Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Tababaraha Kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdiisu la gashay Man City. Arsenal ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad Staduim. “Runtii kulan tartan ah sida aad qiyaasi karto, waxaan sameynay tallaabo kale oo weyn maanta”. “Waxay leeyihiin awood ay ku beddelaan qaab-dhismeedka ciyaarta waa koox ciyaarta awood waxan u malaynayaa in aan si fiican ula dhaqanay”. “Waxan u malaynayaa in aan ku jirno xaalada ugu fiican, waxa aan ahayn kuwo awood badan waxana aan kubada u qaadnay meelo fiican”. “Waxa aan marnay tijaabo adag, waxa aan doonaynay in aan badino…
Halyeeyga kooxda Man United ee Roye Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii ay galeen Man City iyo Arsenal. Kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ku kala baxay bar-baro 0/0 ah iyaga oo aan wax gool ah kala dhalin kulan ka dhacay Etihad. Liverpool ayaa ka hor kulankaas ka badisay kooxda Brighton iyaga oo hogaanka u qabtay laba dhibcood oo cadaan ah. Kadib dhamaadkii ciyaarta Keane ayaa sheegay in ay Liverpool tahay kooxda kaliya ee guulaystay kadib bar-barihii Arsenal iyo Man City. “Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay tahay kooxda guulaystay maanta kadib bar-barihii…
Guddoomiyaha gobolka ayaa warbixin ku aadan xaaladda amni gobolka sida la dagaalanka Argagaxisada IWM ka dhageestay saraakiisha ATMIS iyo kuwa dowladda. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo adeegsanaya qibraddiisa ciidan madama sargaal ciidanyahay ayaa shaxda howlgalka iyo sugidda amniga siiyay saraakiisha dowladda iyo kuwa ATMIS waxuuna faray in is badal amni la yimaadaan Waxaa xusid mudan in kulanka ku sugnaa Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin iyo masuuliyiin kale oo UN-ka ka tirsan, guddoomiyaha gobolka ayaa madaxda UN-ka ee Hirshabelle kala hadlay dhameestir-ka mashaariicda horumarinta ee gobolka Hiiraan loogu tala galay. Ugu dambeyn Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS. Afarta cutub ee Xasan Sheekh uu caawa saxiixay ayay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan. Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugnaa xubnaha…
Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo hadheeyeen, gargaar bini’aadanimo oo la geeyey marinka Qaza. Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar bini’aadanimo ayaa soo gaadhay gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan. Goobtan waxaa hadheeyey buuq iyo sawaxan, hase ahaatee waxaa arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen. Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida…
Saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa maanta soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan Dib u eegista Dastuurka. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhammaystiran: Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya* waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah. Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyaseed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, isagoo xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa. Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka…
Cutubka 1–4-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa shalay lagu ansixiyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya. 212 mudane oo Golaha Shacabka ah oo lagu daray 42 mudane oo Aqalka Sare ah ayaa “Haa” ugu codeysay afartaan cutub, taas oo ka dhigan inuu ku maray aqlabiyad ay wadarteeda guud tahay 254 mudane. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waqti iyo xoolaba gelisay ansixinta afartaan cutub, si gaar ah cutubka 4-aad oo ay ku jiraan qodobada ugu muhiimsan dastuurka, gaar ahaan kuwa taabanaya siyaasadda iyo hab xukunka dalka ayaa muhiim u ahaa Madaxtooyada. Waxaa soo koobeyna lixda qodob ee ugu muhiimsan cutubyada dastuurka ee shalay uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya?…
Saacado kahor intii aan la ansixin 4 cutub ee Dastuurka Soomaaliya, wakiilada caalamiga ah ayaa dood adag ka keenay qodobada la xariira qiyamka bulshada, gaar ahaana. – Diinta Islaamka (Diin kale laguma faafin karro ayay diidan yihiin). – Da’ada Qaangaarka (18 sano kayar lagama dhigi karro) – Dilka ciqaabta (Dil Toogasho ah in meesha laga saaro). Beesha Caalamka ayaa ku adkeysatay, in qodobadaas aan sidii ahaayeen loo deyn karin, oo ay qasab tahay in lagu laabto. Hayeshee, madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddiga dibu eegista dastuurka ku amray in la qoro warqad lagu sheegay in qodobadaas dib loo eegayo Latashina lagalinayo, iyadoo…
Tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Markab jiidhay, buundada isku xidha Washington DC iyo Baltimore, waxaa soo badanaya walaaca laga muujinayo, heerka bedqabka buundooyinka Maraykanka. Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP, ayaa lagu falanqeeyey in ka badan 621,000 oo buundo oo Maraykanku leeyahay, kuwaas oo dhererkoodu ka badan yahay illaa 20 feet. Buundooyinkaas ayaa 42,400 oo ka mida la sheegay in xaaladdoodu aanay wanaagsanayn, waxaana maalin walba isticmaala illaa 167 million oo gaadhi, sida ay sheegtay dawladda Maraykanku. Inta badan buundooyinkan, ayaa da’doodu ay gaadhaysaa illaa 70 sannadood. 15,800 oo ka mida buundooyinkaas ayaa toban sano ka hor,…
