Author: radiohalgan.com

Xildhibaanada Puntland ku metela Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa sheegay in lagu soo wareeray hotel ay ka deggan yihiin Muqdisho oo aagga Xalane ku yaalla. Xildhibaanada oo ah kuwii dhawaan laga celiyay Garoowe oo weli ku xanniban Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo dawladda ka tirsan ay goobta ka ka xaysteen la taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxweyne Deni. Xildhibaanadan ayaa diidan waxka beddelka dastuurka Soomaaliya oo berri loo ballansan yahay in wax laga beddelo qaybo ka mid ah. Xiisaddan ayaa sababtay in ay caawa iscasilaan laba wasiiro-dawle oo ka tirsan xukuumadda federaalka kuwaas oo sheegay in ay ka soo horjeedaan…

Read More

Degdeg: la taliyihii amni ee madaxweyne Siciid Deni oo la afduubtay. Axmed Cabdi Hurre oo ah mid ka mid ahla taliyaasha amni ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa lagala baxay hotelkii uu degganaa magaalada Muqdisho si afduub ah. Rag hubaysan ayaa ugu galay qolkiisa hurdada ee hotel Airport ee magaalada Muqdisho, iyadoosi xooga loo kaxaystay, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ay ku jiraan xildhibaanno baarlamaanka labadiisa ah oo la degganaa hotelka. Ciidanka xoogga iyo afduubka kula baxay la taliyahaas madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale handadaad iyo gacanqaaddou geystay mudanayaal baarlamaan oo federaalka ah, kana soo…

Read More

Safaaradii Maraykan ee Kuwait ayaa albaabada loo laabay ilaa amar dambe baqdin laga qabo weeraro kaga yimaada dawladda Iiraan awgeed. Qoraalka safaarada ayaa lagu sheegay in xiisadda taagan awgeed go’aankan loo qaatay. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xalay laba diyaaradood oo nooca aan duulliyaha lahayn Iiraan ku weerartay safaraadda Maraykanka ee magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga. Wasaaradda Gaashaandhigga Sucuudiga ayaa sheegtay in khasaaraha safaaradda gaadhay kooban yahay. Arrintan waxa kale oo ay imanaysaa xilli Maraykanku uu mu’waadiniintiisa ugu baaqay in ay degdeg uga baxaan inta badan waddamada Khaliijka cabsi jirta awgeed.

Read More

Safaaradda Maraykanka ee Riyaad, caasimadda Sacuudiga ayaa dab ka kacay kadib markii lagu dhuftay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyuhu wadin ee Iiraan. Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa xaqiijisay weerarka balse waxa ay sheegtay in khasaaruhu kooban yahay oo uu yahay mid hantiyeed oo dhismaha gaadhay. Iiran ayaa sii wadda weerada ay ku qaadayso saldhigyada iyo xarumaha kale ee Maraykanku ku leeyahay waddamada Khaliijka. Maraykanka dhinaca kale waxa uu sheegay in laga dilay lix askari tiro kalena laga dhaawacay. Maraykanku waxa kale oo uu caawa farriin u diray mu’waadiniintiisa ku sugan waddamada Khaliijka oo uu ugu baaqay in ay degdeg…

Read More

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran & Xisbiga Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen xafiiska Netanyaha iyo goob uu ku sugnaa taliyaha ciidamada cirka Israa’iil, iyagoo fuliyay weerar lama-filaan ah oo sax ah oo loo adeegsaday gantaallada “Kheybar”. Mowjadda 10-aad jawaabta Iran ayaa la sheegay in beegsan ka dhashay, iyadoo ciidanka Cirkana la weeraray, sida ay TASNIM warisay. Majirto faahfaahin madax banaan.

Read More

Waxa qoraay Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah Xilabaanada Baarlmaanka Hirshabeelle Radiohalgan.com Waxaan in mudo ku maqnaa magaalada baladweyne waxaan ku soo arkay dayac badan daraagis masuuliyiin hormuud u yihiin abaaro ba an hormaro la hor istaagay yaa dayacay ? Gobolka hiiraan oo haadaan kasii dhacaya cida leh masuuliyadeeda maamulka qaar iyo kuwoo diidan dowladnimada oo isku milmay https://vm.tiktok.com/ZGdmwAFFn/ shirqoola loo maleegaya dowlada hirshabelle hormuudna u yihiin kuwii lagu aaminay talada gobolka hiiran canshuur la lunsado iyo cida lunsato wax lagu isticmaalo iyo maamulka cida la isticmasho cadeena daba socota Habeen soo jeed waxaan wanagsanen iyo dad aan wanaagsanen waqti…

Read More

Wasiir Hore Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob Shalay waxaan ka qeybgalay Caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed. Ugaaska oo aan Jaamacadda Ummadda isku soo gaarnay, kana wada tirsaneyn Guddiga ardayda maamula, waa nin sharaf iyo xushmad badan oo fiiro dheer. Allah ha ku guuleeyo mas’uuliyadda ballaaran. Munaasabadda oo marti sharafta ka soo qeyb gashay ay ka yimaadeen Djibouti, Jigjiga, Garisa iyo Soomaaliya woqooyi iyo koofurba, waxay ahayd mid si qurux badan loo soo abaabulay. Inkasta oo ay joogeen Madax sare oo Federaalka ah iyo Madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweynuhu, haddana fadhiga xooggiisu wuxuu ahaa Madaxda dhaqanka.…

Read More

Wasiirka Beeraha iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Hirshabeelle oo daah-furay shir labo maalmood ah oo ku saabsan hirgelinta Mashruuca UGBAAD. 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 𝐈𝐬𝐧𝐢𝐢𝐧, 𝟎𝟗 𝐅𝐞𝐛𝐫𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cali Caddow Jibriil, ayaa maanta ka qeyb-galay shir labo maalmood ah oo lagu falanqeynayo hirgelinta Mashruuca UGBAAD ee beeraha u adkeysanaya isbeddelka cimilada. Shirkan oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha beeraha iyo deegaanka, Madaxa Mashruuca UGBAAD Salem Ullah oo ah wakiilka FAO, ayaa diiradda lagu saarayaa ujeeddooyinka mashruuca, qaabka hirgelintiisa, iyo sida…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil. Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa xusay…

Read More

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde. Ugu horreyn Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sii amba qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan wax ka baddal kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50,aad iyo 54-aad, waxaana Xildhibaanada labada Aqal…

Read More