Author: radiohalgan.com

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay wejiga 2-aad  Tartan Aqooneedka Qur’aanka Kariimka ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo wajigiisa 1-aad kasoo socday Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Macalimiinta, Guddiga Garsoorka iyo Culumada Soomaaliyeed, doorkooda ku aadan in ay waqti geliyaan waxa ugu fiican ee lagu tartamo oo ah xifdinta Quraanka Kariimka. Asigoona Balan qaaday in uu Xajka u diri doonno Waalidka ardeyga ku guuleysta Tartanka Quraanka Kariimka ee…

Read More

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Axmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Kuxigeenka cusub ee ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga. Kulanka Wasiirka iyo Kuxigeenka  ayaa diiradda waxaa lagu saaray dagaalada dalka ka socda, howlaha Xasillinta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Doorashooyinka iyo arrimo kale. Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Raisedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaaliyaba ku bogaadiyay guulaha isdabajoogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee…

Read More

Madaxda sare Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqday qaar kamid ah Dadkii ku dhaawacmay weerarkii tooska ahaa iyo qaraxyadii isla socday ee ‘AS’ ku qaadday Hotel SYL Magaalada Muqdisho ayaa caafimaad u rajeeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare Cali Shacbaan ayaa u tagay dadka ku dhaawacmay weerarkaas ka dhacay Hotel SYL. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bukaannadaan u rajeeyay caafimaad degdeg ah in uu alle siiyo waxaana uu warbixin ka dhagaystay Dhaqaatiirta iyo maamulka Isbitaalka Erdogan (Digfeer) ee lagu…

Read More

Maraykanka ayaa aad uga walaacsan qorshaha Ruushka uu isugu faafinayo Qaaradda Afrika, welwelka Xukuumadda Washington ayaa sii kordhayay saddexdii sano ee lasoo dhaafay oo ku beegan markii Moscow ay faraha la gashay dagaalka Ukraine. Ruushka ayaa samaystay saaxiibo si toos ah ugu xiran oo ku sugan Qaaradda Afrika iyada oo si aan ka gambasho lahayn ay u dhaceen dibadbaxyo lagu garab istaagay duullaanka Xukuumadda Moscow ay ku qaadday dhiggeeda Kyiv. Maraykanka oo in muddo ah ka riixayay Ruushka iyo Shiinaha in ay galangal ku yeeshaan Afrika ayaa markaan ka walaacsan tallaabooyinka ay qaadayso Xukuumadda Moscow oo ay ku kasbatay saaxiibo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu kula kulmay taliyeyaasha Nabad-Sugidda iyo Booliska Mahad Salaad iyo Sulub Axmed Firin Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA. Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa amray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka, kana feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho. Sidoo kale Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab oo uu…

Read More

Waxaa maanta Maxkamadda Darakada Koowaad ee ciidamada qalabka sida la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo horay looga soo qabtay dalka Kenya. Ninkan ayaa muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada. Sufyaan Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee argagixisada iyo marin habaabinta dadka. Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay…

Read More

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay ciidamada badda Hindiya ka fuliyeen xeebaha bari ee Puntland, kaas oo lagu beegsaday burcad badeed dhowaan afduubatay markabka Ruen oo marayay badda cas. Markabka oo ah xamuul, isla markaana uu ka babanaayay calanka Malta ayaa waxaa rasaaseeyay Burcad badeeda, kadibna afduubtay, iyaga oo la tegay xeebaha EYL. Ciidamada Hindiya ee howlgalka qaaday ayaa hareereeyay markabka, waxayna ka dalbadeen burcad badeedda inay isa soo dhiibaan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda. Wararka ayaa sheegaya in muddooyinkii dambe markabka uu gaaf wareegayey xeebaha badweynta hindiya gaar ahaan Hobyo ilaa Eyl…

Read More

Ku simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ka fulisay hotel SYL ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa intii uu ku sugnaa Isbitaalka waxa uu mid mid u dul istaagay una waraystay xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, isaga oo alle uga baryay in uu caafimaad taam ah siiyo, wuxuuna uga mahadceliyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday Isbitaalka Erdogan ex Digfeer ee magaalada Muqdisho, si uu ugu kuurgalo xaaladda caafimaad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weerarkii ay kooxda argagaxisada Khawaarijta ku qaaday hotel SYL. Ra’iisul Wasaaraha oo mid mid u dul istaagay ayaa alle uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaannada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbitaalka, islamarkaa uga mahadceliyey dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan shaqada wanaagsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan.

Read More

Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa xalay hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo ku soo dhamaaday guul. Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas. Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud.…

Read More