Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan. Cabdikariin Bulxan oo sidoo kale ahaa Samafale ayaa waxa uu ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka. Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa waxa uu laba maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bulxan. Cabdixakiin ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay, isaga oo markaas codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taasi…
Sabtida soo aadan oo bishu tahay 30, baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod u qaadi doono ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka. Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa lala wadaagay Xildhibaannada. Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo. Dad badan ayaa durba bilaabay inay ka doodaan midka Soomaaliya u roon…
Xarardheere ayaa noqotay tijaabaddii ugu dambeysay ee Al-Shabaab, ayada oo dadka deegaanka ay wajahayan koox uusan dhinac kale dagaal uga socon, xilli beelaha qaar ay furimihii kale kasoo baxeen. Kooxda ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay degmada, ayada oo shalay deegaan dhaca duleedkeeda ay isku fara saareen ciidanka iyo maleeshiyaad ay kooxda u diyaarineysay inay weeraraan degmada. Shabaab ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore looga adkaaday, xilli uu hoos u dhacay gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda. Haddii reer Xarardheere xilligaan laga adkaado ayaa waxay…
Mayarka Beledweyne Cabdulahi Salaad ayaa gordhaw kaso Dagay Garoonka Ugaas Khaliif waxana loo Sameeyay Soo Dhaween balaraan iyada oo Dhalinyaro madax kala duwaan iyo Qeybaha Bulshada ay si weeyn garoonka ugu soo Dhaweyeen mayarka. Mayarka Cusub Abdulahi Salaad iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa labaduba looga Fadhiya Isbadal amni dhaqaale arrimo bulsho daadajinta maamulka Dib-u-Heshiis IWM dadka siyaasadda falanqeeya ayaa waxaa ay ku warramayaan in magacaabista raggan ay kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa. https://youtu.be/Q5sXefvXuCo?si=v2E8DPmynRoyqCFS
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan. https://youtu.be/f-t04dT9lDg?si=InSRATfJIGC_Q77H Saraakiisha ciidamada qalabka sida sida Militeriga Nabad sugidda iyo Booliska ayaa shirkaasi ku sugnaa. Wasiirka Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Zakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo shalay soo gaaray Beledweyne ayaa kulankasi qeyb ka ahaa. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa warbixin ku aadan amniga gobolka sida dagaalka Argagaxisada la gula jiro iyo amniga Beledweyne ka dhageestay saraakiisha amniga gobolka. Guddoomiyaha gobolka ayaa amaanay doorka naf hurnimo ee saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ,waxuuna guddoomiyaha faray saraakiishaasi muhiimadda aay leedahay labbo jibaaridda howlo shaqo…
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Shalay yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Hoose ka Daawo Muuqaalka
Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Boondheere, Maxamed Deeyow oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qorshihiisa cusub, kadib xilka qaadistii lagu sameeyay. Maxamed Deeyow oo shalay si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa shaaca ka qaaday in aanu isbeddeli doonin fikirkiisa, welina uu ahaanayo muxaafad taageerayo madaxweyne Xasan. “Mucaarad intaas oo sano ayaan soo ahaa marka mucaaradnima kale iima noqoto muxaafadkeyga ayaan ahay wax iga haleysan maleh” ayuu yiri Maxamed Deeyow. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ku qanacsan yahay habka ay wax u waddo dowladda federaalka, uuna rajeynayo in isbeddel wayn ay…
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo howlo shaqo u joogo magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Duqa Beledweyne Cabdullaahi Salaad iyo masuuliyiin kale. Wasiir Sakariye ayaa sheegay in wasaaradiisa xooga saareeyso horumarka Ganacsiga Hirshabelle isla markaana maamulka gobolka looga baahanyahay in kaalintiisa uu ka qaato horumarka ganacsiga. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Sakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa durba lasoo baxay sameyn xooggan iyo dar-dar shaqo waxaana wasiirka lagu wadaa in dhawaan uu la kulmo Ganacsatada gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday goobta uu ka dhacay shilkii argagaxa lahaa ee ka dhacay isgoyska Jubba ayaa soo saaray amar ku socda gaadiidleyda. Madaale ayaa nasiib darro ku tilmaamay dhacdadaasi xanuunka badan, kadib markii markii gaari xamuul ah oo siday konteenar uu kul dul dhacay gaari hoomey ah ama caasi oo ay la socdeen dad rakaab ah, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. “Waxaa nasiib darro ah in baabuur noocaas ah uu xilligaas oo kale uu maro, weliba isaga oo xawaare sare ku socdo kadibna uu halkaas…
Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga doodayo dhammeystirka doodka wax ka beddelka dastuurka. Dhammaan xildhibaannada kulan xaadiray ayaa loo qaybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee soo jeedina wax ka beddelka dastuurka oo haatan maraya marxladdii u dambeysay. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay hareero fadhiyaan ku xigeenada labada Gole ayaa furay kulankan wadajirka oo ee looga hadlay marxaladda saddexaad dastuurka oo ay horay doodo uga soo yeesheen xildhibaanadu, gaar ahaan afarta cutub ee ugu horreysa. Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ajendaha maanta uu yahay…
