Author: radiohalgan.com

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo dhammaystirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah oo cutubyada 1aad ilaa 4aad maray Baarlamaanka Federaalka. Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno, Senatarro iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qaybgashay isusoobaxaan iyaga oo garab istaag u muujiyay dhammaystirka Dastuurka. Waxa ay dalbadeen in la helo maqaamka (Metaaladda Siyaasadeed) ee Gobolka Banaadir maadaama ay ku nool yihiin dhowr milyan oo ruux oo indhaha ku haya xuquuqda gaarka ah ay ku helayaan qabyo-tirka Dastuurka KMG ah ee Dalka. Xubnihii madasha ka hadlay waxa ay soo jeediyeen in la garab…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane  Geir Arne Schei. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha. Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane  Geir Arne Schei. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha. Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha…

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo jeediyay in Israaiil lagu qasbo jebinta cunaqabataynta adag ay kusoo rogtay Magaalada Gaza si gargaar loogu gudbiyo dadka ku dhibaataysan Dhulka Falastiin. Guterres ayaa tilmaamay in aanay suuragal ahayn in gargaar la gudbiyo iyada oo ay jirto xayiraadda Israaiil sidaas awgeed waxa uu dalbaday in loo baahan yahay raadinta dhabbaha loo jebin karo cunaqabatayntaas. Digniin culus ayuu ka diray xaaladda aanay wanaagsanayn ee laga soo tebinayo dhinaca Magaalada Gaza maadaama Dadka halkaas ku dhibaataysan ay gaareen heer ay cunno la’aan ugu geeriyoodaan Magaaladaas. “dhab ahaantii indhaha lagama daawan karo dadka ku…

Read More

Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu qarax xooggan ka dhacay halkaasi. Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in uu ka dhacay bartamaha magaalada, si gaar ahna hotel yar oo ku dhow saldhiga booliska degmada. Qaraxan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan, islamarkaana ay dad ku dhinteen, inkasta oo weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu le’eg yahay khasaaraha Weli faah-faahin dheeraad ah lama helin, iyada oo la werinayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac. Wixii warar ah oo ku soo kordho kala soco marwalba Isha wararka…

Read More

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka, kaas oo haatan maraya marxaladii u dambaysay ee ansixinta. Dibad-baxan waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qayb-galay shacab isaga kala yimid degmooyinka gobolka iyo mas’uul kala duwan. Mas’uuliyiinta goobta tegay waxaa kamid ah madaxda maamulka gobolka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda dhexe oo hadallo ka jeediyay halkaasi. Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa khudbad uu ka jeediyay dibada-baxan oo si gaar ah uga qabsoomay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu…

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsi ka siideysay ajaaniib u dhalatay dalka Iran oo kalluumeysato ah, kuwaas oo horay xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir. Kalluumeysatadan oo gaareysa illaa 33 ayaa waxaa horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku heshay inay si sharci darro ah kusoo galeen xeebaha Soomaaliya. Sida uu xaqiijiyay safiirka Iran ee Kenya, Ali Gholampour kalluumeysatadam ayaa haatan dib ugu laabanaya dalkooda, maadaama dib loogu celiyay xoriyadooda. Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal…

Read More

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa ka dhawaajiyay in Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda reer Spain xagaagan. Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah marka uu qandaraaskiisa Paris Saint-Germain dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. Mbappe ayaa todobadii sano ee ugu dambeeyay ku qaatay caasimada France, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday In uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda reer France. Iyadoo Real Madrid la sheegay inay ku jirto booska ugu fiican, 25-sano jirkaan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League. Si kastaba ha ahaatee, dhawaan…

Read More

Zinedine Zidane ayaa ka dhawaajiyay seddexda shay ee ay tahay inay ku dhacaan Manchester United haddii uu doonayo inuu maamulo kooxda. Ka dib xilli ciyaareedkii labaad oo uu si xun u maamulay Man United, Erik ten Hag ayaa cadaadis saaran yahay. Mustaqbalka tababaraha reer Holland ayaan la hubin, iyadoo milkiilaha cusub ee kooxda Sir Jim Ratcliffe uusan ku qanacsaneyn inuu yahay ninka dib ugu soo celin kara United hogaanka kubada cagta Ingariiska. Shakiga laga qabo mustaqbalka Ten Hag ayaa keentay in Kooxda lala xidhiidhiyo tababarayaal ay ka mid yihiin Zinedine Zidane. Halyeeyga reer France ayaa shaqada ka maqnaa tan iyo…

Read More