Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka. Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu. Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray. Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixiintii Bankiga Adduunka ee loogu hanjabay Soomaaliya in tallaabo culus uu qaadayo Bakgigu, haddii aan lasoo gudbin xisaab xirkii laga rabay. Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu gudbiyay warbixinada laga rabay ee ku aadan mashaariicda uu maalgeliyo Bankiga Adduunka ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiska ayaa xusay warbixinadaas ay dowladdu gudbisay, ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyay, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedaka. “Tallaabadan ayaa dhiirigelineysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, siineysana hubanti saaxiibbada horumarka Soomaaliya ka taageera iyo…
Sabtida berri ah oo bishu tahay 30-ka March, baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu cod u qaado ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka. Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa shalay lala wadaagay Xildhibaannada. Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo. Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay dekkada weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu shir kula qaatay hey’addaha kala gedisan ee ka howlgala dekkada . Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, maamulka dekkada Muqdisho ayaa loogu hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay geystaan gawaarida xamuulka ee rarka kasoo qaata dekkada Muqdisho. Shirka inta uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta shaqooyinka ka socda dekkada Muqdisho, waqtiga dekkada ay kasoo bixi karaan isla markaana ay geli karaan gawaarida waaweyn ee xamuulka ah…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shacabka Deegaanka Gubadlay ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddooyinka Deegaankaas. Iskaashiga Shacabka iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayuu ku tilmaamay in lagu dhisi karo Laamiyaal waa wayn oo nacfi fiican u leh Deegaanka Gubadlay ee rejada ka qabta in lagu daro Degmooyinka Gobolka Banaadir. Yuusuf Madaale ayaa sheegay in inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho dib u dhis lagu sameeyay halka waddooyin aanay horay u ahayn laami haatan laga dhisayo taasina ay ku timid iskaashiga Shacabka degen iyo Maamulka uu Guddoomiyaha u yahay. Waxa uu ballanqaaday…
Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda Degmada Diinsoor Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay Mustaqbal, dagaalkaan waxa uu u dhaxeeya maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay is hor fadhiyay. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii waan-waan lagu xalinayo dagaalkooda ay ka billaabatay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay. Odoyaasha dhaqanka labada beel ee Maleeshiyaadkoodu dagaalamayo ayaa ku ballamay in ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan si marka hore loo dhaliyo xabbad-joojin isla markaana la kala hor qaado maleeshiyaadkaas hubaysan. Ciidamo katirsan Howlgalka…
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qoraal kasoo saaray qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia ay wado. Fahad ayaa marka hore sheegay in dastuurka uusan ka baxeyn kumeel-gaar illaa laga helo afti dadweyne oo uu ku noqdo mid rasmi ah, sidaas darteed aysan waxba soo kordhineyn wax ka beddel lagu sameeyo, si loo dhameystiro. “Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu…
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal xasaasi ah oo ku saabsan qorshaha berri lagu meel-marinayo wax ka beddelka dastuurka ee uu gadaal ka joogo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalka wada-jirka ah ee labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in waxa berri ka dhici doona baarlamaanka ay muujineyso sida madaxweyne Xasan Sheekh uusan u danaynaynin wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu ka shaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah. Waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u…
Bangiga Adduunka ayaa markii ugu horreysay luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo farriin qoraal ah usoo diray dowladda, gaar ahaan xubnaha dhinaca dhaqaalaha. Qoraalka Bankiga Adduunka oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxa uu xubnaha dowladda ku wargeliyay in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga ka baxay aan lasoo gudbin, kaasi oo ahaa in loo soo gudbiyo 31-ka December 2022-kii. Xisaab-xirkan muddo dhaafay ayaa illaa hadda la haynin, waana midda ka careysiisay Bangiga Adduunka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatay in loogu daro 9 bilood, welina lama keenin xisaab-xirka. Bangiga Adduunka oo u muuqda mid aan qaadan karin dib u…
Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan. Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov Khamiistii uu yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea. Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga “Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano…
