Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay deegaanka Daaru-Nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Mustaqbal la hadlay.
Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii Rag hubaysan oo katirsan ‘AS’ ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamadaan ay ku leeyihiin Deegaanka Daaru-Nicma Aroornimadii hore ee Maanta oo Talaado ah waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad xooggan.
Inkasta oo aanay la ogayn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan balse waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in la maqlay qaraxyo loo badinayo in loo adeegsaday Gawaari lagu soo raray Walxaha qarxa.
Waa weerarkii saddexaad oo ‘AS’ ay ku qaadday Deegaanka Daaru-Nicma Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaana inta badan marka dagaalladaan dhacaan dhinac socday howlgallo ay samaynayeen ciidamada iskaashanaya.
La soco wixii kasoo kordha