Author: radiohalgan.com

Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Shantaan eedeysane, ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed. Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa…

Read More

Sheekh Rusheeye, waa sheekh caan ka ah guud ahaan gayiga Soomaalida, isaga oo lagu yaqaano in xarumo cilaaj ah uu ka sameeyay deegaanno kala duwan iyadoo ay ku xiranyihiin bollaal dad ah oo u badan dumar. Hase yeeshee muddooyinkii dambe waxaa soo baxay wadaaddo kale oo iyagana loo yaqaanno ‘Rusheeye’, iyagoo deegaanno dhowr ah ka sameystay Xarumo. Waxaa kamid ah Sheekh Maxamed Xuseen Ibraahim, oo xaruntiisa weyn ay ku taallo magaalada Mandheera, sidoo kale waxa uu xarumo kale ku leeyahay Mooyaale iyo Wajeer. Xaruntiisa Wajeer oo ah mid cusub ayaa furitaankeedii kadib waxaa ka dhashay muran badan iyadoo ay ka…

Read More

Meel ku taalla dhanka xeebta ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa laga taagay lix tiir oo alwaaxa oo shub ku mudan kuwaas oo laga dhex taagay ciid cad oo saafi ah, mowjadaha buluuga ee ka soo jabaya badweynta Hindiya ayaa si tartiib ugu soo jaba bar dhammaad u dhow, laakiin waxay inta badan marag ka yihiin dhacdooyin xun xun. Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira sharraxaad laga yaabo in dadka qaarkiis ay ka xumaadaan ama dhibsadaan. Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa halkan markasta keena rag la tooganayo, kuwaas oo gacmaha looga xiray xargaha caagagga ah, madaxana loo galiyey wax madow dabadeedna…

Read More

Ciidamada Badda Hindiya ayaa shalay ka falceliyay dhacdo ka dhacday meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Sida lagu xusay qoraal lasoo dhigay barta X ee ciidamada, fiidnimadii xalay ayaa afhayeenka ciidamada wuxuu ku sheegay inay ka war heleen dhacdadan oo doon kalluumeysi oo laga leeyahay Iiraan laguna magacaabo Al-Kambar’ ay u gacan gashay burcad-badeed Soomaali ah taariikhdu markii ay ahayd 28-kii bishan. https://x.com/indiannavy/status/1773732529151119576?s=20 Arrintan ayaa ka dhacday meel 90 meyl koofur-galbeed kaga beegan jasiiradda Yemen ee Suqadra. “Labo markab oo Hindiya leedahay iyo ciidaka ku sugan badda carabta ee halkaas u jooga howlaha ammaanka badda, ayaa gacan siiyay markabka la afduubtay,…

Read More

Sam Bankman Freid oo lagu naanayso ‘boqorka Lacagta Cryptocurrencies,’ ayaa lagu helay danbi ah inuu xaday balaayiin doollar oo uu ka dhacay macaamiisha sarifka cryptocurrency ee shirkadiisa, FTX. Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay 25 sano oo xarig ah, taasoo dacwad oogayashu ku tilmaameen mid ka mid ah khiyaanooyinkii maaliyadeed ee ka dhacay Maraykanka. Sidoo kale waxaa lagu qeexay burburkii ugu weynaa ee garaadka Silicon Valley, kaas oo ay la kulmeen dad caan ah oo ay ka mid ahaayeen Gisele. Bündchen iyo Tom Brady. Bishii Noofambar 7, 2022-kii ayuu Bankman Freid la kulmay bilowga…

Read More

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeysay guusha maanta laga gaaray wax ka beddelka dastuurka oo ay ansixiyeen xildhibaanada labada Aqal. Xamza ayaa ku faanay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, sida uu hadalka  dhigay. Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedka laga leeyahay dhammeystirka dastuurka ku sheegay si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda. Dhinaca ra’iisul wasaare Xamza ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada gole ansixinta wax-ka-beddelka cutubka 1-aad iyo 4-aad ee Dastuurka Soomaaliya. Sidoo…

Read More

Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan rasmi ah ka gaaray wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah waxayna si aqlabiyad leh ugu codeeyeen afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka dalka. Aqalka sare 42 Senator ayaa ogolaatay wax ka beddelka dastuurka, ayaga oo Haa ugu coddeeyay afarta cutub ee dooddooda maalmihii dambe ka socotay baarlamaanka. Sidoo kale 212 Xildhibaan ayaa iyagna Haa ugu coddeeyay, waxaana sidaas cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, sida uu ku dhowaaqay Aadan Madoobe. Haddaba sidee looga faceliay tallaabada baarlamaanka Soomaaliya? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada…

Read More

Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay. Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland. Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka. Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. 254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe. Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii. Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo…

Read More

Madaxweynaha Shirciga ah ee dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow ayaa goordhow magacaabay qeyb kamid ah golaha wasiirada Xukumadda Hiiraan State. Wasiirada cusub ee Madaxweynaha uu magacaabay ayaa gaaraya illa 7-Wasiir waxaana Madaxweynaha uu ballan qaaday in dhawaan uu dhameestiri doono golaha wasiirada xubnaha ka dhiman. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Hiiraan State.

Read More