Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shirka qorshaha isbeddelka qaran. Kulankan oo ka dhacay Hanger-ka Xalane ayaa waxaa kasoo qeyb-galey qaar kamid wasiiradda xukuumadda, xoghayaha xafiiska ra’iisulwasaaraha, ku-xigeenka, agaasimayaal, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiisyada dowladda. Kulanka oo ahaa mid lagu xoojinayo iskaashiga xukuumadda iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay madaxda shirkadaha wax dhoofinta, korontada, bangiyada, shidaalka, beeraha iyo shirkadaha ganacsiga guud ee dalka. Intii uu socday kulankan ayaa waxaa ururada ganacsatada laga dhageystay aragtiyadooda ku beegan caqabadaha ganacsiga, fursadaha jira ee aan wali laga faa’iideysan iyo sidii xal waara loogu heli lahaa…
Markii meydka la aasay kadib maanta waxaa warbaahinta la hadlay Aabaha Luul Cabdicasiis, isagoo sheegay sababta uu ku diiday diyo ama magtii gabadhiisa, isla markaana uu u doortay in la toogto wiilkii qabay gabadhiisa. Aabe Cabdicasiis ayaa sheegay in qoyska Sayid-Cali ay dhowr jeer kala hadleen kiiskaan, iyagoo codsanaya in diyo laga qaato, balse wuxuu sheegay inuu diiday taas isagoo eegaya mustaqbalka gabdhaha Soomaaliyeed, sida uu hadalka u shigay. “Anaga Sheekhaal Jasiira ayaa nala dhahaa Diyo ma qaadano wexeennu waa Cafis laakiin Gabadheyda waxaan u cafin waayey Foolxumada loo dilay” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis. Odaga ayaa si cad u sheegay…
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku shaacinayo in adeeg cusub oo bulshada muhiim u ah uu ka furay gudaha safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya. Adeegaasi waa warqadda cadeynta dembi la’aanta oo qofka muwaadinka ah uu u baahanayo mar kasta, isla markaana ay ku dhibanaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya, ku wargalinayaa in ay Safaarada Soomaliya ee Nairobi ka heli karaan, adeega warqada dembi la’aanta iyo mida asluub wanaaga, laga bilaabo maalinta isniinta ah 11 March 2024,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.…
Waxaa Maanta oo Jimco ah lagu wada in la aaso meydka Allah u naxariistee Luul Cabdicasiis oo bishii Janaayo ee sanadkan 2023 ninkeedii ku gubay Muqdisho, sida ay xaqiijisay Maxkamadda gobolka Banaadir. Meydka marxuumadda ayaa goordhaw laga soo saaray qaboojiyahii ay ku jirtay oo yaala Isbitaalka Digfeer oo ay ku jirtay mudo ka badan hal bil. Aasitaanka Luul ayaa waxaa maalin ka hor shaaciyay aabaha dhalay marxuumadda Cabdicasiis Maxamed, kadib markii Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukun dil toogasho ah ku riday ninkii gubay Sayid cali Macalin Daa’uud. Saacadaha soo socda ayaa la filaya in meydka marxuumadda lagu aaso deegaanka Jasiira…
Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa Qaramada Modoobay waxay soo saartay baaq ku socda masuuliyiinta Soomaaliyeed oo ku aadan iney xaqiijinta ka mid noqoshada haweenka Soomaaliyeed siyaasada oo ay ka dhabeeyaan dhameyatirka qoondada haweenka ee ah boqolkiiba 30 matalaadda haweenku ku leeyihiin Baarlamaanka Fedaraalka. “Qoondada ugu yar boqolkiiba 30 waxay wax ka taraysaa oo ay gacan ka geysanaysaa kobcinta sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ee Soomaaliya. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haweenka Soomaaliyeed waxay sii wadaan inay si mug leh gacan uga geystaan nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, tani waxay ku timid adeeg ay…
Isku-duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Dr. Xasan Axmed Barqadle ayaa maanta shir guddoomiyay shirka isku-duwayaasha Caafimaadka gobolka Hiiraan oo markii ugu horeeysay taariikhda Beledweyne ka qabsoomay Shirka ayaa diiradda lagu saaray dar dargelinta holwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan si bulshada deegaanada iyo degmooyinka gobolka ka koobanyahay u helaan adeeg Caafimaad oo tayo leh. Isku-duwayaasha Caafimaadka ee shirkaasi ka qeyb galay ayaa ka kala yimid degmooyinka Jalalaqsi Buulo-burde Maxaas Moqokori Matabaan Farlibaax iyo Beledweyne. Isku duwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan Xasan Axmed Barqadle ayaa warbixinno ka dhageestay isku-duwayaasha Caafimaadka degmooyinka gobolka Hiiraan, waxuuna faray in aay laba jibaaraan howlaha shaqo ee bulshada u haayaan.…
Itoobiya ayaa ka fakareysa inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland kadib markii ay la kulantay cadaadis caalami ah oo lagu saarayo inay qaboojiso xiisadda ka dhalatay hindisahan, ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad la saxiixatay Somaliland, si ay u noqoto dalkii ugu horreeyey ee aqoonsada gobolka ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, ayada oo ku beddelaneysa in la siiyo bad ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska is-afgarad ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka deriska ah, ayada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka…
Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Moscow, waxayna ku hanjabtay inay dalkeeda ka eryi doonto diblumaasiyiinta Maraykanka ah si ay uga mudaaharaadaan wax ay ku sheegeen faragelinta Washington ee arrimaha gudaha. War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu eedeeyay Mareykanka in uu maalgeliyo kooxaha aan faa’iido doonka ahayn ee Ruushka ka soo horjeeda iyo faafinta warar been abuur ah ka hor doorashadiisa madaxtinimo ee dhammaadka bishan. Danjire Lynne Tracy oo ah safiirka Mareykanka ee Ruushka weli kama hadlin arrintaan. Safiirka Mareykanka u fadhisa Ruushka waxay ka mid ahayd dhowr dublamaasiyiin ajnabi…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdu ay Diiradda saarayso dib u habaynta Ciidanka Qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ka saaran amniga Dalkooda. Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Ciidamo katirsan Kumaandooska gaarka u tababaran ee Gorgor oo ka qallin-jebiyay tababarkii ay qaadanayeen ayaa sheegay in mas’uuliyad ballaan ay ka saaran tahay amniga Dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in ciidamadaan kuwo kale ee howlgallada ku jira looga fadhiyo in ay Dalka ka saaraan ‘AS’ isla markaana ay gacanta ku dhigaan mas’uuliyadda ka saaran in ay amniga gacan adag ku qabtaan…
Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa wixii ka dambeeyay 7dii Oktoobar 2023 oo ku beegan markii weerar cajiib ah oo argagax iyo cabsi badan geliyay Yuhuudda ay Xamaas ku qaadday saldhigyo iyo goobo amnigooda aad loo adkeeyo waxa ay Xukuumaddu bixisay lacag badan si ay uga hortago weerarro kale. Netanyahu oo bar-madow ku noqday weerarkaas maadaama Xamaas ay soo bandhigtay muuqaallada qaabka uu weerarkaas u dhacay, saraakiisha iyo ciidanka ay toogatay, Gaadiidka ay gubtay & xogo kale oo bannaanka soo dhigay sida ay ciidanka Yuhuudda u jilcan yihiin waxaa kordhay dalabaadka ay u dirsanayaan Maraykanka & dhinacyada kale ay maciin-bidi karaan. …
