Author: radiohalgan.com

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed. Ciidamadaan oo kamid noqon doona howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga ayaa tababaray saraakiisha ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM. Laftagareen ayaa ku boggaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud. Tababarka loo soo xiray Ciidanka ayaa ku…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta kulan muhiim ah uu madaxtooyada Soomaaliya kula qaato qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Wararka ayaa sheegaya in aan weli si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulanka, balse ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in uu la xiriiro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Kulankan ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya, taasoo salka ku haysa faragelin iyo isqabqabsi siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac. Labada dhinac ayaa…

Read More

Maamulka Gobolka Bakool iyo Degmada Xuddur oo si adag uga hor yimid madaxweynaha sharci darrada ku jooga Koonfur Galbeed mowqif cadna ka qaatay . Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si adag uga hor yimid madaxweynaha sharci darrada ku jooga Koonfur Galbeed Soomaaliya. Maamulka ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo cadeeyey in si toos ah ay ula shaqeyn doonaan dowladda ilaa laga helo maamul sharci ah. Sidoo kale, waxay taageereen dastuurka dalka ee dhowaan uu ansixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Meel kamid ah hawada dalka Iiraan ayaa maalinimadii Khamiista, 19kii Maarso, ayaa gantaal ama wax u eg uu ku helay diyaarad Mareykanku leeyahay oo F-35 ah. Milateriga Maraykanka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay ku dhacday rasaas looga shakisan yahay inay ka timid dhanka Iiraan xilli ay ku jirtay hawlgal dagaal, waxayna ku guulaysatay inay si degdeg ah ugu degto saldhig diyaaradeed oo Maraykanku ku leeyahay gobolka. Pentagon-ku wuxuu dhacdadan ku tilmaamay mid baaritaan lagu sameynayo oo jirta. Waana weedh la dhihi karo waa la filayay oo taxadar ayay ka muujinayaan intaysan wax sheegin. Laakiin dhacdadani si walba taxadar uga dheer,…

Read More

Taliye Cusub Oo Hoggaanka La Wareegay: Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Oo Bog Cusub Galaya Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka hoggaanka, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo lagu qabtay xarunta ciidanka. Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo marti sharaf kale oo goob joog u ahaa wareejinta xilka. Taliyaha cusub ayaa ballan qaaday inuu xoogga saari doono dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka, kor u qaadidda tababarrada ciidamada, iyo xoojinta awoodda difaaca hawada ee dalka. Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda…

Read More

DEG DEG: Iran oo adeegsaday hub cusub oo aad u khatar badan, gantaal Hypersonic ah oo lagu weeraray Tel Aviv Xiisadda dagaalka ee u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii warar cusub ay sheegayaan in Iran ay adeegsaday hub aad u halis badan oo loo yaqaan Hypersonic Glide Vehicle (HGV) si ay u beegsato magaalada Tel Aviv. Wararka ka imanaya warbaahinta caalamka ayaa tilmaamaya in Iran ay soo bandhigtay gantaalka cusub ee Fattah-2, kaas oo ah gantaal hypersonic ah oo xawaarihiisu gaari karo ilaa 15 jeer xawaaraha codka (Mach 15), islamarkaana lagu sheegay inuu awood u leeyahay…

Read More

#XOG: Maxaa ka jira in Booliska Soomaaliya lacag kaash ah ku qabteen Axmed Hurre? Booliska Soomaaliya ayaa aroortii hore ee saaka Muqdisho ku xiray Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Arrimaha Bulshada Madaxweynaha PL. G/sare Bashiir Bicir oo ah Taliyaha Istaafka Gen. Asad Diyaano ayaa Axmed Hurre ka qabtay Hoteel ay degen yihiin xubno ka tirsan BFS oo laga soo doorto PL kuwaasi oo dhawaan laga celiyay Garoowe. Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya waxay warbaahinta u dusiyeen in Axmed Hurre lagu qabtay lacag dhan $500,000 Dollar ka hor inta uusan u qeybin xubnihii BFS. Balse, Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya…

Read More

🚨 DEG DEG: Xiisad ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta qorsheynaya in la ansixiyo Cutubyada 4-aad iyo 13-aad ee Dastuurka, kuwaas oo qayb ka ah isbeddelka dastuurka ee ay waddo Dowladda Federaalka. Tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo ay si adag uga soo horjeedaan xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka. Xildhibaano mucaarad ah oo dhowaan laga saaray fadhiyada kadib 12 kulan oo ganaax ah ayaa isku dayay inay maanta tagaan xarunta Golaha Shacabka, balse waxaa la sheegay in ciidamada ammaanka ay hor istaageen maadaama liiskooda wali uu gacanta ku hayo ammaanku. Dhanka kale, dowladda ayaa…

Read More

DEG DEG maamulka Puntland oo war kaso saaray xariga Lataliyaha. Madaxweyne Siciid Deni iyo Xildhibaannada lagu weraray garonka diyaradaha Garoowe : 04 March 2026: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay siweyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am) Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday, Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho), iyo Afduubka loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre. Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo…

Read More