Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Alejandro Garnacho ayaa taariikh ka sameeyay horyaalka premier League. Xiddiga da’yarka ah ayaa muhiim u noqonaya kooxda Erik Ten Hag xilli uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda Old Trafford ku ciyaarta. Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa laba rikoodhe ku guulaystay kulanka Everton isaga oo kooxdiisa u sameeyay laba rikoodhe. Kadib dhacdadaas Alejandro Garnacho ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda Man United laba rikoodhe u sameeya Man United kulan premier League ah. Sidoo kale Alejandro Garnacho ayaa Man United ka caawiyay in ay noqoto kooxdii ugu horaysay ee laba xiddig oo kala…
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay galabta 2-0 dhibcaha kaga qaadatay Everton oo marti ugu ahayd Old Trafford. Laba qalad oo lagu galay Alejandro Garnacho ayaa rikoodheyaal lagu siiyey Manchester United qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolal u beddelay Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford oo uu mid walba dhamaystiray toogashadiisa. Everton oo ahayd koox isku dhax yaacsan oo la moodayey in aanay diyaar u ahayn kulankan, ayaa waxa ay ogolaatay in ay guusha waqti horeba u hannayso Man United…
Beledweyne(Radiohalgan.com)- Kooxo hubeysan oo la wareegay garoonka Beledweyne iyo Guddoomiyaha Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo loo diiday in uu ku laabto Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. Hoos ka daawo Muuqaalka
Gudomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan qado sharaf iyo dhiiragelin ah la qaatay ciidamada Boliiska sida gaarka u tababaran ee Haramcad. Munaasabadda oo inteeda badan ahaa dhiiragelin iyo dar-daaran ku aadan sugida Amniga iyo La-dagaalanka Khawaarijta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay Turkiga ee ku sugan Muqdisho iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Booliska…
iidamadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyay fariisimo kooxda Al-shabaab ku laheyd deegaano ka tirsan gobolka Baay. Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 161-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab, kaasoo ka dhacay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur haybe oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay. “Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobahi khawaariijta dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Saraakiil ka tirsan Ururka…
4 nin oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee dalka Sweden. War qoraal ah oo ka soo baxay booliiska Sweden, ayaa lagu sheegay in afarta qof looga shakisan yahay in ay u diyaar garoobeen samaynta dembiyo argagixiso. Lama shaacin xog ku saabsan magacyadooda iyo macluumaad kale oo la xiriira meelaha bartilmaameedka u ahaa weerarada ay abaabulayeen raggaan Xaalada ammaanka ee dalkaas ayaa sii xumaanaysay bilihii lasoo dhaafay kadib markii dalka Sweden gudihiisa lagu gubay qur’aanka kariimka ah iyo mudaaharaadyo ka dhacay dunida Muslimka. Dowladda Sweden ayaa bishii Agoosto ee la…
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaqangaliyay wax ka badalka iyo kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha; Xeer Lr. 91/2023 iyo Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr: 14/2023. Madaxweynaha ayaa kama danbaystii qalinka ku duugay xeerarkan oo marar badan laysla fahmi waayay, isla markaana caqabad ku noqday qabsoomida doorashooyinka. Hadaba, xeerarkan ayaa waxa is badal iyo kaabis ku sameeyay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, iyada oo la badalay, ama dib u habayn lagu sameeyay qodobo badan, isla markaana ay labada gole baarlamaanba ansixiyeen. Inkasta oo xeerarkan ay ku wada qanacsanyihiin saddexda xisbi ee hada jooga iyo ururo badan,…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab. Hay’adda NISA waxay sheegtay in Abuukar Axmed Caddow Tifoow uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda. Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley. Hay’adda NISA waxay sheegtay inuu Alshabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho. Xogta Hay’adda NISA ay…
Xilli afar meelood meel dadka ku nool Marinka Qasa ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul ka dilaacda halkaas ayaa Maraykanka iyo Midowga Yurub isku diyaarinayaan xaaladkasta oo looga hortagi karo masiibo kale oo bini’aadanimo oo ka dilaacda Qasa. Qasa, waxaa ka socda wali colaad in ka badan afar bilood halkaas oo ay haya’adaha Qaramada Midoobay ka dayrinayaan xaaladda malaayiin rayid ah oo reer Falastiiniyiin ah. UK, ayaa hore gargaar ay diyaarado hawada sare kaga tuurayan ugu dirtay Qasa, sidaas oo kale Maraykanka ayaa isna fuliyey gargaar dhanka hawada looga daadiyey waqooyiga Qasa oo ka mida meelaha ugu…
Wax yar ayaa ka dhiman bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo ka mida bilaha ugu xurmada badan Islaamka, af xirka bishaasna ay tahay cibaado in ka badan labo bilyan oo musliim caalamka ku nool ay gutaan. Afurka iyo saxuurtu waa labo ka mida xiliyada ugu cunista iyo cabida badan laakiin waxaa muhiim ah inaad ogaato sida cunooyinkaas ay nafaqo ahaan iyo caafimaad ahaan ugu wanaagsan yihiin jirkaaga. Kerry Torrens, waa khabiir nafaqada ah wuxuu sheegay in faa’iidooyinka iyo dibu dhacyada ay keeni karaan helida cuno nafaqaysan. Sidaas oo kale daraasado ayaa xusaya in soonku sababo in caafimaadkagu kor u…
