Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiirka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire looga yeeray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadib eedeymo la xiriira hadal uu ka sheegay shir lagu daahfurayay Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle.
Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu shirka ku tilmaamay mid ay wadaan koox mucaarad ah, arrintaas oo dhalisay caro iyo kala qeybsanaan siyaasadeed oo ka dhex dhalatay siyaasiyiinta beesha Xawaadle.
Waxii warar ah oo ku soo kordha kala soco mar walba Isha Wararka Radio Halgan TV.

