Author: radiohalgan.com

Maamul goboleedka Puntland ayaa si deg deg ah uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel-mariyay. Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogan wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland. Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo hadalkiisa…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa maanta 55 sano kadib qaaday tallaabo wayn oo taariikhi ah oo ku aadan dhameystirka dastuurka dalka. Labada gole ee baarlamaanka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. 254 mudane oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay Sheekh Aadan Madoobe. Talaabadan ayaa ka dhigan middii ugu horreysay ee uu  baarlamaan Soomaaliyeed qaado wuxuu ka dambeeyay 1969-kii. Xildhibaanada baarlamaanka ee ansixiyay wax ka beddelka dastuurka ayaa si weyn uga hadlay arrintan oo…

Read More

Madaxweynaha Shirciga ah ee dowladda Hiiraan State Mudane Cabduqaadir Xuseen Coloow ayaa goordhow magacaabay qeyb kamid ah golaha wasiirada Xukumadda Hiiraan State. Wasiirada cusub ee Madaxweynaha uu magacaabay ayaa gaaraya illa 7-Wasiir waxaana Madaxweynaha uu ballan qaaday in dhawaan uu dhameestiri doono golaha wasiirada xubnaha ka dhiman. Dhammaad Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Hiiraan State.

Read More

Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo haatan kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay wax ka beddelka dastuurka, waxayna xildhibaanadu u codeeyeen afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka. Xildhibaanada ayaa marka hore mid mid u meel mariyay afarta cutub ee wax laga beddalay, kuwaas oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen mudanayaashu. Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulankan ayaa ku dhowaaqay sida ay u dhacday riseynta afarta cutub, waxaana ogolaaday dhammaan xildhibaana xaadiray. Intaas kaidb ayaa waxaa la guda galay meel-marinta wax ka beddelka dastuurka oo ay u kala codeeyeen labada…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixiintii Bankiga Adduunka ee loogu hanjabay Soomaaliya in tallaabo culus uu qaadayo Bakgigu, haddii aan lasoo gudbin xisaab xirkii laga rabay. Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisa uu gudbiyay warbixinada laga rabay ee ku aadan mashaariicda uu maalgeliyo Bankiga Adduunka ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiska ayaa xusay warbixinadaas ay dowladdu gudbisay, ka hor inta aan la gaarin waqtiga loo asteeyay, sida lagu cadeeyay warsaxaafadeedaka. “Tallaabadan ayaa dhiirigelineysa daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, siineysana hubanti saaxiibbada horumarka Soomaaliya ka taageera iyo…

Read More

Sabtida berri ah oo bishu tahay 30-ka March, baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu cod u qaado ansixinta afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka. Sida Villa Somalia ay qorsheysay la’lama sugi doono 11-ka cutub ee dhiman. Nuqulka ugu dambeeya afartaan cutub ayaa shalay lala wadaagay Xildhibaannada. Waxyaaba ku qoran cutubka afaraad waxaa kamid ah inuu dalka yeesho ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu eryi karo markii uu doono. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay cadaadis ku saabsan sameynta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ayaa hadda u guuray ra’iisul wasaare uu isagu xilka ka qaadi karo. Villa Somalia ayaa xilligaan dadaal xooggan ugu jirta…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay dekkada weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu shir kula qaatay hey’addaha kala gedisan ee ka howlgala dekkada . Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,  maamulka dekkada Muqdisho ayaa loogu hadlay caqabadaha iyo dhibaatooyinka soo noq noqday oo ay geystaan gawaarida xamuulka ee rarka kasoo qaata dekkada Muqdisho. Shirka inta uu socday ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi kasoo shaqeeya is-waafajinta shaqooyinka ka socda dekkada Muqdisho, waqtiga dekkada ay kasoo bixi karaan isla markaana ay geli karaan gawaarida waaweyn ee xamuulka ah…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Shacabka Deegaanka Gubadlay ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddooyinka Deegaankaas. Iskaashiga Shacabka iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayuu ku tilmaamay in lagu dhisi karo Laamiyaal waa wayn oo nacfi fiican u leh Deegaanka Gubadlay ee rejada ka qabta in lagu daro Degmooyinka Gobolka Banaadir. Yuusuf Madaale ayaa sheegay in inta badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho dib u dhis lagu sameeyay halka waddooyin aanay horay u ahayn laami haatan laga dhisayo taasina ay ku timid iskaashiga Shacabka degen iyo Maamulka uu Guddoomiyaha u yahay. Waxa uu ballanqaaday…

Read More

Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka socda Degmada Diinsoor Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo la hadlay Mustaqbal, dagaalkaan waxa uu u dhaxeeya maleeshiyaad maalmihii u dambeeyay is hor fadhiyay. Goobjoogayaal ayaa kusoo warramay in dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed in uu yimid kaddib markii waan-waan lagu xalinayo dagaalkooda ay ka billaabatay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay. Odoyaasha dhaqanka labada beel ee Maleeshiyaadkoodu dagaalamayo ayaa ku ballamay in ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan si marka hore loo dhaliyo xabbad-joojin isla markaana la kala hor qaado maleeshiyaadkaas hubaysan. Ciidamo katirsan Howlgalka…

Read More

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranke ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa maanta qoraal kasoo saaray qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee Villa Somalia ay wado. Fahad ayaa marka hore sheegay in dastuurka uusan ka baxeyn kumeel-gaar illaa laga helo afti dadweyne oo uu ku noqdo mid rasmi ah, sidaas darteed aysan waxba soo kordhineyn wax ka beddel lagu sameeyo, si loo dhameystiro. “Maxay tahay xikmadda ka dambeysa in mid heshiis lagu yahay oo qabyo ahaa lagu baddalo mid kaloo cusub oo aan heshiis lagu ahayn oo misana qabyo kale ah!,” ayuu Fahad ku yiri qoraal uu…

Read More