Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay sidii ay u kordhin lahayd feejignaanta la xiriirta saamaynta ka dhalan karta Roobka Guga ee dhowaan la filayo in uu curto sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas. Koofur Galbeed ayaa xoogga saartay ka shaqaynta meelaha biyaha xareedda ku hooraan si aanay markale u dhicin daadad saamayn taban ku reebay Dadka halka sidoo kale howlo hagaajin ah ay ka socdaan goobaha biyuhu maraan. Howshaan waxa ay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed la kaashanaysa qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay si loo sameeyo kahortagga khatarta dhalan karta. Koofur Galbeed…
Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo ku fashilantay dagaalka ay kawaddo dhulka Falastiin, Soo furashada Maxaabiista sida awoodda ah Xamaas uga soo qafaalatay 7dii Oktoobar 2023 iyo kahortagga duqaynta ku hoobanaysa Magaalooyinka ay xoogga ku joogaan ayaa dhinac iska dhigtay go’aanka Xabbad-joojinta ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Dalal badan oo xubno ka ah Golaha Ammaanka ayaa soo jeediyay in la qaado tallaabada ku habboon ee gacmaha Israaiil lagu qaban karo kaddib markii saacadihii lasoo dhaafay ay kordhisay duqaynta ay ka gaysanayso Magaalada Gaza taas oo meesha ka saartay rejadii xabbad-joojinta codaynta lagu gaaray. Shiinaha oo kamid ah Dalalka joogtada ah ee…
Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in la xaddiday in wax ka badan hal mar la guto Cumrada sannadkiiba. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada looga hortagayo ciriiriga inta lagu jiro bishan barakeysan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa intaa ku dartay in shaqsiyaadka hadda loo ogolaan doono oo kaliya in ay hal mar gutaan cumrada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan si ay gacan uga geystaan maareynta dadka isugu soo baxay Masjidka Xaramka ee Maka. Hindisaha Wasaaraddu waxa uu higsanayaa in la yareeyo saxmadda, in la hubiyo in dadka oo dhan ay si siman u gutaan Cumrada, iyo in si…
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Muuse Salaad Weliye oo safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabelle ayaa goordhow soo gaaray magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha cusub ee gobolka oo aay galbinayaan ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ayaa degay Hoygiisa ku yaalla magaalada Beledweyne,waxaana sodhaweyn loogu sameeyay Beledweyne. Isbadal amni dhaqaale arrimo bulsho daadajinta maamulka Dib-u-Heshiis IWM ayaa looga fadhiyaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadka siyaasadda falanqeeya ku warramayaan in magacaabistiisa kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.
Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray xoogag ka tirsan Al shabaab oo halkaas isku urursanayey waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus. Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa Warbaahinta u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen al shabaab, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina haraadiga kooxdasa ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah. “Tiro ajaajib ah iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta ayaan ku dilnay dagaalka, haatanna deegaanka anaga ayaa gacanta ku heyno”. ayuu yiri Guddoomiyaha Guddoomiyaha degmada Xarardheere ayaa baaq u diray Madaxweynaha Dowlad…
Dowladda hoose ee Beledweyne oo Hoyga Mayarka aan weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin kulan kula qaadatay Howl-wadeeno ka socday mashruuca PIU Wold Bank, UNPOS iyo Shirkada Geotech ee sameeyneyso qiimeynta wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha laga hirgilinaayo magaalada Beledweyne. Barnaamijka oo biloow illa dhammaad aay soo dharan dharisay Mayar Nadar Maalin ayaa muddo dhowr sano ah soo socday, waxaana Mayarka weli xilka wareejin Nadar Tabaax Maalin shirar mashaariicdan looga hadlaayay uga qeyb gashay Nairobi iyo sidoo kale Muqdisho waana mid ka mid ah wax qabadka lagu xasuusan doono Mayar Nadar Tabaax Maalin. Howl-wadeenada iyo Engineerada ayaa Mudane Ahmed Afyare Dukow…
Beledweyne(Radiohalgan.com)- Wararka aan ka heleeno magaalada Beledweyne iyo waliba Jowhar. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa ku Soo wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. hadda soo maraaya duleed-ka Degmada Jalalaqsi Goob joogayaal ku suggan Jalalaqsi ayaa uu xaqiijiyay Radio halgan Gàwaari Dowlad Hirshabelle ay leedahay inneey hadda mareen Jiid Cadaha waxana Hogaminaayo Muuse Sallaad wehliye. Dhanka kale Guddoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow markii Xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha Cusub Gobolka Hiiraan Muuse Sallaad Ayaa waxa lagu wada in loo magacaabbo Wasiirka Waasaradda Gadiidka & Duulista Hawada Dowladda Hirshabelle Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin…
Buundo weyn oo ku taalay dekedda magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Maraykanka ayaa subaxnimadii hore ee saaka duntay, kadib markii uu jiiray Markab kuwa koonteenarada qaada ah. Markab dhererkiisu yahay 948 cagood ayaa mugdi ku galay buundada afarta haad ee dekedda Baltimore ee dalka Maraykanka subaxnimadii saaka, taasoo keentay inuu soo dumo oo uu daadiyo baabuur iyo dad. Waxaa lagu warramayaa in gawaari iyo illaa labaatan qof ay ku dhaceen biyaha buundadaasi hoos mara. Markabkan ayaa markii uu ka soo ambabaxayay dekadda “waxa uu lumiyey kontrolka”, shaqaalihii la socdayna waxa ay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta gobolka Maryland in ay…
Guddiga maamulka sare ee Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Geedi Jimcaale agaasimaha cusub ee maamulka Premier Bank. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay la jaanqaadidda horumarka iyo isbeddelada dhaqaale ee dalka ka socda iyo hirgelinta qorshayaasha isku ballaarinta bangiga ee gobolka. Halkan hoose ka Aqriso War Saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Sare ee Bangiga Premier
SSC- Khaatumo ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay in mashaariicda loogu tala-galay deegaanadeeda loo soo marsiiyay Somaliland, taasi oo ay sheegeen mid aysan aqbaleyn marnaba. Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Shiine ayaa waxa uu sheegay in tallaabadan ay qaaday dowladda dhexe ay muujinayso inay weki aaminsan tahay in deegaanada SSC-Khaatumo ay ka tirsan yihiin Somaliland, xilli ay SSC si madax banaan u maamulato deegaanadeeda. “Waxyaalaha la yaabka leh waxaa kamid ah, mashaariicaha la leeyahay Somailand baa la marinayaa, xaggee laga fulinayaa? soo waddankii dadkii lahaa gacanta kuma hayaan,” ayuu yiri Ku-xigeenka hoggaamiyaha SSC. Waxa uu sheegay in aan la aqbali…
