Close Menu
    What's Hot

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    May 12, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026

      Warar ku saabsan kala shaki ka dhex jira Xisbiga Haybad-Qaran

      May 1, 2026

      Musharaxad Golaha Deegaanka Dr. Nasro Maxamed Cilmi Codkaaga waa isbeddelka Beledweyne—u Codeey

      April 28, 2026

      Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal si adag u dhaliilaya xukuumadda federaalka

      April 11, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Boqorka Baxrayn: Jinsiyadda waa laga qaadi doonaa qof kasta oo khiyaano qaran lagu helo

      May 1, 2026

      Shanta qodob ee ay isku mari la’yihiin Iran iyo Mareykanka. Hoos ka akhri

      April 11, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

      May 12, 2026

      Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

      May 12, 2026

      Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

      May 12, 2026

      Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

      May 3, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    By radiohalgan.comMay 12, 20265 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxamed Asasa oo markaa guriga ku soo noqday kadib markii uu soo aasay aabbihii Xuseen oo 80 jir ahaa, wax yar kadib carruur yar yar ayaa guriga yimid iyagoo ku qaylinaya in qabrigii ay qodayaan dadka deegaameynta ka samaystay halkaa: Waxey ku dhahayeen “Dadka degaanka waxay qodayaan qabriga!”

    Tuulada Asasa oo ku dhow magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, Xuseen wuxuu ka ahaa nin si weyn looga qadariyo ka hor intuusan geeriyoon Jimcihii hore sababo la xiriir xanuun.

    Sida dhaqanka Islaamka uu yahay odeyga oo hore uga shaqeyn jiray ganacsiga xoolaha isla markaana lahaa 10 carruur ah, waxaa lagu aasay qabri fudud oo ku yaal xabaalaha tuulada, buur yar dusheeda.

    Maxamed wuxuu sheegay inuu ka walwalsanaa in dhibaato dhacdo, sidaas darteed wuxuu xitaa fasax ka qaatay saldhig ciidamada Israa’iil oo u dhow si aaska aabbihii uu si nabad ah ugu dhaco.

    Markii hore Maxamed wuxuu isku dayay inuu la hadlo oo uu heshiis la gaaro, balse kadib wuxuu u orday qabriga markii uu arkay inay ku dhowaayeen inay jebiyaan dhoobadii lagu daboolay meydka aabbihii.

    Maxamed wuxuu yiri:

    “Waxay ku sigteen inay gaaraan meydka. Waxaan hubay inay doonayeen inay meydka soo saaraan, markaas ayaan ku khasbanaanay inaan isla markiiba go’aan qaadanno.”

    Dadka halkaas deegaameynta ka samaystay waxay ka yimaadeen aag dhowaan dib loo dhisay oo lagu magacaabo Sa-Nur, taas oo ku taalla dusha buurta ka sarreysa xabaalaha.

    Inkasta oo dhammaan degsiimooyinka laga dhiso dhulka Falastiiniyiinta ay sharci-darro yihiin sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, haddana dowladda Benjamin Netanyahu ayaa dhawaan oggolaatay in Sa-Nur dib loo dego. Tani waxay qayb ka tahay qorshe muran

    badan dhaliyay oo lagu ballaarinayo laguna dhisayo degsiimooyin cusub Daanta Galbeed ee Falastiin oo la haysto.

    Muuqaallo laga duubay taleefannada gacanta ayaa muujinaya xubnaha qoyska oo iyagu qabriga dib u qodaya kadib markii kuwa halkaa soo degay, oo watay qoryo otomaatiga u dhaca ay ugu hanjabeen:”Ama idinka ayaa meydka soo saaraya ama annaga ayaa soo saareyna.”

    Waxay ku doodayeen in goobta lagu aasay ay aad ugu dhowdahay meesha ay degeen.

    Sawirro kale ayaa muujinayay Maxamed iyo walaalihiis oo meydka aabbahood oo kafan ku duuban ka qaadaya xabaalaha, kana dejinaya buurta si ay meel ammaan ah u geeyaan, iyadoo ay daawanayeen dadka halkaasi degay ee Israa’iiliyiinta ah.

    Kadib markii dadka deegaameynta ka sameystay loo oggolaaday inay keenaan guryahooda guurguura oo ay dib uga dhistaan degsiimooyin cusub Sa-Nur, oo ku dhow saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Israa’iil inta badan deegaanka waxaa lagu dhawaaqay “aag ciidan oo xiran”.

    Dhab ahaantii, tani waxay ka dhigan tahay in beeraha saytuunka, beeraha dalagga leh, xitaa qabuuraha, ay hadda si toos ah uga mamnuucayaan milkiilayaashii tuulada.

    Dadka tuulada ayaa sheegay in marka deegaanka la galayo loo baahanyahay taxaddar badan, maadama dadka meesha soo degay ay hubeysanyihiin oo ay sameyana hanjabaado badan.

    Dhawaanahan waxaa sii kordhay rabshadaha la xiriira dadka soo degay Daanta Galbeed, iyadoo dunida inteeda badan ay ku mashquulsan tahay dagaallo iyo colaado meelo kale ka socda.

    Wargeyska The New York Times ayaa dhowaan sheegay in intii u dhexeysay bilowgii dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jireen Iiraan iyo dhammaadkii bisha Abriil, 13 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarro ay geysteen dadka deegaameynta ka sameystay halkaa, boqolaalna lagu dhaawacay, halka kuwo kalena laga barakiciyay guryahoodii.

    Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in dadka degsiimooyinka ka sameysatay aaggaas, oo dhiirrigelin ka helaya wasiirro mayal-adag oo ka tirsan dowladda Netanyahu isla markaana diyaar u ah inay adeegsadaan hubkooda, ay sii kordhinayaan khatarta ku wajahan nolosha Falastiiniyiinta ku nool dhulalka la haysto.

    Ugu dambayn, Xuseen Asasa waxaa ay ku aaseen wiilashiisu qabuur yar oo ku yaal tuulo deris ah halkii laga saaray meydkiisa, isagoo ugu dambayn ka xoroobay silica iyo cabsida ay ka qabeen ehelkiisa in la soo saaro.

    Ciidanka Israa’iil ayaa markii dambe sheegay inay farageliyeen, islamarkaana dadka soo degay ay ka qaadeen qalabkii wax lagu qodayay si looga hortago xiisad dheeraad ah.

    Laakiin qoyska ayaa ku eedeeyay askarta inay daawanayeen iyagoo aan waxba qaban, xilli Israa’iiliyiintu ku qasbayeen inay si bahdil iyo ixtiraam darro ah uga saaraan meydka qabriga cusub.

    War ay siiyeen BBC-da, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayay ku sheegeen inay:”Cambaaraynayaan isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo nidaamka guud, ee sharciga, iyo karaamada dadka nool iyo kuwa dhintay.”

    Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay dhacdadan, isagoo ku tilmaamay “mid argagax leh oo astaan u ah ku xad-gudubka bani’aadannimada Falastiiniyiinta” ee dhulalka la haysto.

    “Cidna uma turaan, nolol iyo meyd toona,” ayuu yiri Ajith Sunghay, madaxa gudaha ee Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso xiisadaha ka dhex ka taagan bulshada tan iyo markii dib loo dhisay deegaameynta Sa-Nur.

    “Waa arrin aad u xun; waxay u malaynayaan inay leeyihiin dhammaan deegaanka hadda markay dib ugu soo noqdeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii joogay teendhada tacsida ee loo dhigay Xuseen Asasa.

    “Dhawaan ayay ahayd markii dhul uu lahaa mid kale oo qaraabadayada ka mid ahi ay ciidanka iyo dadka meesha soo degay ay xoog ku galeen, iyagoo jaray dhammaan geedihii saytuunka ahaa iyada oo aaney jirin sabab muuqata,” ayuu mid kale oo ka tirsan walaalaha Asasa ii sheegay annagoo meel ammaan ah ka eegaynay qabuuraha.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Mucaaradka oo la filayo inay cadeeyaan mowqifkooda kadib casuumada MW Xasan Sheekh

    May 3, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Imaaradka Carabta oo si adag u cambaareeyay Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya

    May 12, 2026

    Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay .

    May 12, 2026

    Dhacdo argagax leh: Waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    May 12, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.