Author: radiohalgan.com

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay tababarka inta lagu jiro fasaxa xulalka. Xiddiga Diogo Jota ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa maalinta oo salaasa ah. Jota ayaa kooxdiisa kaga maqnaa dhaawac muruqa ah oo uu kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay. Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhaawacmay kulankii Brentford ee bishii hore waxana la filayay in uu ku soo laabto tababarka ka hor fasaxa xulalka Xiddiga 27 jirka ah ayaa la filayaa in uu wakhtigii la filayay ka soo horumaray waxana uu ka qayb qaatay tababarka fudud ee kooxda Liverpool.

Read More

Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa qarka u saaran inuu shaqada ka ceyriyo Erik ten Hag xittaa haddii uu ku guuleysto FA Cup oo uu u soo baxo Champions League. Milkiilaha Manchester United ayaa doonaya in uu badalkiisa u magacaabo tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate. Ten Hag ayaa ku dhow dhamaadka xilli ciyaareedkiisii 2-aad ee Old Trafford United ayaana weli hoos u dhac ku yimid wixii laga filayey. Kaliya haddii ay ku guuleystaan ​​FA Cup waxay u horseedi kartaa inay badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda laakiin waxa la filayaa in ay Final-ka la ciyaaraan kooxda Man City. Horyaalka…

Read More

Milkiilaha Man United ee Sir Jim Ratcliffe ayaa ka hadlay tartanka adag ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan. Horyaalka premier Legaue ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay 3 kooxood ku tartamayaan horyaalka premier League. Arsenal iyo Liverpool ayaa isku dhibco ah waxana ay Gunners ku hogaaminaysaa horyaalka farqiga dhibcaha iyaga oo hal dhibic ka horeeya Man City. Sir Jim Ratcliffe: “Kooxdee ayaan doonayaa inaan ku guuleysto horyaalka PL? Waan necbahay dhammaantood, dhammaantood waa cadaw!”. Suurtagal ma ahan in aan doorto, Laakiin way u fiicnaan Lahayd Arteta sababta oo ah shaqo fiican ayuu qabtay, Arsenal-na way u dulqaadatay isaga.”

Read More

Thibaut Courtois ayuu dhaawac kasoo gaaray tababarka sida laga soo xigtay wargayska MARCA. Goolhayaha weyn ayaa maanta dhameysan kari waayay tababarka, wuxuuna ka baxay xerada tababarka Real Madrid ee Valdebebas isagoo ooyaya Sida uu sheegay wariye Jose Felix. Waxaa la sheegay in dhaawaca Courtois uu ka dhacay qeybta hoose ee jilibka, laakiin ma ahan isla goobtii uu ka dhaawacmay bilowgii xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa aad uga walaacsan goolhayahooda lagu kalsoon yahay maadaama uu maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Dhaawacan ayaa niyad jab ku ah marka loo eego in la filayay in uu soo…

Read More

Michael Owen ayaa doonaya in Liverpool ay ku guulaysato Premier League laakiin waxa uu filayaa in kooxda Jurgen Klopp iyo Arsenal ay Horyaalka U Lumin doonaan Man City. Kaliya hal dhibic ayaa u dhaxaysa kooxda hogaanka haysa ee Arsenal, Liverpool oo kaalinta labaad ku jirta iyo Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta iyada oo toban kulan ay u hadhsan tahay. Arsenal ayaa badisay dhamaan siddeedii kulan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League tan iyo bilawgii sanadka 2024,waxana ay u dhaqaaqday hogaanka horyaalka markii ugu horeysay tan iyo bishii December ka dib markii labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City…

Read More

Munasabad ay xilka kula kala Wareegeeyen Wasiirada Wasaaradaha Shaqadda &Arrimaha Bulshada, iyo Wasaaradda boostada isgaarsiinta Dowladda Hirshabelle oo lagu qabtay Magalaada Jowhar. https://youtu.be/TKJvCSmQTpc?si=gN5sylry7Pzw-8I0 Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar” labadan Wasaarad ee boostada iyo isgaarsiinta, iyo Wasaradda Shaqada Waxa ay qabteen shaqo aad u Wanaagsan oo aan ku amaaneyno”. https://youtu.be/FY7AAKSU4uM?si=RgEBFR5HJK3_Nuqc

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay la taliye cusub oo ka mid noqonaya la taliyeyaasha xafiiskiisa. Mukhtaar Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia ka dib wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Cabdi Barre. “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday xafiiska Xamse Barre. Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xili dalka uusan laheyn Wasiir amni muddo 4 afar bilood ah ka dib markii Wasiirkii ku magacownaa…

Read More

Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday xarun shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay agagaarka Isgoyska Baar Ubax degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino la sheegay in lagu xiray dhismaha xarunta oo xiligaas xirneyd, lagana maqnaa marka laga reebo waardiye gudaha ku jiray. Burbur xooggan ayaa qaraxaas ka soo gaaray qeyb ka mid ah xarunta, sida albaabada iyo daaqadaha, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka DF oo baaritaano wada, lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas. Waxaa xusid mudan in bilihii la soo dhaafay qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah…

Read More

Qoysas badan oo danyar ah oona heli karin afurka ayaa ka faaideystay deeq rashiin ah oo samafalaha gaarsiiyay maanta mid kamid ah kaamamka Magaalada Baladweyne. Deeqda ayaa eheyd mid loogu talo galay in lagu afuriyo bisha barakeysan ee Ramadan dadka masaakiinta oo aan heli karin afurka waxaa ayna ka koob neeyd deeqda Bur, sokor, bariis, baasto, saliid iyo timir aad ayayna ugu farxeyn ayadoo lagu jiro 10kii hore ee bisha Ramadan. Qooysaska dantayar ayaan ka mahadceliyay walalihii Soomaaliyeed ee muxsaniinta ee gacan ka geeystay Afurinta waa ayna u duceeyeen in alle wax ka kheyr badan ugu badalo walalihii soo caawiyay.…

Read More