Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsi ka siideysay ajaaniib u dhalatay dalka Iran oo kalluumeysato ah, kuwaas oo horay xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir. Kalluumeysatadan oo gaareysa illaa 33 ayaa waxaa horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku heshay inay si sharci darro ah kusoo galeen xeebaha Soomaaliya. Sida uu xaqiijiyay safiirka Iran ee Kenya, Ali Gholampour kalluumeysatadam ayaa haatan dib ugu laabanaya dalkooda, maadaama dib loogu celiyay xoriyadooda. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal…
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa ka dhawaajiyay in Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda reer Spain xagaagan. Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah marka uu qandaraaskiisa Paris Saint-Germain dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. Mbappe ayaa todobadii sano ee ugu dambeeyay ku qaatay caasimada France, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday In uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda reer France. Iyadoo Real Madrid la sheegay inay ku jirto booska ugu fiican, 25-sano jirkaan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League. Si kastaba ha ahaatee, dhawaan…
Zinedine Zidane ayaa ka dhawaajiyay seddexda shay ee ay tahay inay ku dhacaan Manchester United haddii uu doonayo inuu maamulo kooxda. Ka dib xilli ciyaareedkii labaad oo uu si xun u maamulay Man United, Erik ten Hag ayaa cadaadis saaran yahay. Mustaqbalka tababaraha reer Holland ayaan la hubin, iyadoo milkiilaha cusub ee kooxda Sir Jim Ratcliffe uusan ku qanacsaneyn inuu yahay ninka dib ugu soo celin kara United hogaanka kubada cagta Ingariiska. Shakiga laga qabo mustaqbalka Ten Hag ayaa keentay in Kooxda lala xidhiidhiyo tababarayaal ay ka mid yihiin Zinedine Zidane. Halyeeyga reer France ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo…
Daafaca Manchester City Kyle Walker ayaa ka warbixiyay xaaladiisa dhaawac ka dib markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo qeybtii hore ee ciyaartii saaxiibtinimo ee England ay la ciyaareen Brazil habeenkii sabtida. Walker ayaa la bedelay daqiiqadii 20-aad ee guuldaradii 1-0 ee Three Lions, iyadoo daafaca midig uu u muuqday mid ka xanuunsanaya muruqa. Tababaraha England Gareth Southgate ayaa sheegay ciyaarta kadib in la qiimayn doono xaalada xiddiga maalmaha soo socda isla markaas ayna u badnayn in uu ciyaaro kulanka Belguim. Walker ayaa baraha bulshada kaga hadlay dhaawaca soo gaadhay waxana uu xiddigu sheegay in uuna dhaawaca soo gaadhay ahayn…
Man United ayaa war xun ka heshay dhaawac xiddiga daafaca uga ciyaara xulka England ee Harry Maguire. Maguire ayaa isaga baxay waajibaadka xulka qarankiisa kadib dhaawac soo gaadhay. Maguire ayaa laga saaray bartamihii qeybtii labaad ee kulankii ay England guuldarada 1-0 ah ka soo gaartay Brazil shalay, waxaana maanta lagu sameeyay baaritaan. Ciyaartoydii hore ee Leicester waxa lagu badalay xiddiga Lewis Dunk kaas oo dhamaystay ciyaarta. Laakiin Maguire ayaa laga saaray kulanka saaxiibtinimo ee Salaasada ay la ciyaari doonaan xulka Belguim. Erik Ten Hag ayaa ka wal-walaya xaalada daafaciisa ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Brentford kadib fasaxa xulalka.
Shirkii Garoowe ee madaxdii hore ee dalka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidii la filayay aan noqon, ayada oo Deni uu ka maquurtay in madaxweynayaashii hore ee dalka uu la soo saaro bayaan wada-jir ah. Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay bayaan kasoo saaray shirka Garoowe ayaa ku xusin wax weyn oo la iskula qaatay marka laga reebo in shirar wada-tashi oo kale la isugu imaan doono, ayada oo bayaanka ay ku xusnaayeen “labada madaxweyne” taasi oo ka dhigan in Deni uusan kula jirin bayaankaas. Bayaankan ay madaxweynayaashii hore keligood kasoo…
Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan. Sidoo kale, 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay inuu dhowaan booqanayo deegaano ka tirsan SSC-Khaatumo oo ay ugu horreyso magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay safarkiisa, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC, Mudane Cabdulqaadir Firdhiye oo ay ku wada kulmeen magaalada Garoowe caasimada maamulka Puntland Madaxweynihii hore oo hadda ku sugan Garoowe ayaa tilmaamay in marka hore uu kusoo laabanayo Muqdisho, kadibna socdaalkiisa dambe uu ugu sii gudbi doono Laascaanood. “Aniga iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay inay…
Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa labadii sano ee ugu dambeysay galaafta nolosha saraakiil sare oo muhiim ahaa, kuwaas oo lagu dilay weerar isku nooc ah, hadaba maxaa is bedelay? Dowladda Soomaaliya labo xilli ayey si weyn ula dagaalantay kooxda Al-Shabaab, labada jeerba waxaa xukunka joogay madaxweyne Xasan Sheekh, balse muddo xileedkaan waxaa sii badaneysa saraakiisha lagu dilayo dagaallada. Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, dowladda Soomaaliya waa ka gacan sareysay Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay xiligaas in laga saaro degmooyin qadiimi ah iyo deegaamo muhiim ah, iyadoo khasaare badan uusan soo gaareynin ciidanka dowladda. Hadda dowladdu waxay gaari la’dahay qaar ka…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa soo saaray qoraal dheer oo jawaab u ah diidmada ay madaxweynayaal hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ka muujiyeen wax ka beddelka dastuurka, iyo dadka doodda ka dhigtay maqnaanshaha Puntland. Hoos ka aqriso qoraalka Geedi. Is-hortaagga wax ka beddelka dastuurku, waa is-hortaagga horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in aan dastuurka la dhamaystiri karin inta ay maqan yihiin Puntland iyo Somaliland. Puntland iyo Somaliland ma maqna ee wakiilladii matalayay labada aqal ee baarlamaanka ayay dhex fadhiyaan oo ka shaqaynayaan; sidoo…
