Close Menu
    What's Hot

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

      May 14, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Dhacdo cusub: Saynab Xuseen oo ninkii dilay lala aasay

    Dhacdo cusub: Saynab Xuseen oo ninkii dilay lala aasay

    By radiohalgan.comMarch 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Deegaanka Wanlaweyn ee gobolka shabeelada hoose maalinimadii shalay ayaa waxaa lagu dilay Saynab Xuseen Cumar oo ahayd hooyo dhashay 3 carruur ah, dilkeedda waxaa gaystay Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ahaa nin ay horey u isku qabeen Saynab.

    Dilka gabadha ayaa sababay muran dhexdooda ka dhashay oo muddo socday intii u dhaweydna ay ka war hayeen. Shalay xilligii uu dilka gaysanaayay Cabdullaahi waxuu wacay xaaskiisii hore oo saddex carruur ah u haysay isagoo u sheegay in uu carruurta rabo in uu u iibiyo dharka ciidda.

    “Waxaa naloo sheegay in muddo ah in uu muran ka dhexeeyay labadooda kaas oo ku saabsanaa inuu u laabto [Dib aan isku guursanno] iyaduna ay diidanayd, “haddii aad i diiddana ma sii noolaanaysid” uu ku yiri maalmo hore loo soo dhaafay ayaan hadda warbixinta ku helay” ayuu yidhi Maxamed Axmed Xaaji Mukhtaar (Gacmadheere) Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn.

    Markuu dilka gaystay ayuu iskaga baxsaday goobtii waxaana ka dabo tagay ciidamada amaanka iyo qaar kamid ah ehalada ninka dilka gaystay oo rabay in ay soo qabtaan si cadaaladda loo hor keeno, balse waxaa isna la soo dilay ninkii gabadha dilay kadib markii uu rasaas ugu jawaabay ciidamadii ka dabo tagay, sida uu sheegay Gacmo dheere.

    “Annaga in aan soo qabanno oo cadaaladda hor keenno ayuu waajibkeenna ahaa [midkii ugu weynaa], laakiin qofkii hadduu dagaalamay ciidankii amaanka iyo reerkiina xabbad kala hor imaaday meesha biyo laguma cabaayo ee rasaas baa dhacday – rasaas baa loogu jawaabay, wayna haleeshay.”

    Ayuu yidhi Maxamuud Cabdullahai Xuseen (Abookey) oo ka mid ah ehalada wiilka kana mid ahaa dadkii qaraabada ahaa ee rabay ninka in ay soo qabtaan.

    Wanlaweyn

    XIGASHADA SAWIRKA,HIIRAAN ONLINE

    Ninka gabadha dilka u gaystay waxuu ahaa shacab balse qori iibsaday markii uu dalka kusoo noqdayba. Waxuuna gabadha ku dilay fagaare magaalada dhexdeeda ah oo dadku ay wada arkayaan xilli maalin cadeey ah.

    Maxamuud Cabdullaahi waxuu aaminsan yahay in dhibaatadaan oo kale ay sabab u tahay badqab la’aanta caafimaadka maskaxeed ee dadka taas oo aan inta badan lagu baraarugsanayn.

    “Burburkii dalka ka dhacay waxaa sidoo kale dadka ku dhacay xanuunno (dhimirka ah) qof walbana wuu xanuunsan yahay, umaddiina waxay u baahan tahay wacyi gelin badan in loo sameeyo” ayuu yidhi isaga oo sharaxaya arrintaan dhacday.

    Maxamuud wuxuu codsanayaa in dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka koonfur galbeedba ay ka sameeyaan hub-ka-dhigis dadka shacabka ah si looga hortago dilalka noocan oo kale ah.

    “Waxaan ka codsanaynaa dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeedba in ay xasillin ka sameeyaan deegaanadaan, hub ka dhigisna dadka lagu sameeyo”

    Guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn Maxamed Axmed Xaaji waxuu sheegay in maadaama uu gacan ku dhiiglahii gabadha dilay isna la dilay bulshada ku dhaqan magaalada ay u tahay wax walaacii dhacdada foosha xumeyd ka tiraysa.

    “Ninkaas haddii uu maanta baxsan lahaa ama la hoosaasin lahaa aad bay [bulshada] walaac ugu abuuri lahayd, maadaama gacan ku dhiiglihii gabadha dilay shalay labadoodaba laysla aasay bulshada reer Wanlaweyn aad bay usoo dhaweeyeen”.

    Cabdullaahi Xuseen Dheesoow oo ah ninka Gabadha dilka u gaystay ee isna la dilay waxay kala tageen isaga iyo gabadha uu dilay labo sanno ka hor, wuxuuna aaday dalka Sacuudiga.

    Tan iyo soo noqoshadiisii ayuuna gabadha kala hadlaayay sida la sheegay in ay dib isku guursadaan isaga oo ku handaday xitaa cid kale in aysan shukaansan karin. Wararka qaar waxay sheegayaan in gabadha ninkaas ay qaraabo yihiin.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    May 14, 2026

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.