Author: radiohalgan.com

Hogaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh ayaa u xaqiijiyay warbaahinta carabta in saddex kamid ah wiilashiisa looga dilay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Qasa. Waxay daba socotaa warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Xamaas ee Gaza oo sheegaysa in saddex wiil – Hazem, Amir, iyo Muhammad Ismail Haniyeh – iyo dhowr ka mid ah caruurta uu awoowaha u yahay ay ku dhinteen duqeynta ka dhacday xerada qaxootiga ee xeebta ee galbeedka magaalada Gaza. Madaxa siyaasadda Xamaas oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa Aljazeera ku sheegay wareysi uu khadka taleefoonka ku siiyay in wiilashiisa ay ku hareen Gaza intii uu socday dagaalka.…

Read More

Beledweyne(Radiohalgan.com)-Waraarkii ugu Dambeeyay ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan Kacdoon bulshada oo dadka ree Beledweyne sameeyeen goordhow ayeey cagta mariyeen dhowr Isbaaro (Jidgooyo) oo aay dhigteen maleeshiyaad hubeysan oo aay abaabuleen koox qas wadayaal ah oo Beledweyne ku sugan. Culimo Odayaal iyo qeybaha bulshada ayaa hoggaaminayay kacdoonkaasi waxa aayna Dab qabsiiyeen dhowr dhismo oo Isbaaro u aheyd kooxdaasi dadka Masaafurka ah ku dhibaan dilaan isla markaana ku dhacaa Beledweyne. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii uu maanta Masjidka Al-Nuur ee Beledweyne ee Beledweyne uu khudbad ka jeediyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye uu bulshada ugu baaqay in aay…

Read More

Daawo:- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo Salaada Ciida kaddib haddal kooban u jeediyay shacabka Hirshabeelle. Hoos ka daawo Muuqaalka Madaxweyne Ku-Xigeenka Hir-shaballe Yuusuf Dabageed https://youtu.be/TY8xJ2ZU_Zo?si=rPKjpoHd4Te0gqzc

Read More

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabadda maalinta koowaad ee farxada Ciida Soonfureed Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah Caruurta Aabayaashood ay ku geeriyoodeen dagaalada dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab. Wuxuu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in ciidamadii naftooda ku waayay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed in baal dahabi ah ku jiraan, islamarkaana dowladdiisa ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta ah ee Aabayaashood u dhinteen difaaca Qaranka. “Dowladdoodu marnaba hilmaami mayso ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, ayagana waxaan Alle u weydiinaya dhamaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu…

Read More

Dhibaatooyinka Xooggan ee loo gaysanayo Muslimiinta Itoobiya ayaa sii kordhayay sanadihii u dambeeyay, Golaha Sare ee Islaamka ee dalkaas ayaa walaac ka muujiyay weerarradaas foosha xun ee lagu beegsanayo. Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya ayaa ka qaylo dhaamiyay tallaabooyinka aanay u wanaagsanayn Muslimiinta Gobolka Amxaarada oo si aan kala sooc lahayn wadajir loogu beegsanayo Gobolkaas. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Bahir Dar halkaas oo Salaaddii Maqrib kaddib si naxariis darro ah loogu toogtay Dad aanay waxba galabsan waxaana intaas dheer dhacdooyin kale oo welwel culus dhaliyay. Xukuumadda Abiy Ahmed oo ku guuldaraysatay dagaallada sokeeye ee dalkaas…

Read More

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta laga oogay guud dalalka kale ee Islaamka. Madaxweynaha oo tukashada salaadda kala qaybgalay boqollaal qof oo ku tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa. Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Dhinaca kale madaxweynaha Qaranku waxa uu fariin u diray dhammaan inta afsoomaaliga ku hadasha ee…

Read More