Isbahaysiga loo yaqaan Golaha Mustaqbalka ayaa weli ka doodaya jawaabta ay ka bixinayaan martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay muuqato kala aragti duwanaansho xooggan oo dhex yaalla xubnaha mucaaradka.
Qaar ka mid ah xubnaha Golaha ayaa si adag u diidan in la fariisto gogol wada-hadal, ilaa marka hore la joojiyo barakicinta dadka rayidka ah ee laga saarayo deegaanadooda. Waxay arrintan ku tilmaameen mid dhaawaceysa kalsoonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Dhanka kale, xubno kale ayaa soo jeediyay in shuruud adag laga dhigo in Madaxweynaha uu hakiyo doorashooyinka ka socda magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo hal dhinac ah oo aan loo dhammayn.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale xusuusan kulamadii hore ee wada-hadallada ahaa ee fashilmay, kuwaas oo aan natiijo muuqata kasoo bixin. Arrintan ayaa sii kordhisay taxaddarkooda, gaar ahaan iyadoo la sheegayo in muddada xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay maalmo kooban ka harsan yihiin.
Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda si rasmi ah uga dhawaaqaan mowqifkooda ku aaddan martiqaadka iyo shuruudaha ay ku xiranayaan ka qaybgalka wada-hadallada.

