Author: radiohalgan.com

Nin Turki ah oo qariyay magaciisa, xogtiisa iyo halka uu sida gaarka ah uga degen yahay Dalkaas ayaa gurigiisa iibiyay si loo gaarsiiyo Shacabka ay barakiciyeen Ciidanka Yuhuudda ee aanay haysan goobo ay gabbaad uga dhigtaan qabowga habeenkii iyo kuleelka maalintii. Waxa uu iibiyay hal guri oo qoyskiisa degenaayeen kaddib markii uu arkay xaaladda adag ay ku nool yihiin Shacabka Falastiin, guri ayuu u kireeyay si reerkiisa u dejiyo maadaama gurigii hoyga u ahaa uu iibiyay Ninkaan. Markii uu lacagta gacanta ku dhigay waxa uu iibiyay Teendhooyin gaaraya 150 Xabo oo ah kuwa casriga ah ee awooda in…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo xil baddel ku sameeyay qaar kamid ah Wasiirradiisa waxaana uu buuxiyay boosas ay banneeyeen wasiiro katirsanaa Xukuumaddiisa. Xamsa ayaa boosaska uu buuxiyay waxaa kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah waxaana loo magacaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Fiqi laga soo wareejiyay waxa uu Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Cali Yuusuf (Cali Xoosh) halka Wasiirka Amniga oo booskaas banneeyay Danjiraha Soomaaliya Qatar loo magacaabay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag. Wasiiradda kale ee…

Read More

Madaxweynahii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Barta Facebook iyo X. Twitter ku qoray ayaa yiri Puntland ayadoo ka fa’iideysaneysa go’aankii ay Reer Somaliland qaateen 1991 ee ahaa gooni isu taaga ayey xilligii uu socday shirweynihii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Kenya shuruud ka dhigtay iney dowlad dhiska Soomaaliya ka qeyb qaadaneyso oo keliya haddii dalka lagu maamulayo nidaam federaal. Dowladda Itobiya ayaa weliba qasab kaga dhigtay hogaamiye kooxeedyadii iyo beelihii shirka ka qeyb galayay in la aqbalo nidaamka federaalka. Su’aasha mudan in la is weydiiyo ayaa wexey tahay xagee ayey salka ku heysay maxeyse aheyd ujeedka…

Read More

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa kala wareegay Dooni Nooca la buufiyo Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Doontan ayaa si gaar ah loogu talagalay inay wax ka qabato caqabadaha ka dhalan kara Fataahada sida xaaladda El Niño oo kale. si loo ilaaliyo loona badbaadiyo nafta iyo hantida shacabka ku dhaqan degmada Balcad. Iyadoo arrimahaas laga duulayo ayaa waxaa kawarbixiyey doontaan Xasan Cabdulqaadir Ciise oo ah Mareeyaha xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka degdega ah iyo Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle Mudane Abdifatah Mohamed Yusuf ayaa si weyn ugu mahad-naqay…

Read More

Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Muxyadiin Ali Cariif ka dib rasaas ay ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa xaafada Siisii ee degmada Kaaraan. Marxuumka ayaa isla goobta ku geeriyooday, iyadoo kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah. Muxyadiin Ali Cariif ayaa aabe u ahaa Cusmaan Muxyadiin Ali Cariif oo ah Maamulaha Furdada Garoonka diyaaraadaha Muqdisho. Cusmaan Muxudiin Cariif ayaa sidoo kale mar soo noqday Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Lama oga sababta loo dilay marxuumka iyo cida ka dambeysay, laamaha amaanka DF oo…

Read More

Dawladaha reer galbeedka ayaa cadaadis badan lagu saarayaa inay joojiyaan hubka ay ka iibiyaan Israa’iil sababta oo ah qaabka ay dagaalka uga waddo Xamaas ee Marinka Gaza. Israa’iil waa hub-iibsaha ugu weyn, laakiin ciidankeedu waxa ay si weyn ugu tiirsan yihiin soo dejinta diyaaradaha, bambooyinka iyo gantaallada si ay u weeraraan (Gaza) taas oo khubaradu ku tilmaameen mid ka mid ah ololeha hawada ugu xooggan uguna burburka badan taariikhda casriga ah. Ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbahaysiga reer galbeedka ee Israa’iil ayaa ku baaqaya baahida loo qabo in la joojiyo hubka loo dhoofiyo Israa’iil,…

Read More

Maraykanku waxa uu ku jiraa heegan sare waxana uu si firfircoon isugu diyaarinayaa weerar “muhiim ah” kaasoo iman kara isla toddobaadka soo socda gudahooda oo ay Iran ku bar-tilmaameedsato xarumaha Israa’iil ama Maraykanka ee gobolka  si ay uga jawaabto weerarradii israa’iil ee Isniintii ka dhacay Dimishiq ee lagu dilay taliyeyaasha sare ee Iran, Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa u sheegay CNN. Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa hadda aaminsan in weerarka Iran uu yahay “lama huraan” aan laga baaqsan karin. Labada dawladood waxay ka shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen mawqif ka hor waxa iman doona, maadaama ay filayaan…

Read More

David Raya ayaa noqday goolhayaha 1-aad ee Arsenal tan iyo markii uu xagaagii u soo wareegay London – waxaana laga yaabaa inuu galabta dhigo rikoor cusub oo Premier League ah kaasoo aan u badneyn in la jabiyo. Goolhayaha 28 jirka ah ayaa xagaagii hore ugu soo biiray Gunners xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray Brentford, markii hore amaah isaga oo haysta fursad ay kooxda Mikel Arteta si joogto ah ula wareegto. Raya waxa uu heshiis cusub u saxeexay Bees markii uu ku biiray Arsenal, iyadoo la bixiyay 3 milyan oo amaah ah halka ay 27 milyan bixin doonto hadii…

Read More

Ian Wright ayaa sharaxay waxa dhici doona marka ay Manchester United la ciyaareyso Liverpool kulan ka tirsan Premier League. Gelinka dambe ee Axadda, kooxda Jurgen Klopp ee u safri doonta Old Trafford iyagoo raadinaya inay sii wataan hanashada koobkii 20aad ee heerka sare. United ayaa diyaar u ah inay wax walba saxdo ka dib markii ay Guuldaro kala kulantay Chelsea ee Stamford Bridge habeenkii Khamiista. Kooxda Erik ten Hag ayaa ku hogaaminayay 3-2 laakiin waxa ay ku dhamaatay 4-3 kadib markii Cole Palmer uu dhaliyay labo gool dhamaadkii ciyaarta. Isagoo hadlayay kahor kulanka United vs Liverpool, weeraryahankii hore ee Arsenal…

Read More

kooxda Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn Marka ay wajahayso Liverpool maalinta Axada kulan ka tirsan horyaalka premier league. Man United Ayaa ilaa haatan Laga badiyay 11 kulan horyaalka premier league xilli ciyaareedkan Kadib guuldaradii ka Soo gaadhay Chelsea. Xilli ciyaareedkan kooxda ayaa ku jirta kaalinta 6 ee horyaalka premier league iyada Oo si weyn u dhibaatoonaysa xilli ciyaareedkan. Ka Hor kulanka ay la ciyaarayso Liverpool, Man United Ayaa doonaysa In Ay ka fogaato Rikoodh aan fiicnayn. Hadii ay Liverpool ka badiso Man United waxa ay dhigi doontaa Rikoodh xun Oo ah Iaga badiyay 12…

Read More