Author: radiohalgan.com

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa Qaramada Modoobay waxay soo saartay baaq ku socda masuuliyiinta Soomaaliyeed oo ku aadan iney  xaqiijinta ka mid noqoshada haweenka Soomaaliyeed siyaasada oo ay ka dhabeeyaan dhameyatirka qoondada haweenka ee ah boqolkiiba 30 matalaadda haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka Fedaraalka. “Qoondada ugu yar boqolkiiba 30 waxay wax ka taraysaa oo ay gacan ka geysanaysaa kobcinta sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee Soomaaliya. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay si mug leh  gacan uga geystaan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, tani waxay ku timid adeeg ay…

Read More

Isku-duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Dr. Xasan Axmed Barqadle ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isku-duwayaasha Caafimaadka gobolka Hiiraan oo markii ugu horeeysay taariikhda Beledweyne ka qabsoomay Shirka ayaa diiradda lagu saaray dar dargelinta holwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan si bulshada deegaanada iyo degmooyinka gobolka ka koobanyahay u helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh. Isku-duwayaasha Caafimaadka ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa ka kala yimid degmooyinka Jalalaqsi Buulo-burde Maxaas Moqokori Matabaan Farlibaax iyo Beledweyne. Isku duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Xasan Axmed Barqadle ayaa warbixinno ka dhageestay isku-duwayaasha Caafimaadka degmooyinka gobolka Hiiraan, waxuuna faray in aay laba jibaaraan howlaha shaqo ee bulshada u haayaan.…

Read More

Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka…

Read More

Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan. Danjire Lynne Tracy oo ah safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin arrintaan. Safiirka Mareykanka u fadhisa Ruushka waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdu ay Diiradda saarayso dib u habaynta Ciidanka Qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ka saaran amniga Dalkooda. Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Ciidamo katirsan Kumaandooska gaarka u tababaran ee Gorgor oo ka qallin-jebiyay tababarkii ay qaadanayeen ayaa sheegay in mas’uuliyad ballaan ay ka saaran tahay amniga Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in ciidamadaan kuwo kale ee howlgallada ku jira looga fadhiyo in ay Dalka ka saaraan ‘AS’ isla markaana ay gacanta ku dhigaan mas’uuliyadda ka saaran in ay amniga gacan adag ku qabtaan…

Read More

Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 oo ku beegan markii weerar cajiib ah oo argagax iyo cabsi badan geliyay Yuhuudda ay Xamaas ku qaadday saldhigyo iyo goobo amnigooda aad loo adkeeyo waxa ay Xukuumaddu bixisay lacag badan si ay uga hortago weerarro kale. Netanyahu oo bar-madow ku noqday weerarkaas maadaama Xamaas ay soo bandhigtay muuqaallada qaabka uu weerarkaas u dhacay, saraakiisha iyo ciidanka ay toogatay, Gaadiidka ay gubtay & xogo kale oo bannaanka soo dhigay sida ay ciidanka Yuhuudda u jilcan yihiin waxaa kordhay dalabaadka ay u dirsanayaan Maraykanka & dhinacyada kale ay maciin-bidi karaan. …

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Jamhuuriyadda Suudaan ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka dhexdooda ka socda si ay ixtiraam ugu muujiyaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan ee maalmaha kooban ka dhiman tahay curashadeeda. Antonio Guterres ayaa dhinacyadaan hubaysan waxa uu xusuusiyay in aan laga maarmin joojinta Dagaallada socda si ay nabadgalyo ugu soomaan Shacabka ay ku dul-dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo si dhab ah uga hadlay xaaladda Suudaan. Xaalado bani aadamnimo oo aad u daran ayaa ka jira Dalka Suudaan, Dadka qaar ee ay toogtayn dhinacyada Hubaysan ayaa…

Read More

Dowladda Hindiya ayaa damacsan in ay Magaalada Muqdisho ka furato Safaarad ka shaqaysa xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya oo muddooyinkii dambe kor uga soo qaadmayay halkii uu joogay sanadihii lasoo dhaafay. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Hindiya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in wafdi ka socda New Delhi oo maalmihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho ay qiimaynayeen dhinacyada amniga iyo qorshaha dib u furashada safaaraddooda Soomaaliya. Dalalka aanay dib u furan safaaradihii ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa ka shaqaynaya sidii ay dib ugu furan lahaayeen si loo xoojiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya Soomaaliya waxaana ay soo dirsadeen mas’uuliyiin qiimayn ku…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wajahaya cadaadiskii ugu darnaa ee mustaqbalkiisa soo foodsaaray, ka dib markii uu lumiyey qayb muhiim ah oo ka tirsan dadka seeskiis siyaasadeed oo ay ku kala dhinteen mowqifka uu ka istaagey dagaalka Qasa. Madaxweyne Biden aya la soo baxay mayal adeyg iyo miiggaganaan aan looga baran madaxda Mareykanka, ka dib markii uu ku gacan saryaray talooyin iyo codsiyo uga imaaanayey taageereyaasha Xisbiga Dimuqraadiga oo doonayey in uu ka shaqeeyo sidii loo baajin lahaa masiibda bini’aadamnimo ee ka dhacday marinka Qasa. Mr. Biden oo si furcaddi ah ula saftay Israa’iil ayaa diidey in uu dheg jalaq…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen. Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax…

Read More