Author: radiohalgan.com

Xalay waxaa dhacay shir qadka Telefoonka ahaa waxaana marti ku ahaa Gudoomiyaha Sportska Dagmada Bule burte Gudoomiye Fuad Hassan Abdulle (baanja Ciilaaw Cabdulle) Gudoomiyaha ayaa nooga waramay warbixin buuxdane naga siiyay Sportska Dagmada Buulaay waxoow noo sheegay ka Maamul ahaan in ay wax badan qabteen wax kalane wali ay dhiman yahiin laakiin loo baahan yahay Dal joogto Reer Hiiraan iyo qurba Joogta in ay wada shaqeeyaan Waxaa shirka kasoo qayb galay qurba joogta Reer Hiiraan Ee Yurub ku nool kana koobnaa bahda isboortiska wariyaal ganacsato iyo Gudoomiya yaasha Jaaliyaddaha waxaana laysla wada gartay in laga shaqeeyo kor u qaadista isboortiska…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalkii labaadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaanka Kudhaa ee hoos taga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose. Dagaalka oo ku bilowday weerar al-Shabaab ku qaadeen goobo ay ku sugnaayen ciidamada Jubaland, ayaa markii dambe oo shalay ahayd mamaulka Jubaland waxey sheegeen in dagaalka ay ku jabiyeen Shabaab isla markaana ay ka sifeeyeen deegaankaasi. Haddaba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri: waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u dirayaa geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeynta ah ee…

Read More

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Tababarka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Eng. Cabdirisaaq Xasan Cali, waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Mudane Cismaan Maxamed Muqtaar Baarey, Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Mudane Maxamed Abuukar Cali, la-taliyaha sare ee Mashruuca JOSP ee Wasaaradda Mudane Prof. Abdirazak Bood iyo howlwadeenada Wasaaradda. Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in tababarkani uu muhiim u yahay tayeynta shaqaalaha, kor u qaadista xirfadaha shaqo, iyo…

Read More

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuusan hirgelin doonin canshuurihii la qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Qoraal uu ku daabacay barta Truth Social ayuu ku sheegay in, kadib “kulan aad u miro-dhalay” oo uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, ay “sameeyeen qaab-dhismeedka heshiis mustaqbal ah oo la xiriira Greenland.” Wuxuu yiri: “Xalkan, haddii la dhammeystiro, wuxuu u noqon doonaa mid aad u wanaagsan Mareykanka iyo dhammaan waddamada NATO.” “Marka la eego is-afgaradkan, ma hirgelin doono canshuurihii loo qorsheeyay inay dhaqan galaan 1-da Febraayo. Wadahadallo dheeraad ah ayaa socda oo ku saabsan Mashruuca Golden Dome sida uu ula xiriiro…

Read More

Jowhar, 21-Jannaayo-2026: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta saxiixay Sharciga Dakhliga iyo Xeer-nidaamiyeyaashiisa oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda. Sharcigan ayaa dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay tan iyo sannadkii 2018-kii waxana uu kasoo gudbay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle. Dib-u-eegistan lagu sameeyay sharciga iyo xeer-nidaamiyeyaashiisa ayaa ujeeddadeedu ahayd in la waafajiyo shuruucda dakhliga iyo duruufaha dhaqaale ee jira, lana xoojiyo nidaamka ururinta, maareynta, iyo isla-xisaabtanka dakhliga dowladda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyaddeed. “Sharcigan dib-u-habeynta lagu sameeyay waxa uu muhiim u yahay dhismaha hay’addaha dowladda, xoojinta dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam maaliyaddeed…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ku dhaweeyay dhiggiisa William Ruto. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wada-hadallo ka bilaabi doonaan isaga iyo madaxweynaha waddanka Kenya. Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu casuumaad hal maalin ka helay dhiggiisa dalkaasi, si ay uga xog wareystaan xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ujeedka socdaalkan uu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe. Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale ku celiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay horay u ansixiyeen xildhibaannada labada Gole. “Haddii la beddelo wixii heshiis lagu ahaa waxa ay keeneysaa, Soomaali inay kala tegto, markii ay arrintaas soo baxday Puntland waxa ay qaadatay in aysan ictiraaf siin dastuurkaas la beddelay” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u…

Read More

Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa. Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo. 41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF…

Read More

Marka hore dowladda waxa laga rabaa in ay markasta weerar ahaato ee aysan difaac ahaanin. Shabaab waxa lagu cuuryaamin karaa in aan fursad lasiin oo markasta labaacsado Marka 2-aad digniinaha dowladaha shisheeye soo sarayaan dalka ayay cuuryaaminayaan dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaan sidaas darteed, waa in dowladdu ay ka bixiso jawaab macno leh, waayo haddii ay aamusto waxay noqoneysaa in amnigeeda iyo mustaqablkeeda ay dowlado shisheeye u hayaan waana nasiib darro dalkana waa cuuryaamineysaa. Waa wax laga naxo in duulaamiyaddii dalka hakad galaan fariin dal kale katimid darteed. Waa sax in fariimaha dhab loo qaato, balse kuma habboona sida dowladdu…

Read More