Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad loona jeediyey inay dhaqaale u ururiyaan kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya. Shaqsiyaadka iyo shirkadaha la xayiray ayaa xarumahoodu ku yaalaan geeska Afrika, Imaaraadka Carabta iyo jasiirada Qubrus. Shabakadan waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay dhaqaale ku taageereen ururka Al-shabaab. Warka ka soo baxay Maraykanka waxaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ka mid yihiin ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab oo xirir la leh Alqaacida kana…
Iphone oo dhaqangelinaya sharci cusub oo lagu soo rogay iyo waxa uu uga dhigan yahay dadka adeegsada
Toddobaadkan Apple waxay samaysay tallaabadii taariikhiga ahayd ee muddada dheer la sugayay si ay ugu oggolaato shirkadaha kale inay bilaabaan samaynta suuqa Apps-ka ee shirkadda taleefannada Iphone-ka. Tallaabadaan ay qasabtay shirkaddan weyn ee tiknooloojiyadda ayaa waxaa ka muujiyay sharcidejiyeyaal u Midowga Yurub ah walaacaas oo ku saabsan in ay shirkaddu ku haysato suuqa hab kelinimo ah. Go’aankan aya si weyn loola socday guud ahaanba caalamka iyadoo bilowgii aad loosoo dhaweeyay iyadoo loo arkaayay guul taariikhi u ah ganacsatada iyo macaamiisha reer Yurub. Laakiin sharciyada adag ee cusub ee Apple iyo khidmadaha ayaa si weyn loo dhaleeceynayaa, iyadoo Spotify ay ugu…
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nayroobi. Dedaalka dhexdhexaadinta oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo. Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu…
Deegaanada Puntland ayaan maanta intooda badan laga oofin af-xirka bisha Barakaysan ee Ramadan iyadoo dadka deeganadaasi inta badan u hogaan sameen amarkii ka soo baxay Wasiirka Cadalaada oo xalay ku dhawaaqay inaysan sugin aragtida bisha sidaas darteedna aysan Soon ahayn. Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha diinta ee Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo ay garab joogeen qaar ka mida culimada Puntland ayaa sheegay in go’aanka lagu saleeyey ka dib hubin ay sameeyeen. “Baadi goob badan oo aan u galnay inaan helno dhalashada bisha Ramadaan mana hayno meel ka mida Puntland oo laga arkay bishii….marka waxaa dhamaystiraynaa shacbaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab. Laakiin…
Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hambalyo ku saabsan curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Shacabka ayaa Dadka hantida haysta ugu baaqay in ay garab istaagaan walaalahood danyarta ah ee aanay awoodin afurka & waxyaabaha kale ay u baahan yihiin. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka Sare waa Aadan Madoobe & Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale Dadka usoo jeediyay in ay is cafiyaan kana faaiidaystaan fursadaha ku dhex tuugan Bisha Ramadaan. Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh…
Waa maxay Soonku? Soonku waa mid kamid ah shanta tiir ee lagu dhisay Diinta Islaamka, waana waajib aan gudushadiisu u baahnanay in qofku leeyhay awood dhaqaale, waa tiirka 4aad ee Islaamku ku dhisan yahay, waxa uu kamid yahay cibaadada gaarka ah ee u dhexeysa rabbi iyo qofka Sooman Qeexidda Soonka: Marka la raaco sida uu u qeexay Immaamu Shaafici soonku waa:- Af-heysi gaar ah, oo laga Af-haysanayo walxo gaar ah lana afheysanayo xilli gaar ah, una gooni ah shaqsi gaar ah. Dhinaca sharciga marka loo kaco Soonku waa Ka Af-heysiga Cunto, Cabitaan iyo galmo xilli xaddidan oo u gaar ah…
Israaiil ayaa qarsan waysay xanaaqa ay ka qaadday go’aanka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ku sheegay in Yuhuuddu si arxan-darro ah ay ula dhaqantay Falastiin kaddib markii dagaal toos ah iyo go’doomin ay isugu dareen Shacabkaas. Ergayga Israaiil u fadhiga Qaramada Midoobay Ninka lagu magacaabo Gilad Erdan oo la hadlay Idaacadda Militariga Yuhuudda ayaa sheegay in Xoghaye Antonio Guterres uu had iyo jeer diiradda saarayo arrinta Falastiin. Gilad ayaa ku calaacalay in uusan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay marnaba la kulmin ama la xiriirin qoysaska Israaiiliyiinta ah ee Xubnaha ehelkooda ah Xamaas kusoo qafaalatay weerarkii 7dii Oktoobar…
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa sheegay in marka la qabyo-tiro Dastuurka Dalka laga gudbi doonno caqabado badan oo haatan ka jira Dalka. Waxa uu tusaale usoo qaatay in dhismaha Xisbiyada ee suuragalinaya in doorashada Madaxda heerka ugu hooseeya loogu daadajinayo awooddooda ay ku xiran tahay in la qabyo-tiro Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya. Wasiir Xasan Macallin ayaa tilmaamay in Wasaaradda iyo Guddiyada u xilsaaran arrimahaan Dastuurka ay iska kaashanayaan sidii loosoo afjari lahaa howlaha ka socda ee horyaalla labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka. Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka KMG ah ee…
Munaasabadd Kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA, goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, Safiirka Dowladda Qatar ujooga Soomaaliya ayaa lagu daahfuray Mashruuc afurin ah oo loo sameenaayo dadka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah ee ku nool gudaha Dalka. Mashrucaan waxaa iska kaa shanaya SoDMA iyo Hay’adda Qatar Charity, waxaana lagu wadaa in Gargaarkaan la gaarsiiyo 10,200 oo qoys, sidoo kale goobaha gargarkaan la garsinayo waxaa kamid ah xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah. Guud ahaan dalka iyo dalalka Islaamka ayaa maanta laga Soomay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee…
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeybgalay Manaasabada Dhaarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee shalay loogu soo xiray Dugsiga Taba barka S/guuto kaahiye, Munaasabada dhaarinta Ciidankan waxaa ka soo qeybgalay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed iyo Saraakiil kale, Ciidanka Maanta ladhaariyaya ayaa gaarayo 300 waxa ay ka mid Noqondoona Ciidamada Nabad ku Afur ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku waasi oo kaalin Buuxda ka qaadan Doono Sugida amniga Caasimada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Rabadaan, Qoraal ka soo baxay taliska Booliska ayaa lagu yiri, “Muwaadin ka qeyb Noqo sugida amniga lana…
