Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Muuse Salaad Weliye oo safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabelle ayaa goordhow soo gaaray magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha cusub ee gobolka oo aay galbinayaan ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ayaa degay Hoygiisa ku yaalla magaalada Beledweyne,waxaana sodhaweyn loogu sameeyay Beledweyne. Isbadal amni dhaqaale arrimo bulsho daadajinta maamulka Dib-u-Heshiis IWM ayaa looga fadhiyaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadka siyaasadda falanqeeya ku warramayaan in magacaabistiisa kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.
Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray xoogag ka tirsan Al shabaab oo halkaas isku urursanayey waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus. Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa Warbaahinta u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen al shabaab, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina haraadiga kooxdasa ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah. “Tiro ajaajib ah iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta ayaan ku dilnay dagaalka, haatanna deegaanka anaga ayaa gacanta ku heyno”. ayuu yiri Guddoomiyaha Guddoomiyaha degmada Xarardheere ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dowlad…
Dowladda hoose ee Beledweyne oo Hoyga Mayarka aan weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin kulan kula qaadatay Howl-wadeeno ka socday mashruuca PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech ee sameeyneyso qiimeynta wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha laga hirgilinaayo magaalada Beledweyne. Barnaamijka oo biloow illa dhammaad aay soo dharan dharisay Mayar Nadar Maalin ayaa muddo dhowr sano ah soo socday, waxaana Mayarka weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin shirar mashaariicdan looga hadlaayay uga qeyb gashay Nairobi iyo sidoo kale Muqdisho waana mid ka mid ah wax qabadka lagu xasuusan doono Mayar Nadar Tabaax Maalin. Howl-wadeenada iyo Engineerada ayaa Mudane Ahmed Afyare Dukow…
Beledweyne(Radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleeno magaalada Beledweyne iyo waliba Jowhar. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ku Soo wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. hadda soo maraaya duleed-ka Degmada Jalalaqsi Goob joogayaal ku suggan Jalalaqsi ayaa uu xaqiijiyay Radio halgan Gàwaari Dowlad Hirshabelle ay leedahay inneey hadda mareen Jiid Cadaha waxana Hogaminaayo Muuse Sallaad wehliye. Dhanka kale Guddoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow markii Xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub Gobolka Hiiraan Muuse Sallaad Ayaa waxa lagu wada in loo magacaabbo Wasiirka Waasaradda Gadiidka & Duulista Hawada Dowladda Hirshabelle Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin…
Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka duntay, kadib markii uu jiiray Markab kuwa koonteenarada qaada ah. Markab dhererkiisu yahay 948 cagood ayaa mugdi ku galay buundada afarta haad ee dekedda Baltimore ee dalka Maraykanka subaxnimadii saaka, taasoo keentay inuu soo dumo oo uu daadiyo baabuur iyo dad. Waxaa lagu warramayaa in gawaari iyo illaa labaatan qof ay ku dhaceen biyaha buundadaasi hoos mara. Markabkan ayaa markii uu ka soo ambabaxayay dekadda “waxa uu lumiyey kontrolka”, shaqaalihii la socdayna waxa ay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta gobolka Maryland in ay…
Guddiga maamulka sare ee Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Geedi Jimcaale agaasimaha cusub ee maamulka Premier Bank. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay la jaanqaadidda horumarka iyo isbeddelada dhaqaale ee dalka ka socda iyo hirgelinta qorshayaasha isku ballaarinta bangiga ee gobolka. Halkan hoose ka Aqriso War Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Sare ee Bangiga Premier
SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba. Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda. “Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC. Waxa uu sheegay in aan la aqbali…
Somaliland oo markale ka hadashay arrimo la xiriira maamulka hawada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale uu shil diyaaradeed ka dhici gaaray hawada, ayada oo hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ku eedeysay inay sababi gaareen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Duulimaadyada Somaliland labada diyaaradood ayaa waxaa la siiyay xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaartay inuu shil dhaco, waxayna falkaas ku eedeysay maamulka hawada Muqdisho. Dhacdadan ayaa dhacday 24-kii bishaan, waxayna Somaliland soo bandhigtay warbixin ku…
Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay weerareen saldhig ku yaalLa halkaas. Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Duqeynta dhacday kadib weerarka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeray ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka aroortii hore ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaankaasi. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntan…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qabtay shir jaraa’id oo arrimaha dastuurka uu kaga hadlay, isagoo sharaxaad ka bixiyey qodobada ay ku diidan yihiin madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in deg deg loo meelmariyo qorshihiisa dhameystirka dastuurka. Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ay wado uu yahay dastuur la bedelayo, balse uusan aheyn dastuur la dhameystirayo, isagoo ka deyriyey xaaladda ay Soomaaliya cagaha la sii geleyso. “Dalkeennu wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, gudaha iyo dibaddaba. Maanta ayaana ugu baahi badannahay midnimo iyo wadajir, balse ma dooneyno in la kala fogeeyo dadkii Soomaaliyeed ee…
