Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga Degaanka oo Dagaal Culus Ku Hareereeyay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xoogagga Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa dagaal culus ku hareereeyay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoo maalintii labaad si xiriir ah u wajahaya kooxda argagixisada ah ee Alshabaab. Dagaalka oo si isdaba joog ah u socday ayaa horseeday in kooxda laga saaro goobo muhiim ah oo ay horey ugu sugnaayeen, waxaana haatan dagaalku si gaar ah uga socdaa aagga garoonka diyaaradaha magaalada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa in kooxda si weyn looga durjiyay fariisimahoodii hore.…
Guud ahaan deegaamada Somaliland waxaa maanta ka socda dabaaldegyo lagu xusayo sanad guurada 34aad ee ka… Guud ahaan deegaamada Somaliland waxaa maanta ka socda dabaaldegyo lagu xusayo sanad guurada 34aad ee ka soo wareegatey markii maamulkaasi dhidibada lo0 taagey sanadkii 1991-dii. Xuska sanad guurada sanadkaan waxaa siweyn looga dareemay degmooyinka Hargaysa iyo Ceerigaabo oo ay isugu soo bexeen kumanaan qof, ciidamo iyo Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Cirro, Madaxweyne hore Muuse Biixi iyo xubno kale.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad ka jeedinayey munaasabadda 18 May ayaa ka… Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo khudbad ka jeedinayey munaasabadda 18 May ayaa ka hadlay qorshaha xukuumaddiisa ee mushkiladaha siyaasadeed ee Somalia iyo doonistooda ku aadan madax banaani maamulkaasi ka helo Soomaaliya inteeda kale. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iyadoo qaran madax banaan ah inay door ka qaadato xal u helidda dhibaatooyin uu sheegay inay haystaan Soomaaliya. “ Waxa aanu ku kalsoonnahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madax bannaan ahi, inay wax badan ka qaban…
Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan. Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan lagu dilay dagaallada culus ee ka socda xadka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe. Waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Cabdi Yuusuf Salaad oo ku magac dheeraad Cabdi Goomey, iyadoo la sheegay inuu ku dhintay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay maanta agagaarka degaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori. Taliye Cabdi Goomey ayaa ka mid ahaa taliyeyaasha ugu waaweyn ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan, waxaana si weyn loo bartay sanadkii 2022, markii lagu abaal mariyay lacag dhan 10,000 dollar, markii…
Macawisleyda Beesha Xawaadle oo shalay illaa maanta casharro cajiib ah u dhigay Shabaabka arxan laawayaasha ah ee dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ka ganacsada. Aragtidooda gurracan ayaa u sheegtay Shabaabka iney weeraraan Mubaax oo katirsan Hiiraan isla markaasna ay joogaan sooma jeestayaasha aan xabadda ka cabsan ee Macawisleyda Xawaadle, waxaase ay la kulmeen in la jabiyey oo laga furtay shalay hub, dagaalkana looga gacan sarreeyey. Saakay aroortii ayey mar kale soo weerareen iyagoon quusan Shabaabku Mubaax oo Macawisleydu joogto, saakay sida loo ceyrsanayey Aadan Yabaal oo ay kasoo duuleen ayaa lagu geeyey, waxaana Macawisleydu hadda hareereeyeen Aadan Yabaal oo Shabaabka ay…
Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, Madaxwaynaha ayaa khudbadiisa uga uga hadlay qodabo muhiim ah oo uu kamidyahay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin. Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus,” ayuu yiri madaxwayne Xasan Sheekh. Dhanka kale madaxweynaha ayaa la wadaagay Hoggaamiyeyaasha Carbeed dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u…
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axme Macalin Fiqi oo safar ku jooga dalka Ciraaq ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalkaasi, Thaabit Al-Cabaasi. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka milatariga iyo wada-shaqeynta istaraatijiyadeed. Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka Difaaca, si la isku dhaafsado khibradaha la dagaalanka Ururada AS iyo Daacish. Wasiirka Difaaca Ciraaq ayaa ballanqaaday in ay khibradooda Militeriga la wadaagi doonaan Ciidanka Soomaalida, iyaga oo dareensan in labada dal ay isku xaalad iyo dagaal Sokeeye soo wada mareen. Dhankiisa, Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq martigelinta…
Miletariga Soomaaliya ayaa billaabay baaritaano lagu sameynayo dilka allaha u naxariistee Taliyahii guutada 26-aad ee xoogga dalka, Col. Cabdirahman Xujaale oo la dilay isaga oo ku sugan deegaanka Mubaax u dhaxeeya Magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal. Baaritaannada horudhaca ayaa tilmaamaya in askariga dilka geystay oo tirsana guutada Taliyaha, waxaana xogaha ay tilmaamayaan in gacanta lagu dhigay askariga dilka geystay lana filayo in la keeno magaalada Muqdisho. Deegaanka Mubaax oo ku yaalla xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa xilliga dilka dhacayay waxaa ka socday dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo AS. Col. Xujaale ayaa ahaa sarkaal si weyn…
Update : Taliyihii Guutada 26-aad ee Gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Xujaale, oo lagu dilay gudaha saldhiggiisa. Askartiisa ayaa loo heystaa dilka! Warar hadda naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in Cabdiraxmaan Xujaale, taliyihii guutada 26-aad ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, si lama filaan ah loogu dilay gudaha saldhigga uu ka taliyo. Dilkan ayaa sida xogaha horudhaca ah sheegayaan ka dhacay gacanta askar ka tirsan ciidankiisa, iyadoo lagu fuliyey qori nooca dhashiikaha ah, oo sababay dhaawacyo halis ah oo u geystay taliyaha, isla markiiba naftiisana ku waayey. Dhammaan askartii eedeysanayaasha ahayd waa la qabtay, waxaana ay ku jiraan gacanta…
Taliye Ku-xigeenka Ciidanka milateriga Dalka Uganda Gen. Sam Okiding ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar. Imaanshana taliye ku xigeenkada ciidamada Uganda ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la xiriirto xoojinta iskaashiga milatari iyo wada shaqeynta Dalalka Soomaaliya iyo Uganda iyo xaaladda adag ee heysata howlgalka AUSSOM. War ka soo baxay xafiiska Taliyaha Ciidamada Dhulka xoogga Sahal Cabdullaahi ayaa u qornaa sidan:. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar” Ganeraal Khaalid” ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada…