Author: radiohalgan.com

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ay sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda Alshabaab. Hay’adda NISA waxay sheegtay in Abuukar Axmed Caddow Tifoow uu in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda. Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley. Hay’adda NISA waxay sheegtay inuu Alshabaab kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho. Xogta Hay’adda NISA ay…

Read More

Xilli afar meelood meel dadka ku nool Marinka Qasa ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan macaluul ka dilaacda halkaas ayaa Maraykanka iyo Midowga Yurub isku diyaarinayaan xaaladkasta oo looga hortagi karo masiibo kale oo bini’aadanimo oo ka dilaacda Qasa. Qasa, waxaa ka socda wali colaad in ka badan afar bilood halkaas oo ay haya’adaha Qaramada Midoobay ka dayrinayaan xaaladda malaayiin rayid ah oo reer Falastiiniyiin ah. UK, ayaa hore gargaar ay diyaarado hawada sare kaga tuurayan ugu dirtay Qasa, sidaas oo kale Maraykanka ayaa isna fuliyey gargaar dhanka hawada looga daadiyey waqooyiga Qasa oo ka mida meelaha ugu…

Read More

Wax yar ayaa ka dhiman bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan taas oo ka mida bilaha ugu xurmada badan Islaamka, af xirka bishaasna ay tahay cibaado in ka badan labo bilyan oo musliim caalamka ku nool ay gutaan. Afurka iyo saxuurtu waa labo ka mida xiliyada ugu cunista iyo cabida badan laakiin waxaa muhiim ah inaad ogaato sida cunooyinkaas ay nafaqo ahaan iyo caafimaad ahaan ugu wanaagsan yihiin jirkaaga. Kerry Torrens, waa khabiir nafaqada ah wuxuu sheegay in faa’iidooyinka iyo dibu dhacyada ay keeni karaan helida cuno nafaqaysan. Sidaas oo kale daraasado ayaa xusaya in soonku sababo in caafimaadkagu kor u…

Read More

Maraakiibta badda ee Mareykanka ayaa soo riday 15 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Badda Cas ku ganeen Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka helaya Iiraan. Taliska Dhexe ee militariga Mareykanka (CENTCOM) ayaa maanta sheegay in isbahaysiga badda ee Mareykanku horkacayo ay mas’uul ka ahaayeen ka jawaabidda weerar culus oo ka yimid Xuutiyiinta, kaasoo lala eegtay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed intii u dhaxeysay aroortii 4am iyo 6:30am (01:00-03:30 GMT). Diyaaradahan ayaa la sheegay inay khatar ku ahaayeen maraakiibta, ciidamada badda ee Mareykanka iyo maraakiibta isbahaysiga ee gobolka ayuu yiri taliska oo qoraal soo dhigay barta X. “Ficilladan ayaa loo sameeyay…

Read More

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxaed Cigaal, kadib markii ay fadeexad ka dhalatay lacag sagaal dollar si sifo sharci darro ah loogu rogay shacabka. Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaan xildhibaanad kulankan oo berri dhacaya, isla markaana su’aallo looga wayediin doono dhacdadaasi Wasiir Fardowso Maxamed Cigaal. “U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri qoraalka. Arrintaan ayaa saameyn…

Read More

Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee caasimada maamulka HirShabelle Wararka ayaa sheegaya in garoonka ay ku dhacday diyaarad nuuca xamuulka qaada, una rarnayd ciidanka ATMIS ee ka howlgalka magaaladaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shilka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ka baxday dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadkii saarnaa diyaaradda la badbaadiyay, isla markaana uusan jirin khasaare soo gaaray, marka laga tego burburka diyaaradda. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dyaaradda uu dab…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Haweenka Adduunka ee 8da Maarso oo ku beegan maanta. Xassan Shiikh ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee haweenku ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoyska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa xusay doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo al shabaab. HOOS KA DAAWO HADALKA MADAXWEYNAHA https://youtu.be/cogJgy1Ek0w?si=P4a47PcZXFCCuI_J

Read More

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ka qaybgalay Isusoobax Bulsho oo Shacabka Magaalada Laascaanood ay ku taageerayeen Ciidamada Difaaca SSC-khaatumo, adkaynta Amniga Caasimadda, kobcinta Dhakhliga iyo kor u qaadista canshuur-bixinta. Ugu horeyn Hoggaamiyaha ayaa ku ammaanay shacab weynaha SSC-Khaatumo sida ay markasta u garab taagan yihiin Maamulkooda, sidoo kale Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyay Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo oo ah geesiyaasha shacabka reer SSC-Khaatumo ay dartood u haystaan Nabadda iyo Amniga. Hoggaamiyaha ayaa shacabka la wadaagay in Maamulka Somaliland iyo Muuse Biixi ay qorsheynayaan colaad iyo weerar ay ku soo qaadaan deegannada SSC-Khaatumo mar kale, isagoona ugu baaqay shacabku inay is garabtaagaan ciidanka Difaaca…

Read More

Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay shacab ku sugnaa magaalada Gaza waxaana ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro weriye ka tirsan Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka. Saxafiga Khader Al Za’anoun ayaa u sheegay CNN Khamiistii in uu indhihiisa ku arkay taangiyada Israa’iil oo rasaas ku furaya dad rayid ah oo isugu soo baxay hareeraha Isbitaalka Kuwaiti ee xaafadda Zaytuun ee magaalada Gaza. Al Za’anoun ayaa sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, gacanta midig iyo dhegta midig. Al-Za’anoun, oo si joogto ah ula shaqeeya CNN, ayaa sheegay in koox rayid ah ay isu soo baxeen…

Read More

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay musiibo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo badda cas iyo gacanka cadmeed, kaddib markii markab siday kiimiko uu ku quusay badda kuna daadatay kimikkadaasi gunta hoose ee badda. Qoraal kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaana walaac xooggan looga muujiyay saameynta ka dhalan karta kiimikadan badda ku daadatay, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg loo qaado tallaabooyin kahor tag ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaana laga cabsi qabaa in musiibadan ku habsato ,kaddib markii uu xeebaha Yeman ku degey markab la yiraa Rubymar oo sidey in ka badan…

Read More