Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay mar kale la yeelato Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran. Labada dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay safiirka Iran u fadhiya Nairobi Ali Gholampour, oo sidoo kale qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr maalin kahor xabsi ku yaalla Muqdisho laga sii daayay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkii hore. Soomaaliya ayaa…
Kooxda Real Madrid ayaa war xun ka heshay kulamada caalamiga ah kadib markii uu xiddiga Eduardo Camavinga ku dhaawacmay waajibaadka xulkiisa. Xiddiga Eduardo Camavinga ayaa ciyaarayay kulankii uu xulkiisa France la ciyaaray xulka Chile kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka xulalka. Xiddiga Eduardo Camavinga ayaa la badalay kadib markii uu dhaawac soo gaadhay isla markaas dhamaysan kari waayay ciyaarta. Saxafiga Fabrizio Romano oo soo xiganaya baadhitaanka hordhaca ah ee lagu sameeyay xiddiga khadka dhexe ayaa sheegay dhaawaca xiddiga. Eduardo Camavinga ayaa ka dhaawacmay kuraanta waxana ay kuraantu samaysay barar kadib markii uu ciyaarta ka baxay. Xiddiga ayaa lagu samayn doonaa baadhitaano dheeraad…
Bacary Sagna ayaa daaha ka qaaday saadaashiisa iyadoo laba ka mid ah naadigiisii hore – Arsenal iyo Manchester City – ay isku diyaarinayaan inay ku kulmaan kulan weyn oo horyaalka Premier League ah isbuucaan. Arsenal ayaa haatan hogaanka Premier League ku haysa farqiga goolasha laakiin waxa ay ogtahay in ay Man City dhaafi doonto hadii ay guuldaro kala kulmaan Etihad Staduim. Gunners ayaa si dirqi ah ku lumisay horyaalka xilli ciyaareedkii hore – iyagoo shan dhibcood ka dambeeyay Man Cuty ka dib markii ay ku hogaaminayeen tartanka inta badan xilli ciyaareedka. Laakiin Kooxda Arteta ayaa si fiican ugu tartamaysa horyaalka…
Gael Clichy ayaa aaminsan in Arsenal ay samayn doonto ‘qallad aad u xun’ haddii ay ku ciyaaraan weerar rogaal celis ah oo ay ku wajahayaan Manchester City kulankooda Premier League ee Axadda. Kooxda Mikel Arteta ayaa u safreysa Etihad Stadium iyaga oo hal dhibic ka horeeya kooxda Man City iyaga oo badiyay 8 kulan oo xidhiidh ah premier League. Si kastaba ha ahaatee, City ayaa rikoor cajiib ah ku leh garoonkeeda oo ay ku badisay 16 ka mid ah 20kii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan, walina laguma garaacin Etihad Stadium xilli ciyaareedkan. Laakiin Clichy ayaa ku booriyay Arsenal…
Kooxda Liverpool ayaa dhirbaaxo kala kulantay kulamadii caalamiga ahaa kadib markii uu xiddig muhiim ah ka dhaawacmay. Xiddiga Andy Robertson ayaa dhaawac uga baxay kulankii uu xulkiisa Soctland la ciyaaray xulka Ireland kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka xulalka. Xiddiga reer Scotland ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay kuraanta kadib markii ay isku dheceen xiddig ka soo hor jeeda. Andy Robertson ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta waxana ay keentay in laga badalo ciyaarta. Xiddiga Andy Robertson ayaa haatan baadhitaan lagu samayn doonaa si loo ogaado inta uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay xiddiga. Klopp ayaa rajaynaya in uuna dhaawaca kabtankiisa 3-aad noqon…
kooxda chelsea ayaa war xun ka heshay xaalada Romeo Lavia kaas oo la xaqiijiyay in uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka. Kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay Southampton, Lavia ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha ugu waaweyn suuqii xagaaga. Ugu dambayn chelsea ayaa ku guulaystay saxiixaxiddiga waxana la filayay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda chelsea. Si kasta ha ahaatee Dhaawac ayaa dhibaatooday sabab la xidhiidha dhaawac si joogto ah u soo gaadhay xilli ciyaareedkan. Lavia ayaa kulankii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda bishii December isaga oo ciyaaray kulankii Crystal Palace. Xiddiga reer Belguim…
Xiddiga kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaan wax fikrad ah ka bixinayn sheekadii suuqa kala iibsiga ee Kylian Mbappe isaga oo diiday in uu wax ka sheego xiddiga reer France iyo wararka la xidhiidhinaya Real Madrid. Mbappe ayaa mar kale si aad ah loola xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu xagaagan, isagoo ku wargeliyay Paris Saint-Germain inuu doonayo inuu ka tago kooxda marka uu dhamaado qandaraaskiisa. Kabtanka reer France ayaa ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Real dhowr jeer xirfadiisa ciyaareed, isagoo u muuqday mid qarka u saaran inuu ku biiro Real sanadkii 2022 ka hor inta uusan heshiis qaali…
Waxa la soo afjaray kulamadii kala baxa ahaa ee tartanka Euro 2024 iyada oo ay 3 xul dhamaystireen isku aadka. Xulalka Poland, Ukrian, Georgia ayaa si buuxda ugu soo baxay wareega Group-yada tartanka Euro 2024. Haatan waxa si Rasmi ah u dhamaystirmay Group-yada tartanka oo ay ku biireen 3-dii xul ee ku soo baxay kulamada bug baxa ah. Haatan waxa la sugo ayaa ah bilaabashada tartanka oo bilaaban doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada yurub. Xulka Talyaaniga oo difaacanaya tartanka ayaa ku jira Group-ka B iyaga oo la Group ah xulalka Croatia, Spain iyo Albania. Xulka marti galinaya tartanka ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka. Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya. Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga…
Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa gargaar bani aadamnimo oo gaaraya 4,000 oo tan maanta u dirtay Dowlad-Goboleedka Jubbaland si loo gaarsiiyo qoysaska u baahan in la gacan-qabto. Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma ayaa gargaar bani aadamnimo oo gaaraya 4,000 oo tan maanta u dirtay Dowlad-Goboleedka Jubbaland si loo gaarsiiyo qoysaska u baahan in la gacan-qabto. Dekedda Muqdisho ayaa laga ambabixiyay doon lagu raray kaalmadaan waxaana uu ku xiran doontaa Marsada Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo laga sii daabuli doonno. Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo…
