Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Safaaradda Maraykanka ee Riyaad, caasimadda Sacuudiga ayaa dab ka kacay kadib markii lagu dhuftay laba diyaaradood oo ah nooca aan duuliyuhu wadin ee Iiraan. Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudiga ayaa xaqiijisay weerarka balse waxa ay sheegtay in khasaaruhu kooban yahay oo uu yahay mid hantiyeed oo dhismaha gaadhay. Iiran ayaa sii wadda weerada ay ku qaadayso saldhigyada iyo xarumaha kale ee Maraykanku ku leeyahay waddamada Khaliijka. Maraykanka dhinaca kale waxa uu sheegay in laga dilay lix askari tiro kalena laga dhaawacay. Maraykanku waxa kale oo uu caawa farriin u diray mu’waadiniintiisa ku sugan waddamada Khaliijka oo uu ugu baaqay in ay degdeg…
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran & Xisbiga Lubnaan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay beegsadeen xafiiska Netanyaha iyo goob uu ku sugnaa taliyaha ciidamada cirka Israa’iil, iyagoo fuliyay weerar lama-filaan ah oo sax ah oo loo adeegsaday gantaallada “Kheybar”. Mowjadda 10-aad jawaabta Iran ayaa la sheegay in beegsan ka dhashay, iyadoo ciidanka Cirkana la weeraray, sida ay TASNIM warisay. Majirto faahfaahin madax banaan.
Waxa qoraay Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah Xilabaanada Baarlmaanka Hirshabeelle Radiohalgan.com Waxaan in mudo ku maqnaa magaalada baladweyne waxaan ku soo arkay dayac badan daraagis masuuliyiin hormuud u yihiin abaaro ba an hormaro la hor istaagay yaa dayacay ? Gobolka hiiraan oo haadaan kasii dhacaya cida leh masuuliyadeeda maamulka qaar iyo kuwoo diidan dowladnimada oo isku milmay https://vm.tiktok.com/ZGdmwAFFn/ shirqoola loo maleegaya dowlada hirshabelle hormuudna u yihiin kuwii lagu aaminay talada gobolka hiiran canshuur la lunsado iyo cida lunsato wax lagu isticmaalo iyo maamulka cida la isticmasho cadeena daba socota Habeen soo jeed waxaan wanagsanen iyo dad aan wanaagsanen waqti…
Wasiir Hore Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob Shalay waxaan ka qeybgalay Caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed. Ugaaska oo aan Jaamacadda Ummadda isku soo gaarnay, kana wada tirsaneyn Guddiga ardayda maamula, waa nin sharaf iyo xushmad badan oo fiiro dheer. Allah ha ku guuleeyo mas’uuliyadda ballaaran. Munaasabadda oo marti sharafta ka soo qeyb gashay ay ka yimaadeen Djibouti, Jigjiga, Garisa iyo Soomaaliya woqooyi iyo koofurba, waxay ahayd mid si qurux badan loo soo abaabulay. Inkasta oo ay joogeen Madax sare oo Federaalka ah iyo Madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweynuhu, haddana fadhiga xooggiisu wuxuu ahaa Madaxda dhaqanka.…
Wasiirka Beeraha iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka Hirshabeelle oo daah-furay shir labo maalmood ah oo ku saabsan hirgelinta Mashruuca UGBAAD. 𝐉𝐨𝐰𝐡𝐚𝐫, 𝐈𝐬𝐧𝐢𝐢𝐧, 𝟎𝟗 𝐅𝐞𝐛𝐫𝐚𝐚𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔. Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Maxamed Sheekh Maxamuud, iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Cali Caddow Jibriil, ayaa maanta ka qeyb-galay shir labo maalmood ah oo lagu falanqeynayo hirgelinta Mashruuca UGBAAD ee beeraha u adkeysanaya isbeddelka cimilada. Shirkan oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha beeraha iyo deegaanka, Madaxa Mashruuca UGBAAD Salem Ullah oo ah wakiilka FAO, ayaa diiradda lagu saarayaa ujeeddooyinka mashruuca, qaabka hirgelintiisa, iyo sida…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil. Warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa xusay…
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde. Ugu horreyn Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa sii amba qaaday ka doodista cutubka Afaraad ee dastuurka Kmg ah gaar ahaan wax ka baddal kooban oo ku saabsan qodobada 49-aad, 50,aad iyo 54-aad, waxaana Xildhibaanada labada Aqal…
Anas Sarwar, hoggaamiyaha Xisbiga Labour ee Scotland, ayaa hadda ugu baaqay Keir Starmer inuu iscasilo. “Qaska iyo mashquulku waa inuu dhammaadaa, hoggaankana ka jira Downing Street waa inuu isbeddelaa,” ayuu u sheegay saxafiyiinta. Cadaadiska saaran Starmer ayaa sii xoogaysanaya iyadoo hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka Kemi Badenoch ayaa sheegtay in mowqifka Starmer uu yahay “mid aan la aqbali karin” – waxay hore ugu sheegtay BBC-da in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaatay “go’aan khaldan ka dib go’aankii xumaa” Sidoo kale xubno ka mid ah shaqaalaha xafiiska Lamber 10 ayaa iscalisay.
Dowladda federaalka ayaa ciidamo u diraysa Gobolka Tigray, sida ay sheegtay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF). War-saxaafadeed ay maanta soo saartay, xisbigu wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay samaynayso “diyaar-garroow ciidan oo cusub” oo ka dhan ah Tigray, iyagoo xiganaya iska-horimaadyo dhowaan dhacay. “Dowladda Itoobiya hadda waxay waddaa dhaqdhaqaaq ballaaran oo hub iyo ciidamo ah, taas oo Tigray ku riixaysa inuu galo wareeg kale oo dagaal dhiig leh,” ayaa lagu yiri bayaanka. “TPLF iyo shacabka Tigray waxay doonayaan in Heshiiska Pretoria la hirgeliyo,” ayuu war-saxaafadeedku intaas raaciyey. TPLF waxay ugu baaqday beesha caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay iyo…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa. Booqashadan ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo sare u qaadidda iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo siyaasadda, xilli ay gobolka Geeska Afrika ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Inta uu ku sugan yahay Qaahira, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan muhiim ah la qaadan doona dhiggiisa dalka Masar, Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, waxaana ay ka wadahadli doonaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada…
