaaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 180 milyan oo euro waxana ku xiga xiddiga Bukayo Saka kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 120 milayn oo euro. Waxa ku xiga xiddiga Man City ee Phil Foden kaas oo lagu qiimeeyo lacag dhan 110 milyan oo euro waxana ay isku qiimo yihiin xiddiga Arsenal ee Declan Rice halka Rodri…

Read More

Ronaldo ayaa kooxda Man City ku taageeraya in ay taariikh cusub sameeyaan xilli ciyaareedkan isla markaas ku guulaystaan horyaalka premier League xilli cyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah. Intii uu hogaaminayay Pep Guardiola, City ayaa ku guuleysatay horyaalka shan jeer todoba xilli ciyaareed gudahood. Hadda, waxay higsanayaan guul naadir ah oo aysan kooxna gaarin tan iyo 1888-kii markaasoo horyaalka Ingiriiska uu billowday. Guardiola ayaa qibrad u leh rikoorada nuucaan oo kale ah maadaama uu horay darajadan ula gaaray Barcelona iyo Bayern Munich. Man City ayaa wali tartan adag ugu jirta horyaalka iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxaha kaalinta 1-aad ku…

Read More