Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u doortay Aadan Maxamed Nuur Madoobe inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee maamulkaasi.
Codeyn ayaa waxaa hareeyay muran, kala qeybsanaan, iyo wax is daba marin kadib markii mid ka mid ah musharixiinta hormuudka u ah uu diiday inuu ka qeyb galo sababo la xiriira cod bixin lagu kala baxay.
88 ka mid ah 95-ta ayaa u codeeyay Aadan Madoobe oo isna ah guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday in uu ku biiro hoolka doorashada kadib markii guddiga doorashada uu jabiyay xeer hoosaadka.
Tani waxay ka dhigan tahay 92% Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay u codeeyeen Aadan Madoobe halka inta soo hartay ay u codeeyeen C/casiis Maxamed Jawaari.
Hogaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo musaafuris ku jooga Nairobi ayaa wali sheeganaya inuu yahay hogaamiyaha sharciga ah ee maamulkaas kadib markii ciidamada Federaalka ay xilka ka qaadeen 30-kii bishii March ee sanadkan.

