Author: radiohalgan.com

Dagaalka ka dhanka ah argagixisada joogta Soomaaliya ayaa hakad ku jiray dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, wallow ay dhowr jeer ay duqeymo fuliyeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, haddana ma jirin dagaal qorsheyn oo ciidanka xoogga dalka qaadeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay furimaha dagaalka waxaana uu si weyn ugu mashquulay dastuurka iyo xiisadda Itoobiya ee la xiriirta badda. Inkasta oo madaxweynaha loogu garaabi karo arrinta Itoobiya oo shaqo bogaadin leh ka qabtay haddana wararka maalmihii tegay ka yimid deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn ma ahan kuwa farxad galinaya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa soo hadal qaaday Chapter 7, kaasi oo ka dhigan in Soomaaliya aysan weli madax-banaanideeda dhameystirneyn. Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu weli ku jiro Cutubka 7-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isagoo tilmaamay awoodda uu caalamka u leeyahay inuu soo faro-gelin karo xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa dowladda Xasan iyo madaxdii hore ee uu kamid yahay. “Dalkaan wuxuu ku jira Chapter 7, weli kama uu bixin, haddii aan is qaban weyno waxaa qasab ah in beesha caalamka ay garbo duub noo qabato,” ayuu yiri, isagoo sii raaciyay “Haddii…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha ciidanka. Kulankaan oo ku saabsana dardar-gelinta howl-gallada xoreynta dalka ayaa waxa uu madaxweynaha kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howl-gallada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS. Madaxweynaha ayaa marka hore bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka. Saraakiisha ayuu u sheegay madaxeynaha in si adag la iskula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalka socda, maadaama uu aas-aas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya. “Mar walba…

Read More

Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ku geeriyooday marxuum Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa wariye iyo samafale ka shaqeeya gudaha magaaladaasi. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo uu geystay nin waardiye ka ahaa xarun lagu hayo carruur agoon ah oo maamule ka ahaa marxuumka geerdiyooday. Xarunta uu ka howlgalayay ayaa waxaa lagu magacaabaa Taakulo, taas oo qaab iskaashi ah ku hirgeliyeen jaaliyadda iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Galmudug Wararka ayaa sheegay in Cabdikariin Bulxan iyo askariga uu soo kala dhex-galay muran, isaga oo kadib ku furay rasaas, taas oo ka haleeshay madaxa, wuxuuna mar…

Read More

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka. Shariif ayaa maanta kulan gaar ah l ayeeshay sii hayaha xilka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka. Qoraal kooban oo uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxa ku sheegay in danjiraha uu kala hadlay rrimaha amniga iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo uu haatan ka doodayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Waxaan maanta Kulan ku wada qaadanay Safaarada Mareykanka…

Read More

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda dagaal qaatay mudo ka badan 6 saacadood, kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan State. Dagaalka ayaa bilawday Xalay abaare 11:00 habeenimo kadib markii ciidamada Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen fariisimo Hiiraan State ku leedahay gudaha xerada Lamagalaay. Inta la xaqiijiyay dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee mararka qaar si goos goos ah u dhacayay waxaa ku geeriyootay ilaa 6 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda xili ay hurdayeen. Ciidamada maamulka la baxay Hiiraan state ayaa haatan wali gacanta ku haya…

Read More

Update: Rasaasta hadda lagga maqlaayo Degmada Beledweyne waa Hirshabelle iyo Hiiraan State. Ex Wasiir farah Gacameey oo ciidan si gaar ah uĝga amar qaato wata ayaa weeraray Fariisimo Hiiraan State difaac ugga jirreen waxa uunna wasiir-ka ii xaqiijiyay innuu la wareegay Siliga Jabuutiyaan-ka illaa iridda madaxtooyadda. Dhan-ka kalle waxa aan xiriir la sameeyay Dad Goobjoog ahaay  waxa uunna ii sheegay in Hirshabelle weerar ku soo qaaday balse iska difaaceen oo ciidanka qaas-ka ah ee Hiiraan  St dib ulla wareegeen Goobahii ay qabsadeen Hirshabelle Hase ahaate Magaalada Beledweyne ayaa ah xalkeeda Bariga Dhaxe . Ex Wasiir farah Gacameey waa uu dhaarsan-yahay…

Read More

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dalabyo hordhigtay saddex ka mid ah ciyaartoydeeda oo uu tababare Carlo Ancelotti doonayo inay sii joogaan ugu yaraan min hal sano oo kale, halka ciyaartoy afraadna ay sugayaan go’aankiisa iyo inuu qabsado tirada sannadaha uu ciyaaraha kusii jirayo. Los Blancos ayaa waxa ay halis ugu jirtaa inay lumiso afar ciyaartoy oo min afar bilood ay ka hadhsan yihiin waqtiga ay dhacayaan qandaraasyadoodu, waana Luka Modric, Toni Kroos, Nacho Fernandez iyo Lucas Vazquez. Sida uu qoray wargeyska Marca, saddexda ciyaartoy ee Luka Modric, Nacho iyo Lucas Vazquez ayaa dalabyo ka helay kooxo ka dhisan waddanka…

Read More